Waaligii gobalka Gedo ee Xarakada oo lagu bedelay masuul cusub

Published on February 27, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Xaflad ka dhacday degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa lagu magacaabay masuul cusub oo qabanaya xilka maamulka gobalka Gedo ee dhanka xarakada mujaahidiinta al Shabaab kadib markii la bedelay masuulkii horay xilkaasi u hayey.

Waaliga cusub ee xilka loo dhiibay ayaa lagu magacaabaa Shiikh Cabaas, waxaana la bedelay waaligii hore Shiikh Bishaar Aadan oo xilkaasi soo hayey mudo ka badan hal sano.

Xaflada ka dhacday degmada Baardheere ayaa waxaa ka qaybga;lay Shiih Xuseen Cali Fiidow oo ah madaxa xafiiska isku xirka gobalada ee xarakada Shabaab kaasi oo sheegay in isbedelka maamulka lagu sameeyey uu qeybka yahay horumarinta deegaanada wilaayooyinka ee Shabaabka maamulo ee wadanka Soomaaliya.

Shiikh Bishaar oo ahaa masuulkii hore ayaa isaguna wuxuu soo dhoweeyey xil wareejinta uu sameeyey wuxuuna sheegay in isaga markii horaba lasoo magacaabay hadana nin kale loo soo magacaabay xilkii uu hayey taasna uu aqbalay. 

Inta kadib ayaa masuulka cusub ee mamulka Gedo lo soo magacaabay ayaa sheegay inuu ka codsanayo dadka ku nool gobalka Gedo inay la shqeeyaan isla markaana ku caawiyaan wixi sax ah ee uu fuliyo.

Wuxuu sidoo kale Shiikh Cabbaas soo hadalqaaday dagaalada hada ka taagan degmada Buuloxaawo oo ka tirsan Gedo isagoo ku tilmaamay kuwo ay ka dambeyso Amxaarada wuxuuna dadka ugu baaqay in dagaalkaasi laga qeybqaato sidii looga hortegi lahaa.

Xarakada Shabaab ayaa sidookale dhowaan bedeshay maamulkii gobalka Banaadir oo saddex sano xilka hayey.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xarakada Shabaab oo maanta maamul cusub u magacawday gobalka Banaadir [SAWIRO]
  2. Gudiga abaaraha gobalka Gedo oo ka hadlay xaalada abaaraha
  3. Degaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho oo maamul cusub loo sameeyey
  4. Dagaal galabta dib uga qarxay magaalada Beledxaawo ee gobalka Gedo
  5. Dagmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir oo maanta maamul cusub loo magacaabay

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xarakada Shabaab oo maanta maamul cusub u magacawday gobalka Banaadir [SAWIRO]
  2. Gudiga abaaraha gobalka Gedo oo ka hadlay xaalada abaaraha
  3. Degaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho oo maamul cusub loo sameeyey
  4. Dagaal galabta dib uga qarxay magaalada Beledxaawo ee gobalka Gedo
  5. Dagmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir oo maanta maamul cusub loo magacaabay

Latest Headlines