Iyadoo is faham daro iyo khilaaf uu u dhaxeeyo labada shariif ayaa waxaa soo ifbaxaya in xildhibaanada barlamanka KMG ah ka tirsan ay u kala safanayaan labada dhinac ee is khilaafsan kadib markii hadalo iyo eedeyn isu jeediyee.
Xildhibaan Xuseen caraale Cadaan oo ka tirsan xildhibaanada taageersan gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa wuxuu sheegay in madaxweynaha aanu xaq u laheyn ka hadalka go’aankii Baarlamaanka, waxaana uu sheegay in madaxweynaha laftiisa ay keeneen xildhibaanada Baarlamaanka.
“madaxwaynaha meesha isagoo socda muu iman ee barlamaanka ayaa meesha keenay oo soo doortay waa inuu sidaas ogaadaa” sidaasi waxaa yiri Xuseen Caraale oo maanta Muqdisho kula hadlay idaacadaha.
Xuseen Caraale ayaa sheegay in go’aanka Baarlamaanka ee waqtiga 3 sano ay korodhsadeen aan sinaba looga laaban doonin uuna yahay lama taabtaan ninki doodana uu isdaalinayo oo kaliya.
Dhanka kale waxaa hadalka Xuseen Caraale ka horeeyey Xildhibaan Ceydiid ilka xanaf oo taageersan dhanka madaxwaynaha wuxuuna shaley u waramay saxaafada gudaha , isagoo sheegay in madaxwaynaha uu xq u leeyahay inuu dib u celiyo go’aanka barlamaanka uuna ku saxsan yahay.
Waxa la isku hayo ayaa ah in muso 3 sano ah barlamaanka kordhisto halka Shiikh Shariif iyo xulufadiisu ay leeyihiin maya waa in 2 sano kaliya laga dhigaa ama laga yaareeyaa hadii kale beesha caalamkaa diideysa taasoo Shariif Xasan iyo asxaabtiisana ay waxba kama jiraan ku sheegeen warka madaxwaynaha.
Waxaa muuqata in hada khilaafka u dhexeeya labada Shariif uu yahay mid sii cuslaanay oo maalin kasta hgadlo hor leh ay soo baxayaan iyadoo beesha caalamka ee taageerta dawlada ay madaxda ka yihiin mar hore walaaceeda cadeysatay.

Related posts: