Afhayeenka xarakada mujaahidiinta al Shabaab Shiikh Cali Dheere oomaanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa digniin culus u jeediyey madaxda wadanka Kiinya isagoo ku eedeeyey in Kiinya ay qayb ka tahay duulaanka lagu soo wado Soomaaliya.
Shirka jaraa’id ee uu ku qabtay Magaalada Muqdisho Shiikh Cali Dheere ayaa wuxuu kaga hadlay shirqoolo uu sheegay in Dowladda Kiinya ay kula jirto kooxahaha nabada u diidan wadanka, isagoo ku eedeeyay inay qeyb wado dhibaatooyinka iyo duulaamada ku soo wajahan deegaanada Xarakada maamusho ee gobalada wadanka Soomaaliya.
Cali Dheere ayaa sheegay in hanjabaada ay hada u dirayaan Kiinya ay ka duwan tahay kuwii hore ee la sheegi jiray, isagoo dadka reer Kenya iyo Soomaalida ku dhaqan Gobolka Waqooyi Bari Kiinya ay ka feejignaadaan tallaabooyinka ay qaadi doonaan.
“Dulmiga iyo dhibaatooyinka joogtada Kenya ku heyso umada muslimka ee dalkeeda, waxaan leenahay, waxaas oo dhibaato iyo shirqool wado, wixii dhibaato ka yimaada ama soo gaara mas’uuliyadeeda idinkaa qaadan doona”ayuu yiri Cali Dheere.
Afhayeenka Shabaab ayaa soo hadal qaaday dagaaladii dhowaan ka dhacay deegaanada u dhow xuduuda Kenya, isagoo sheegay in laga soo abaabulay gudaha Kenya sida uu hadalka u dhigay. laguna soo qaaday deegaano nabad ka jirto.
“Wax badan waxaa laga yaabaa in la yiraahday Kiinya loo hanjabay, xilligan wax ka horeeyay oo dhibaato aan u geysan aysan jirin, intaas oo dhibaato Kiinya ku waday umadan muslimka, laakiin hada hanjabaada waa ka duwan tahay”ayuu yiri Cali Dheere.
Sidoo kale Cali Dheere ayaa soo hadal qaaday xasuuq uu sheegay inay geysteen Ciidamada Kiinya, isagoo ka xusay kuwii horay ka dhacay deegaanka Wagala, oo loo geeystay Umada Muslimka ah sida uu yiri, waxaana uu u sheegay odayaasha iyo dadka deegaanka inay ka feejignaadaan dhibaatooyin uu sheegay inay wadaan Ciidamada Kiinyatiga oo uu sheegay in ceelal ay sun ugu shubayaan dadka.
Cali Dheere ayaa sheegay in xarumo loogu tababaro Ciidamada Dowladda KMG ay ka furtay gudaha wadanka Kiinya wuxuuna xusay in dagaalada dhowaan ka dhacay Gobolada dalka ay door weyn ka ciyaareyso, waxaana uu cadeeyay in abaabulka Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin saldhigyo laga soo qaadayo dagaalo oo uu ka magac dhabay meelo ka mid ah gudaha Kiinya.
Hadalkan ka soo yeeray afhayeenka al Shabaab ayaa imaanaya xilli dagaalo culus ay ka dhaceen qeybo ka mid ah Gobalada dalka, oo ay ka mid yihiin Gedo iyo Hiiraan, sidoo kale dagaalo ay ka jiraan Magaalada Muqdisho.
Dagaalada ka dhacay Buuloxaawo ayaa sida la sheegay waxaa ka qeybqaaty ciidamo Itoobiyaan ah oo dhinaca xuduuda ka soo gudbay.

Related posts:
asc wrwb oo reer somalimirror,manta ma waxad isku badasheen afhayeenka kenya wa idiinka warka sheekha yasmada u wada badalaye oo wa sidu hadalka u yiri iyo la sheegay idinka lehe mise in itobia iyo kenya ka qaybqatan dagaalka shaki idinkaga jira war bal manta warkini lidinkaga bartay so qora ama warkina cadeesta oo afhayeenka kenya inad tihiin nosheega
Tifaftirka Somalimirror.com
ASC, Dhamaan walaalaha akhristayaasha, waxaan xusuusineynaa in Somalimirror ay ka madax banaan tahay dhamaan dhinacyada kala duwan hadey ahaan lahayd urur ama dawlad. Anaga waxaan soo gudbineynaa oo kaliya dhacdoyinka iyo akhbaarta kala duwan ee Soomaalida khuseeya anagoon ku darin waxba kana dhimi doonin.
Arinta labaad ee aan idin xusuusineyno ayaa ah in aflagaadadu ay mamnuuc tahay sharciyana ay xaraam tahay.
Wa shukran
Cali Dheere ha joogjiyo nifaaqa iclaamiga ee ku dhaqmaayo.
Sidee buu Kenya hujuum beenaad ugu diri karaa Shabaab oo:
1- Kala shaqeeya Kenya amaanka xuduud beenaadka
2- U soo celiya baabuurta laga dhaco Kenya
3- Xubnahooda ku nool yihiin ama qaar
xaasaskooda joogaan Kenya
4- Keligii taliyaha u taliya shabaabka uu
haysto Kenyan passport.
5- Sheekhooda Xasaan uu joogo haystana
jinsiyadda Kenya ay dadka kale ku
takfiiriyeen, sheekhaasna ka dambeeyo dasturka iyo qaanuunka Kenya.
iyo qodobo badan oo kale.
Haddii ay runtii danaynayaan shacabka NFD kuma hadleen caqli xumadan oo kale. Waayo NFD waa gobolka ay Somalida ku baxsadeen oo maanta ku deggen yihiin Kenya.
Haddii ay dad wax garanaya yihiin Absamaha iska leh jubbaland ama u badan Jubooyinka dagaal mashbuuh ama qabali ah kuma qaadeen oo boqoradooda iyo salaadhiintooda kama dhigeen qaxooti maanta ku nool NFD,
Adigo nin islaam sheeganayo kuna hadlayo afka soomaaliga ayaa ah wax loola fajaco in aad u hadasho sida tan difaacdana dowladaha gaalada mida xikto waxaa fajac ah in aad mujaahidiinta muslimiinta ah aad meel oga dhacdo lakin hadal kaaga waxbo uma dhimaayo, waxee kenya ka wado geyga geeska afrika shaki cid ogama jiro balse waxee mudan tahay in leska dhacsho ayada iyo kuwa kale ee ka soo horjeeda midnimada umada islaamka ee somalia iyo waxa u hadla.
to caliguure
cali guurow dhaliilaha alshabab waabad u fiirsatay oo waad soo qortay kuwa dawlada kmg ama kuwa kale ay is hayaana ma u fiirsatay oo wax ma ka qortay,
waxaan filayaa inay kun jeer ka badanayaan kuwa shabaabka
Ku socota almajuul ama almajhuula
Marka hore faham waxaan qoray dabadeedna fikrad soo dhiibo.
Shabaab haddii aad dawlad Islaam ka sugto adigaa laf cad toobin ku haya.
Waxaa la dhahay geel baa ilmo shabeel dilay. Shabeelkii baa waydiiyey yaa caruurta iga laayey. Waxaa lagu dhahay waxaa dilay geel. Waxaa uu shabeel dhahay geel ma dilini waxaa iga dilay ari. Sheekada qasadkeeda waxaa waaye, shabaab waa og yihiin waxaa maalin walba soo hubeeya Somalida iyo gaal raaca waa itoobiya. Marna ma weeririn. Marna ma hujuumin. kenyaanka oo shar yar xabashida ayaa looga cag jugleenaa.
Ku socoto cali guure: hadi aan mujaahidiinta laga sugin in lagu hoos noolaado raayada towxiidka yaa laga suga ma amisom iyo dawadhilif yadooda ayaa laga sugaa ama amxaarta in lagu hoos noolaado shareecada, marka rabbi ka xishow ee caafis wey diiso allaah iyo mujaahidiinta hana raadinin ceebta islaamka hadi kale adiga ayuu allaah kugu fadeexeyn doonaa gurigaaga
Dhageyso ninyahow
Horta magac ku soo gal. Haddii aan shabaab dawlad islaam ka sugin ma waxay kula tahay inaan dawlad beenaad iyo gaalo ka sugayo.
Sababta aan u iri waan kuu sheegi lahaa laakiin waxaa ii muuqata inaadan ahayn dhaalibul cilmi u jeedo inuu faaidaysto.