Dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho oo Masuuliyiinta labada dhinac ka hadleen

Published on February 25, 2011 by   ·   3 Comments   ·   print

Dagaalo u dhexeeya ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa DKMG oo ay la socdaan ciidamada shisheeye Amisom ayaa saaka ilaa maanta galabnimadii waxay ka dheceen dhowr jiho oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dagaalka qeybtiisa hore ayaa waabarigii waxa uu ka dhacay degmoyinka Wardhiiglay iyo Howlwadaag oo markii hore la isku horfadhiyey wuxuna dagaalkaasi ahaa mid culus oo laga maqlayey magaalada.

Dagaalkaasi ayaan la caden karin khasaaraha labada dhinac waxayna sababtu tahay labada qeyboood ee magaalada oo weli maalintii afraad kala xiran maadaama ay go’an tahay wadadadii wershedaha oo aheyd meesha kaliya ee la maro.

Wuxuu dhinac kasta dhaawacyadiisa geysanayaa isbitaalada uu xukumo sida dhanka xarakada Shabaab oo maamusha deegaanada ay ku yaalaan isbitaalada Dayniile iyo Keydaney iyadoo ciidamada DKMG iyo kuwa shisheeyaha ah loo qaadayo isbitaalada Xalane iyo Madiina iyo midka madaxtooyada ku yaala.

Waxaa dagaalada iyaguna ka warbxiyey labada dhinac masuuliyiin u hadashay oo shir saxaafadeedyo kala duwanku qabtay maanta magaalada

Afhayenka Shabaabul Mujaahidiin ee xagga ciidanka Shiikh Cabdulcasiis abu Muscab ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa weerar ay soo qaadeen ciidamada ku sugan aaga madaxtooyada uuna soo gaarey ilaa waqtigii salaada Jumcaha la tukanayey, wuxuuna sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen dhinaca DKMG iyo Amisom.

Afhayeenka ayaa beeniyey in fariisimo laga qabsaday maanta wuxuuna sheegay in ilaa jidka wadnaha ay weli joogaan ciidamada xarakada ayna daadsan yihiin meydad siduu yiri.

Dhanka kale wasiirka gaashaandhigga ee DFKMG ah Cabdixakiin Xaaji Fiqi Maxamud oo isaguna ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in weerar ay saaka aroortii ku qaadeen dhowr fariisimood kuwaasoo uu sheegay in qabsadeen ciidamada DKMG wuxuuna ka xusay meelahaasi sida Isgoyska Xararyeele, WadadaAadan Cadde iyo qeybo ka mid ah jidka Wadnaha.

Wasiirka ayaa intaa ku sii daray in dagaalka ay sii wadi doonaan isagoo sheegay in dad ay uga dileen dhinaca ka soo horjeeda dagaalkii maanta.

Marka laga tago wararka labada dhinac ma jiraan cid madax banaan oo goobahaasi tegey ilaa hada, waxaana goobaha lagu dagaalamayo ay yihiin deegaano mar hore laga arkacay.

Dhanka kale dagaal kale ayaa galabta isaguna wuxuu ka dhacay jidka wershedaha oo beryahan la isku hayey dagaalkaasoo hub culus la isku garaacay mana jirto cid faahfaahin ka bixisay dagaalka, balse hubka culus ayaa laga maqlayaa goobaha u dhow dagaalkan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Khasaare ka dhashay dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho
  2. Afhayeenka ciidamada Shabaab oo ka warbixiyey dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho
  3. Faafaahinta dagaaladii xaleyto illaa maanta ka dhacay Muqdisho
  4. Xaalada Muqdisho oo degan iyo dagaalo ka dhacay maanta
  5. DKMG oo guulo ka sheegatay dagaalkii maanta ka dhacay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho

Readers Comments (3)

  1. mxm says:

    bismilaahi raxmaani raxiim walaalayaal dagaalada ka socda caasimada soomaaliya ee muqdisho ma ahan kuwo faaiido leh maxaa yeelay waxaanu nahay dad islaam ah oo walaalo ah oo isku diin ah isku midab ah isku luqad ah marka waxaan jeclaan lahaa in Amisom aay ka baxdo dalkeena inta soo hartayna oo soomaalida ah aay heshiyaan dalkana lagu xukumo kitaabka alle iyo sunada nabigeena muxamed scw

  2. mxm says:

    alahayoow naga qabooji dagaalka

  3. Cali Guure says:

    Keligii Taliye Godane uma jeedo dawlad Islami ama in gaalo ka baxdo dhulka Soomaaliya. Maanta waxaa uu ciyaarayaa nolosha dhallinta dacwadan. Ifaafalaha muuqda uma eka mid dawlad islaam ah ku dhalanayo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Khasaare ka dhashay dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho
  2. Afhayeenka ciidamada Shabaab oo ka warbixiyey dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho
  3. Faafaahinta dagaaladii xaleyto illaa maanta ka dhacay Muqdisho
  4. Xaalada Muqdisho oo degan iyo dagaalo ka dhacay maanta
  5. DKMG oo guulo ka sheegatay dagaalkii maanta ka dhacay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho

Latest Headlines