Waalidiin Soomaaliyeed oo kala gedisan oo caruurtooda ay ku sugan yihiin wadanka Liibya ayaa codsi u jeediyey jaaliyadaha dibada iyo dadka Soomaaliyeed inay wax kala qabtaan sidii looga soo kexeyn lahaa wadankaasi oo rabshado ay ka taagan yihiin.
Qaar ka mid ah waalidiintaasi oo sheegay in wiilal ay dhaleen lagu waxyeeeleeyay rabshada ka dhacaya wadanka Liibiya ayaa ka codsaday qunsuliyada Soomaalida ee wadankaasi iyo jaaliyadaha kale ee dibada ku nool inay gurmad u sameeyaan muwaadiniintaasi sidii looga soo dhex bixin lahaa dhibaatada halkaasi ku soo foodsaartay.
Qaar ka mid ah hooyooyin wiilal iyo gabdho ay dhaleen joogaan wadanka Liibya oo saxaafadda maanta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dhalinyaro dhowr lagu dhaawacay kacdoonka ka socda dalkaasi Liibya kadib markii uu Tooreey lagu dhuftay oo ay geysteen dad careysan oo ka horjeeda dawlada Liibya.
WQaxayna hooyooyinkaasi welwel ka muujiyeen xaalada ay ku sugfan yihiin ilmahaasi ay dhaleen oo ay sheegeen in qaarkood meesha waxbarasho u joogeen qaarna ay ka xoogsan jireen dalka Liibya.
Waxay codsadeen waalidiinta in la taageero guud ahaan qoxootiga Soomaalida ee ku sugan wadanka Liibya sidii loo badbaadin lahaa noloshooda isla markaana loogu soo qaadi lahaa wadankooda si ay dadkooda ula qeybsadaan naf iyo nol intaba mar hadii adduunka meel is dhaanta ayan jirin.
Wiil ka mid ah dadka lagu dhaawacay rabshadaha ayaa dhowaanu geeriyooday dhaawacii soo gaaray, waxaana arinta sii kiciyey iyadoo ay dadka careysan ee reer Liibya sheegeen inay arkeen dad madow ah oo sita baasabooro Soomaali ah oo taageeraya dawlada Mucamar Qadaafi taasna waxay dhalisay in Soomaalida lala coleytamo.
Rabshadaha ka taagan dalka Liibaya ayaa waxaa dhibaatooyin ka soo gaareen Muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo aan awoodin in ay halkaasi ka baxaan, waxeyna arintaasi walaac farabadan ka muujiyay waalidiinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudahiisa.

Related posts: