Maamulka Soomaaliland ayaa maanta magaalada Hargaysa ka masaafurisay Ninkii Jarmalka ahaa ee ku xidhnaa xabsiga Mandheera. kasoo lagu helay inuu faafiyay sawiro fuxshi iyo Sino ah oo uu ku dhex sameeyay dadka muslimiinta ah ee Soomaaliland.
ninkan oo lagu magacaabo Gunter Bischoss ayaa Maxkamada Gobolka Hargeysa waxay horaantii bishii Jannaayo 2011 ku xukuntay 4 sanadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $10, 000 oo Dollar. Iyo sidoo kale in laga masaafuriyo dalka marka uu xariga dhameysto oo aanu weligii dib ugu soo laaban.
Ninkaan ayaa lagu heley kadib markii baaritaan lagu sameeyey inuu ku kacay falal dhaqan xumo ah iyo sino sawiro Sino ah oo uu ku faafinayey gudaha magaalada Hargaysa.
Masaafurinta ninkan dembiilaha ah ayaa ka dambaysay ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu sheegay inuu cafis u fidiyay ninkaasi iyadoo dawlada Jarmalka ay codsatay in ninkaasi deg deg loo siidaayo.
Warar hoose ayaa sheegaya in toobiya ay soo fara gelisay arinka ninkan dembiilaha ah iyadoo Safaaradda Dalka Jarmalka ee Itoobiya kala soo xidhiidheen Xukuumadda Soomaaliland Ninka sidii loosiidayn lahaa.
Wasiirka Cadaalada Soomaaliland Ismaaciil Muumin Aar, ayaa xaqiijiyay masaafurinta ninkan oo laga musaafuriyey garoonka dayuuradaha ee Hargaysa.
Culimada iyo dadweynaha reer Hargaysa ayaa la yaaban sababta maamulka Soomaaliland denbigiisa ugu qaadi waayeen ninka denbiilaha ah ee dhaqan xumada ku faafiyey umdda muslimiinta dhexdeeda, iyadoo la og yahay in maamulka Soomaalida oo dad Soomaali ah ku xukumay dil toogasho ah iyadoon xitaa wax cadeymo buuxa loo helin halka dadka qaarkiisna loo adeegsaday sharciga argagixisada oo dilal lagu xukumay.
Waxaa sidoo kale la yaab noqotay in weli xukuumada Soomaaliland mudo dheer xabsiyada ku hayso dad Soomaaliyeed oo qaarkood siyaasad lo xiray halka qaarna loo xiray iny deegaano kale ka soo jeedaan ana la siideyn illaa hadda. Cafiska kuwaasi ma qabto miyaa??
Ninka Jarmalka ah ee lagu magacaabo Guntar wuxuu mudo sannado ah ku noolaa Hargaysa isagoo sheegan jiray inuu Islaamay oo uu la baxay Magaca C/fataax taasoo dadka qaarkiis ay run moodeen. Hase yeeshee waxaa markii dambe la soo eley isagoo falal anshax xumo ah oo Sino ka duubaya haween ku nool Hargaysa taasoo bannaanka u soo saartay beentii uu sheegan jiray ninkani.
Sidoo kale fadhigii ugu danbeeyay ee dhegeysiga kiiska loo haysto Maxkamadda horteeda ayuu Gunter laftiisa ka cadeeyay inuu yahay nin Kiristaan ah, isla isla markaana aanu weligii qaadan Diinta Islaamka.
Gunter wuxuu fulin jiray mashaariic uu ka qaadan jiray Ha’yaddaha, isagoo mashaariicdaa qaarkood ka fulin jiray xaafaddaha dadka saboolka ahi ku baddan yihiin ee magaaladda Hargeysa iyo meelo kale. Sidoo kale wuxuu lahaa ganacsi goob lagu farsameeyo khadka Printer-ka oo ku tiilay gudaha magaalada Hargaysa.
Culimaa’udiinka reer Hargaysa waxay hore xukuumadda Soomaaliland ugu baaqeen inaan ninkani la siideyn oo la marsiiyo waxay shareecadu ka qabto denbiga ceynkaasi oo kale ah laakiin taasi ma dhicin oo ninkii denbiilaha ahaa hadda waa la siidaayey.

Related posts:
waxaan halkaa cadeeynaa in soomaaliland ee ku kactey uun waxii laga filaayey ee aheed eeyna lawadaagtey dhamaan soomalida oo idil oo ah shiyeeye kalkaal.anika waxaa kaloo jeclaalahaa in in yar ka sheeko arintii 2 gabdhod ee gabooya ahaa ee inta wax lagu waayey bacdeen dad ee sharcikii ka faraq maroosadeen dhulka ku jiidey waxaa kaloo maqaal igu dad badan dagaanka soo jeedi sida ogadeenka oo kale lga masa furuyey cadwnah gacanta loo galiyey.waxaase dhamaan wax yaalaha dhamaan Somali Mirror ee ku xustey artilkaan ayaa muujinaayo in Soamaliland ee ka fogtahay cadaalada maamul aan ku fiicneen waxaa hubaal ah in mar uuun lakulmayo cawaaqib xumo goor ee noqotaba waxaase macquul in ee lakulanto kacdoon shacab
Scw
Runtii waa ayaan darro in khaaiinka Siilaanyo uu maanta siidaayo;
* Gaal yahuuud ah oo ku xadgudbay diinta iyo cirdhiga shacabka Somaaliyeed ee Islamka eh.
*Nin qirtay inuu u dhar dhigtay sidii sharafta shacabkan dhulka ugu jiidi lahaa.
Waxaa ayaan darro ah inuu ninkan qabay naag Soomaaliyeed oo mooday inuu yahay muslim.
Waxaan kale oo wax laga naxo ah in culimada Hargeysa iyo gobollada waqooyi joogtay :
* maanta hadalkooda la dhageysan waayey
* Indhaha laga candhuufay ruux kasta oo u qiirooday diinta iyo sharafta dumarka Somaaliyeed.
Waxaa marada ka dhacday:
Aadan seero oo ah nin qabyaaladda goys qoysay oo ka been sheegay manhajka Salafka oo dhahay ninkaasi la sii daan maayo.
Dhacdadan waxay toosh ku ifinaysaa arrimaha hoos ku taxan:
* In Somaliya looga baahan yahay dad wax garanaya oo kala haadin kara
* Maamul goboleedka hargeysa inay yihiin niman sharaf, diin iyo dadnimo lahayn
* In dumarka Soomaaliyeed ee cajalka uu ka duubay ku kaceen ceeb iyo fool xumo ka dhaqmi doonin wejiga iyo magaca Soomaaliyeed.
* In maamulka mujrimka ah ee Siilaanyo ay maanta wax walba kala wayn tahay qaybinta Somaaliya xataa haddii lagu gaarayo ceebaynta iyo cirdhiga gabdhaha Somaaliyeed.
* In Culimada waqooyi galbeed gabeen kaaliintooda kaddib markii ay ku indho beleed rumaynta beenta Siilaanyo iyo kala qaybintiisa Soomaaliya.
maanta keligiis taliye Godane weligiisa iskuma dayin inuu u hiiliyo dumarkaasi ama wax yeelliyo mujrimiinta xabashida dabadhilifka u eh ee Hargeysa jooga.
Somalida waa inay isu timaada oo tallaabo adag laga qaadaa gaalkaasi iyo kuwa kabaha u qaada ee uu ugu horreyo Siilaanyo
kama dambaystii waxaan Somalimiror kula talin lahaa inay ka noqdaan hadalkan jaaiifada ah:
“markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo”
goorma soomaliya lakala qaybiiyey oo dabadhilifka galada noqday madaxweyne
ilaalin waayo sharafta iyo diinta dumarka Somaaliyeed
Akh. Calu Guure
Xamdan Lillaah calaa salaamatik!
Waxaa taas ka sii yaab badan in wafdi aad u ballaaran oo safiirro ah oo booqasho ku tegay magaalada Hargsa ay dalbadeen in lasii daayo ninkaas!!
Waxaan u malaynayaa haddii ninka madaxda ahi u arko maslaxad inay suurta gal tahay inuu iska siidaayo gaalkaas, laakiin su’aasha is weydiinta lihi waxay tahay maxaa keenay in Wafdi dhan oo ka socda waddamo badan oo waaweyn ay madaxda waddan kale ay kala hadlaan, Waayeel Dhillay ah oo ku kacay waxyaabo xitaa sharafta laysaga xayuubiyo marka la joogo waddamadooda??
Miyaanay u ekayn in ninkaan markii horaba hawsha uu ku jiray loo soo dirsaday??
Midda ku saabsan Somliland iyo inay somalimirror ku khaldan yihiin, waxaan u malaynayaa inay (Somaliland) tahay xaqiiqo jirta oo aan la inkiri karin. Waxaan u malaynayaa in afka laga dhawro inay tahay qeyb ka mid ah mushkiladda, waxaa ila habboon in mushkiladda jirta iyo xaqiiqda la wajaho oo laga baxo dhalanteedka. Midnimada Soomaaliya markii horena khasab kuma imaan , khasabna kuma sii jiri karto!!
ku falxado
somaliland inta aan la oran waa xaqiiqo jirta oo waaqic ah waa in la isla waafaqaa maxaa looga jeedaa , haddii looga jeedo beelaha reer shiikh isxaaq ama jabhaddii snm waa run oo waa xaqiiq , haddiise looga jeedo dhulkii ingiriisku gumaysan jiray dad badan baa wada dega oo qaar badani aanay magacan iyo waxa uu hoosta ku wato toonna aan ogolayn .
midda kale goormay xuduudii isticmaarku muqadas noqotay wax lagu dhiso
mida sadexaad beelaha waqooyiga dega qaarna isticmaarka heshiis bay la galeen oo way ogolaadeen qaarna waa diideen oo arintaasi waa masala taariikhi ah oo macruufah , haddaba ninka gaalkiiba somaliland ka diiday wax la yidhaahdo ma wuxuu ka ogolaanaya soomali beel nimo ku socda
mida afraad ciddii baadil wadatoba haddii loo salimo miyaanay ayaan darro ahayn
Ukht falxado
scw wa shukran.
Runtii waan kugu waafaqsanahay ninkaasi gaalnimada iyo dhiilaynimada isku darsatay in waxaasi oo wufuud ah ay og yihiin hawlaha kale ee uu u joogay dalka.
Tan waxa lagu magacaabo Somaliland aniga waxaan qabaa raýi ka duwan kan kuu muuqda. Waayo shalay haddii ay xaqiiqo u muuqatay calaa xisaabi Somali hurudooy waxaa maanta equationka ku jira SSC iwm taasi oo diidan ciyaartan qabyaaladeed. Midnimada Somaliya waa mid dhab ah oo dhul Somali leedahay ah, dadka diidanna waa arrin kale oo doonaya tafsiir qabyaaladeed ku doonaya burinta asalka midnima agtayga. Islaamiyiinta Somaliyana waa ku fashilmeen kala saarka arrintaasi. laakiin yaan la isku mashquulin waa macquul.
Sheeka, Cali Guure
Marka ugu horraaysa, waad ku mahadsantihiin y sida asluubaysan ee aad fikirkayga u naqdiseen.
Midda kale waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan inaan aniga shakhsiyan geel iyo ari toona ii daaqin somaliland (ama waqooyiga soomliya), laakiin somaliland waxaa waaqic aan la dafiri karin ka dhigay laba arrimood:
(1) Iyadoo oo 20 jirsatay oo noqotay magac loogu yeero gobolladaas (ciddii ku qanacsan iyo ka xunba), oo saxaafadda oo dhan ay isticmaasho, marka magacu kol hadduu baxo, macno ma yeelanayso in afka laga dhawro, waxaan ula jeedaa inaan magacaas waxba laga didin, ee taas beddelkeedii la wajaho mushiliadda meesha ka jirta sidii loo xallin lahaa. sidaa yaa raba kala go’ iyo yaan rabin, xuduudda jiritaankeeda iwm.
(2) Iyadoo aanay meesha noo oollin wax aan ugu yeerno reer Waqooyi ama SomaliLand oo annagiiba jiritaankeenni halis ku jiro!
Ma igu diidaysaan in culimadii Soomaaliyeed kii aan dibadda ku noolaan karin uu u cararay Somaliland ama puntland iaygoo aan gaalo ka cararayn ee ka cararaya ardaydoodii???
Qof kastaba wuxuu leeyahay argtidiisa, anigu in kastoo aanan ku farxin markii kala go’itaanka la sheegay haddana waxaa ii muuqata inay saxnaayeen dadkii ku dhawaaqay kala go’a, si boogta looga jaro jirka fiyoow intiisa kale.
Tan uu ustaad Cali guure ka dhawaajiyay ee SSC aniga haddi ay talo iga qaadanayaan waxaan dhihi lahaa inay si ku meel gaar ah isaga harsadaan dalladaan Somaliland, maxaa yeelay haddii ay hadda dagaal billaabaan waxaan hubaa inaysan awoodi doonin inay joojiyaan markay u baahdaan sida ka dhacday koonfurta soomaaliya oo kale.
Aaaway nimankii wadi jiray dagaallada koonfurta soomaaliya?? yaa hadda isku haysta?? ka warrama haddii hadda nala gayn laha 20 sano karo, oo siyaad baare joogo ma la dagalami lahayn??