Gudoomiyaha barlamaanka DKMG ah Shariif Xasan oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho ka hor intii uusan ka dhoofin magaalada ayaa ka hor yimidhadalkii usbuucab kasoo baxay madaxwayne Shariif ee ku aadanaa inuu dib u celiyey go’aankii mudo kordhinta ee uu isku sameeyey barlamaanka.
Shariif Xasan ayaa wariyaasha wuxuu u sheegay inuu qoray warqad uuna u diray madaxwaynaha isagoo ku wargeliyey inuusan wax xaq ah u lahayn inuu dib ugu soo celiyo go’aan kasoo baxay xildhibaanada barlamaanka isagoo taasi ku tilmaamay mid sharci darra ah.
Wuxuu sheegay Shariifku inuu ku xadgudbay axdiga u degsan DF sida uu hadalka u yiri kaasoo qeexaya qodobada barlamanka kasoo baxaya inaysan ku noqosho lahayn.
“Qodobka 70aad ayaa sheegaya in barlamaanka uu isaga kaliyah xaq u leeyahay inuu sidii rabo u bedelo kala bedelo qodobada dstuurka ku qoran. madaxwaynaha wax xaq uma leh inuu nagu soo celiyo goaan anaga naga soo baxay” ayuu yiri Shariif Xasan.
Wuxuu intaa sii raaciyey in warqadasiisa uu ugu sheegay dhamaan arimahaasi uu kahadlay loona baahan yahay Shariifka madaxwaynaha ah inuu u hogaansamo wixii lasoo qortay.
Shariif Xasan ayaa dhiniciisa wuxuu soo dhaweeyey dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya ciidamada DKMG iyo kuwa shisheeye ee Amisom oo isla jira iyo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, isagoo yiri waxaa ay dalka ku soo celinayaan xoriyada iyo nabadda.
Markii uu shirka saxaafadeed dhamaaday kadib ayaaShariif Xasan iyo xildhibaano kale oo la socday waxay isla markiiba u dhoofeen wadanka Kiinya, walow aysan sheegin sababta ay Kiinya ugu dhoofeen waqtigan.

Related posts:
walaahi waa yaab, baarlamaan isku sheegayaashaan arintooda ayaaba ah coloosheena aan u shaqeysano maxaa yeelay maanta wadanka waxaa ka jira waa loo jeedaa hadana waxey ku doodayaan waa arin aysan ku dooda lahayn caruurta yar yarka waxaan idin leeyahay waad fashilinteen ilaahayna wuu idin fashilay ee inta aysan qoortiina ku dhicin mindida al-shabaab isaga carara meesha aad joogtaan wadankeynana nooga baxo anaga ma dooneyno dastuur iyo qodob ee waxa aan rabno waa ku dhaqanka shareecada islaamka iyo in aan isku xukuno waxa alle soo dajiyey oo ah qur’aanka kariimka