Wararka laga helayo magaalada Beledxaawo ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in maanta magaalada uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa DKMG oo kaashanaya ciidamo kale oo Itoobiyaan ah.
Dagaalkan ayaa daba socday dagaal labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacayay duleedka magaaladaasi, wuxuuna dagaalku ahaa weerar ay soo qaadeen ciidamada DKMG iyo kuwa Itoobiyaanka ee isla socda wuxuuna dagaalku socday lix saacad ku dhow.
Wararka ayaa sheegaya in khasaare xoogan uu jiro oo ka dhashay dagaalka waxaana la sheegay in dhaawacyo iyo meydad loo qaaday dhanka magaalada Mandheera oo ku dhow xuduuda Kiinya. balse tirakoobka khasaaraha rasmiga ah weli si cad looma hayo.
Waxaa maanta la jaray isgaarsiintii magaalada ee dhanka Soomaaliya waxaana taasi darteed aad u adag in xog faahfaahsan laga helo xaalada magaalada iyo dhinacyadii dagaalamay halka ay ku kala sugan yihiin. Walow ay jiraan ilo aan lagu kalsoonaan karin oo warar iskhilaafsan ka sheegay xaalada magaalada.
Hase ahaatee dad ku sugan magaalada Mandheera ayaa sheegay inay arkayeen dad xoog leh oo magaalada ka baxaya gaar ahaan bartamaha magaalada oo uu ku yaalo suuqii weynaa ee magaalada uu maanta dab qabsaday.
Dabkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay madaafiic culus oo saaka ay magaalada ku garaaceen ciidamada Itoobiyanka ee la socda kuwa DKMG kuwaasoo duulaan ku ahaa magaalada.
Dhanka kale dadka ka barakacaya magaalada ee gaaraya Mandheera ayaa sii badanaya iyadoo goor hore dadka badankiis magaalada isag bexeen ayaa hadana dagaalkan awgiis ay dad badani ka barakeceen magaalada.

Related posts:
Itoobiya Qabridahare Soomaali ha kula heshiiso kuwana ha kulayso Soomaaliya gudaheeda sow ama aha ii sii jooga aan idiin soo noqdee.
Ma garanayo sababta loo beegsaday waqtigaan dad beerka dhulka ku haya abaar darteed in la qaxiyo lana laayo hadana lagu faano.
asalaamu caleykum dhamaan muslimiinta
walaalayaal maanta waa ayan daro in aan u kala harno difaaca diinteena ,umadeena iyo dalkeena
iimaankeena dib aan u fiirino.
shacabkeena maxa xilligan loo barakicinayaa ,xilli ay abaar ku habsatey wadanka. walaalayaal cadaawada cadowga wey iska muuqataa fadhiga aan ka kacno oo aan iska difaacno ilaah ayaa inooga gargaarayaa.
shacabka soomaali galbeedna ha ogaado maanta xadduu u gargaaari weeyo walaalihiisa in barito si ihaano ku jirto loo layn doono.
shabaabku uyagaa ummaddii oo dhan gooni uga baxay oo waxay dilaan iyo waxay gaalaysiiyaan ka dhigay , dee ragna way is hayaane dagaalkuna marar badan akhlaaqiyaad maleh , saas darteed ummad ay taladii kala carareen oo umuurteeda maaraysan kahayd dagaalna aan ku khasbanayn baa lagu haystaaye markay ku xumaato yaan ummaaddii laga cararay dib loogu soo noqone ragga ha la iska dhacsho , haddii kale kaalay oo ii dagaalan cid caqli lihi kaa yeeli mayso