Afhayeenka xarakada Mujaahidiinta Shabaab Shiikh Cali Dheere oo shir saxaafadeed habeenkii xalay khadka telefoonka ugu qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay dagaaladii u dambeeyey ee maalintii shalay ka dhacay gobalada Banaadir iyo Gedo.
Afhayeenka ayaa sheegay in duulaano ay ku soo qaadeen ciidamo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali degaano ka mid ah labada gobal ee Banaadir iyo Gedo isagoo sheegay in dhamaan duulaamadaasi ay ku dhamaadeen guuldaro soo gaartay dhinacyadii soo qaaday.
Shiikh Cali Dheere oo ugu horayn ka warbixiyey dagaalkii magaalada Muqdisho ayaa sheegay shaley uu ka dhacay dagaal culus agagaarka Falorensa iyo madaxtooyada dagaalkasina ay ku adkaatay xarakada Shabaab, siduu hadalkiisa u dhigay.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom oo si wadajir ah weerarka u soo qaaday, wuxuuna beeniyey hadalkii gelinkii hore kasoo yaaray saraakiisha DKMG oo ahaa in la jabiyey Shabaab.
Dhankja kale afhayeenka oo ka hadlay dagaalkii shaley ka dhacay degmada Beledxaawo ayaa wuxuu sheegay in weerar culus lagu soo qaaday degmada iyadoo ay iskaashanayaan ciidamo loo soo tababaray DKMG iyo kuwo Itoobiyaan ah. Wuxuuna tibaaxay in dagaalkaasi ay ku jabeen.
Wuxuu intaa ku daray in magaalada Beledxaawo ay duqeeyeen ciidamada Itoobiya oo u adeegsaday madaafiic culus khasaarana gaarsiisay goobo ganacsi iyo guryo.

Related posts:
Asc marka kowad walalaha mujahidinta waxan leyah alaha cizeyo,mida xigta arinta beledxawo digalka itopiya iyo dkmg o kaliya ah meynan so qadin lakinse madaficta waweyn ee magalada lagu gubay waxa badana soo tuurayey ciidanka kiinya kuwas o garab u aha cidamadasi galada ah ee is arursatay inshalah ogada walalayal digalkani u yahay ki kheibar oo kale lona bahan yahay iney muslimintu mid noqdan
abu yaman
adeer hadii shabaab ay daacad yihiin maxaa loo arki waayey hogaamiya hooda isagoo meel cad soo istaago uu dadka u sheega xaqa uu rabo in uu dalka iyo dadka uu rabo waa in uu sheego xaqa si cad ma aha marwalba in uu cajalad ku soo duubo musqulaha dhexdooda oo uu inkiro magacii hooyadii u bixisay oo ah ahmed abdi godane
soomaliyey aniga waxaan idin lee yahay iska ilaaliya dadkaan lamarin habaabiyey oo rabo inuu dadka been ku hogaamiyo
adeer xaqa waa cadyahay ee ma aha laablaab
cali dheere iyo inta la caqliga ah haddaan ilaahay umadda ka qaban meel fog baa laga doonayaa .
waar maxaa idiin diiday inaad ummadda talada la wadaagtaan oo soomaali wada socota iyadoo la yahay afrikaankan la saaro !!!!
shabaabka aduunkaa la dagaallan san iyana waa la dagaallansan yihiin ummaaddii soomaaliyeedna dhexdooday ku baabaday .
waa jabeen buu lee yahay waar imisa wiil oo soomaali ah baad disheen ama xagiina ka dhintay