Xaalad xasilooni ah oo aan cago badan ku taagneyn ayaa saaka laga dareemayaa goobihii dagaaladu kadheceen ee Magaalada Muqdisho, iyadoo maalmihii la soo dhaafay dagaalo xiriir ah iyo duqeymo culus ay ka dhacayeen.
Goobaha degenaanshaha ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Jidka wershadaha, qeybo ka mid ah Xaafadaha degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley iyo deegaanada Waqooyiga Muqdisho.
Inkastoo dagaaladii u danbeeyey ay shaey dheceen ayaa hadana dhinacyada halkaas isku hor fadhiya waxay weli ku jiraan difaac oo kaliya mana jirto wax dagaal ah oo manta socda. Wallow xiliyada qaar madaafiic duqeyn ah ay ridayaan ciidamada shisheeye kuwaasoo gaaraya meelo kala duwan.
Dagaalada maalmahan sida xiriirka ah uga dhacayay magaalada ayaa ahaa kuwo aroor walba marka uu waagu beryo qarxayay, hase yeeshee saaka ayaa ah mid aan wax rasaas ah la maqleyn iyo madaafiic ah, iyadoo xalay magaalada laga maqlayay madaafiic culus.
Wararka dagaalada Muqdisho ayaa saacad kasta isbedelaya saacadihii la soo dhaafay waxaana aad u adkeyd in la ogaado faahfaahinta rasmi ah oo labada dhinac ka madax banana.
Sidoo kale khasaaraha dagaaladii ka dhacay magaalada mudada afarta cishe aheyd ee la soo dhaafay ayaa siyaabo kala duwan loo sheegayaa. Dhimashada ayaa la gaarsiinayaa ilaa 30 ruux halka dhawacyaduna ay kor udhaafayeen 60 in ka adan una badan dhinacyada dagaalamay.
Waxaa sidoo kale jira madaafiicda duqeymaha ah ee magaalada loo geysanayo oo sababtay tiro dad ah inay dhintaan kuwana dhaawacmaan kuwaasoo ah rayid guryahooda ku sugnaa.
Sidoo kale inkastoo dagaalada ay manta joogsadeen haddana waxaa magaalada ka socda Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh oo laga dareemayo labada dhinac eek u dagaalamaya caasimada Muqdisho, iyadoo gulufka uu yahay mid xambaarsan dhiilo iyo xiisado dagaal horseedaya in dagaalada halkooda ka sii socdaan.
Dhanka kale iyadoo ay weli xiran tahay wadada wershedaha oo ku go’doontay dagaaladii dhacay ayaa taasi waxay saameyn ku yeelatay suuqii weynaa ee Bakaaraha oo howshiisu gaabis noqotay maadaama dadku waayeen jidkii tooska ahaa ee ay mari jireen.
babuurta dadweynaha ayaa maalmahan waxay qaab wareegsi ah ku soo marayaan dhanka degmada Afgooye oo 30 km u jirta Muqdisho, iyagoo soo jeexaya dhul aad u dheer oo Bacaad ah si ay u gaaraan suuqa Bakaaraha. Waxaana dadka ay gawaarida ku raacayaan lacag gaareysa ilaa 80 kun oo shilinka Soomaaliga ah halka markii hore lagu raaci jiray illaa 10 kun oo kaliya taasoo sii adkeysay nolosha dadka danyarta ee ah ee u xoogsi tegi jiray Bakaaraha dagaalada ka hor.

Related posts:
Asc. walaal waxaa khamiisti dhowayd aan dhagasanayay Cashar tafsiir ee ka socday masjidka Rasuulka csw. ee Madina .
ka dib tafsiirkii ayaa shiikha la waydiiyay
su’aal aan aad u dhagaystay jawaabta uu ka bixinayay , waxay ahayd ma jirtaa shiikh wax jihaad ee aduunka hadda ka socdo ? Walaahi waxa u si aan leexleexad lahayn u yiri (Somaliya, Ciraaq & Afganistan isagoo ku daray ay yihiin kuwa gaalo ku soo duuleen . markaa ka hor ma aaminsaneen in dagaal jihaad ah in somaliya ka socdo .marka walaalayaalow ha la taageero jihaadka Somaliya Allana haloogu dhowaado ..waana la iswaydiin maalinta aakhiro