Ururka Amisom ee ciidamada keenay wadanka Soomaaliya ayaa maanta sheegay in shir deg deg ah oo ku aadan arinta wadanka Soomaaliya ay ku qabaneyso wadanka Ghana usbuucan si looga arinsado xaalada Soomaaliya.
Shirkan oo aan weli ajendahiisa dhabta ah la ogeyn ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan gaar ahaan arimaha loo qabanayo shirkan.
Waxaa la sheegayaa in wadamada Burundi iyo Yugaandha oo ah kuwa keenay ciidamada ka dagaalamaya Soomaaliya ay ku baaqi doonaan in ciidamada lala qeybsado oo wadamada kale ee Afrikaanka lagu qasbo inay ciidamo iyagana keenaan hadii kale waxaa suurtagal ah in Amisom ay sheegto inay ciidankeeda ka qaadaneyso Soomaaliya.
Dagaalada xoogan ee ka dhacaya Muqdisho iyo sawirada telefishanada laga daawaday ee muujinaya meydadka askarta Yugaandha iyo Burundi oo la jiidjiidayo ayaa la sheegayaa inay aad u kicisay dareenka madaxda labadaasi wadan ee isweydiinaya sababta Midowga Afrika wadamo kale ciidamo uga keeni la yahay oo howsha keligood uu ugu fiirsanayaa.
Sidoo kale kaalinta Amisom hadda ugu jirto DKMG ayaa shieka lagu soo qaadi doonaa siday sheegeen warar ku dhow dhow.
Wasiirka gaashaandhiga Yugaandha ayaa dhawaan sheegay inay muhim tahay in dhibaatada Xamar taala lala qeybsado ciidankooda oo aan iyaga qura loo deyn taasoo muujineysa sida ay u sii kordheyso walaaca labadaasi.
Lama oga in shirkan ay soo fara gelin doonto dawlada Mareykanka oo hpre ugu canaanatay labada wadan inay qeylada yareeyaan lacagna u balanqaaday inay ku siineyso howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya.
Sidoo kale midowga Afrika ayaa wuxuu sheegay in wadamada deeqaha bixiya iyo kuwa Afrikaanka la weydiisan doono inay ciidamo kale u soo diraan Soomaaliya oo xaaladeeda sii adkaaneyso.
Shirkaani deg dega ah aya ku sii beegmay iyadoo dagaal cyulus oo maalintii afraad galay uu ka soconayo Muqdisho waxaana todobadkan Muqdisho laga dhoofiyey meydad fara badan oo askarta Yugandha iyo Burundi ah oo dagaalka ku dhimatay.

Related posts:
takbiir alaahu akbar alaahu akbar waxaan leeyahay wey jabeen cadowga alle waa kuwa isku magacaabay amisom wuuna yimid nasriga alle insha alaah inta soo hartayna wey jabai doonaan waxaan leeyahay shabaab dagaalama inta uu ka soo harayo cunuga ugu yar kuna dhaga kitaabka alle iyo sunnada nabiga muxamed insha alaah waad guuleysaneysaan ilaahayna wuu idin garab taagan yahay qof alle la jirana cid wax ka qaadi karto ma jirto
takbiir alaahu akbar alaahu akbar waxaan aad ugu faraxsanahay oo ilaahay mahadiisa ah cawaadka ka soo yeeray kufaarta eena arkeen baqtigooda oo lagu jii jiidaayo laamiyida taana waa ilaahay mahadii waxaan leeyahay kufaarta iyo kuwo taageersan waa idin dhamaatay muslimkana wuu guuleysatay ilaahayna garabkooda ayuu u galay inta soo hartayna haddii aaysan cararin laamiyada ayaa lagu jii jiididoonaa insha alaah
Masha’Allah Allaha cagahooda adkeeyo Geesiyaasha Ummada Muslim gaar ahaan Qawmiyada Soomaaliyeed oo indha hore u ah idilka shacabwaynaha Geeska Afrika .
Insha’Allah Khilafadii geeska Afrika ka suushay Imaamkii gadaashii waa la soo celin .
Taariikhdaa qofkaan aqrina ha ogaado in dagaalka maanta Muqdisho ka holcaa aw Geeska Afrika ka qarxay sanadkii 1270 miilaadiga
1270
-2011
—–
741 sano ayuu hadda afka gelshay hooy war hooy ragoow siiba dhalinyarada xisaabta ha hilmaaminina !!
Waxaa iga hubaala in ilmaha Tigreega iyo Amxaarada dugsiga hoose / dhexe / sare / Jamacada
loogo dhigo Al Mujaahid Imaam Axmed Ibraahim Axmed Gurey waxa aw biday , adinkana maba garanaysiin goortoow dhahashay !!
Walaahi yaraan saaxiibo nahay ayaan maalin yara doodnay doodii sidaan u wadnay unbeey Axmed gurey nala gashay markaa ayuu yiri soo imaamku 60 kii lama dilin !! waxaa aw ka wadaa 1960 hadda ahaa , markaa anigoo yaaban kaftan dhable ku iri sxb miyaadan ogayn in sayidka aw Shahiiday 1924 aagagaas oo xitaa Jabhadihii gobonimo doonka sida SYL maysan jirin 1940 ?
Ninkaa 25 sano jir ayuu ahaa marka ragoow rag matahay ?