Ra’iisal wasaarihii hore ee Turkiga Najmuddiin Arbakaan oo maanta geeriyooday

Published on February 27, 2011 by   ·   2 Comments   ·   print

Waxaa maanta oo axad ah ku geeriyooday magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas Najmuddiin Arbakaan oo ahaa ra’iisal wasaarihii ugu horreeyay oo islaami ah oo ay yeelato Turkiya dhicitaankii khilaafadii islaamiga ahayd ee Cusmaaniyiinta ka dib.

 

Arbakaan waxaa isbitaalka la dhigay bilowgii bisha January infection ku dhacay darti. Arbakaan wuxuu ku dhashay magaalada Sinob 29/10/1926kii, dugsiga sarena wuxuu ka qakinjabiyey 1943kii, ka dibna wuxuu 1948kii ka baxay kulliyadda mechanic engineering ee magaalada Istanbul, isaga oo noqday ninka ugu horreeya dufcadiisa. K adib wuxuu assistant ka noqday isla kulliyadaas intii aan takhasus loogu dirin dalka jarmalka. Markii uu diraasadii soo dhammaystayna wuxuu noqday Professor isagoo 29 jir ah.

 Wuxuu aasaasay xisbigii islaamiga ahaa ee ugu horreeyay sannadkii 1070kii, loolano is dabajoog ah oo dhexmaray Arbakaan iyo awoodaha cilmaaniyiinta ah ee ku ilkaystay dalka ka dib wuxuu ku guulaystay inuu noqdo ra’iisal wasaarihii ugu horreeyay oo leh aragti islaamnimo tan iyo intii dalka lagu soo rogay nidaamka cilmaaniga.

 Ra’iisal wasaare Arbakaan oo xilliyo kala duwan la mamnuucay axsaabtii uu dhisay, isagana xilliyo kala duwan xabsiyo lagu xukumay ama siyaasadda laga mamnuucay, haddana wuxuu ku guulaystay inuu ruxruxo aasaaska ay ku taaganayd cilmaaniyada dalka Turkiga oo kuwa reer galbeedka bara-dheeraysatay, wuxuuna qaybweyn ka qaatay sidii shacabka Turkiga diintooda loogu soo celin lahaa.

 Arbakaan wuxuu geeriyooday isaga oo 84 jir ah, waqtigiisa iyo dadaalkiisan galiyey sidii uu ummaddiisa wax ugu qaban lahaa.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. C/llaahi Yuusuf Axmed oo oo Baydhabo kaga dhawaaqay Ra`iisal wasaare Cusub.
  2. Raysul wasaarihii hore ee Yuhuuda oo sheegay inuu aad uga walaacsan yahay hadii Ikhwaanul Muslimiin ay qabsadaan talada Wadanka Masar
  3. Madaxweynihii hore ee dalka Moritaaniya oo noqday imaam masjid
  4. Markab Turkiga laga lahaa oo la Afuubtay.
  5. Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha oo maanta sheegtay in la mamnuucay baasaboorkii hore

Readers Comments (2)

  1. Falxado says:

    Inaa Lillaahi wa innaa Ilahayhi raajicuun!
    Ilaahow u naxariisto, ummadda Islaamka iyo qoayskiisiina ka samir sii, innagana gadaashii hanna fitnaynin!

    Wadaaddada qaarkood si indha la’aan ah ayay u dhaliilaan Islaamiyiinta Turkiga gaar ahaan Xizbiga Arbakaan.

    Muslimiinta Turkiga waxaa soo maray Imtixaankii Qarnigii 20 aad kii ugu cuslaa, waxaase muuqata inay mixnad dheer ka dib ay billaabeen inay soo noolaadaan, markii loo qaatey inay geeriyoodeen ka dib.

    Najmuddiin Arbakaan wuxuu ka mid ahaa dhimbilihii ugu horreeyay ee kasoo baxa dambasta hoosteeda, wuxuuna Gilgilay carshigii cilmaaniyadda. Waxay Ila tahay inuusan mudnayn in wadaad aan waxba ka fahmayn wadciga ummadda Turkiga, si khaldan uga fatwooda uu xisaabiyo khaladaadkiisa iskana indha tiro wax qabadkiisa.

    Rabbiyow u naxariiso walaalkeen Najmaddiin Arbakaan, rabbiyow u dhaaf wixii gef ah ee ka dhacay, himiladiisiina u bixi jiil sii amaba qaada ilaahay mar kale noqoto Xaruntii Khilaafada Islaamka!

  2. axmed yasiin says:

    alaha u naxariisto najmu diin abakaan
    waxan jeclaan lahaa dadka soomaaliyeed inay dhagaystaan muxaadaradii uu galay sh.mustafe x.ismaaciil haaruun oo ahayd (dhibaatooyin iyo rajooyin) oo uu kaga waramayay dalka tukiya iyo dumintii khilaafada islaamiga ah iyo sida najmudiin arbakaan u soo celiyay islaamka
    wabilaahi taefiiq




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. C/llaahi Yuusuf Axmed oo oo Baydhabo kaga dhawaaqay Ra`iisal wasaare Cusub.
  2. Raysul wasaarihii hore ee Yuhuuda oo sheegay inuu aad uga walaacsan yahay hadii Ikhwaanul Muslimiin ay qabsadaan talada Wadanka Masar
  3. Madaxweynihii hore ee dalka Moritaaniya oo noqday imaam masjid
  4. Markab Turkiga laga lahaa oo la Afuubtay.
  5. Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha oo maanta sheegtay in la mamnuucay baasaboorkii hore

Latest Headlines