Wararka ka imaanaya degmada Buulo xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in galabta kadib salaadii Casar uu dib u qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwii DKMG oo ay la socdeen Itoobiyaanka.
Dagaalkan ayaa ka qarxay halkii la isku horfadhiyey illaa shaley waxaana ka hor inttunan dagaalka galabta bilaaban ka horeeyey madaafiic culus oo lagu garaacay magaalada.
Qoriga BM loo yaqaano ayey ciidamada duulaanka soo qaaday ku gaaraaceen magaalada oo qeyb ahaan hada u eg meel duntay si xuna loo baabi’yey.
Dagaalkan ayaa sida wararku sheegayaan wuxuu si xoog leh uga socdaa hareeraha magaalada oo ay difaacyo adag dhigeen ciidamada Al Shabaab oo diidan in magaalada cag la soo dhigo.
Dhanka kale saraakiisha Al Shabaab ayaa galabta soo bandhigay 2 gaari oo tikniko ahoo ah nooca Cabdi bilayaasha loo yaqaano oo mid ka mid ahna uu ku xiran yahay qoriga Dhashiikaha oo ay dagaalkii shaley kaga qabsadeen dhinaca kale ee la dagaalamaya, iyagoo sheegay in rasaas ay sidoo kale furteen.

Related posts: