Baaq nabadraadin iyo canaan isugu jira oo ay culimada gobolka Sool ka soo saareen dagaalkii ka dhacay Maygaagle iyo Hagoogane

Published on February 22, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Shabakadda warbaahinta Somalimirror waxaa soo gaaray baaq nabadraadin iyo canaan isugu jira oo ay shalay culimada gobolka Sool ka soo saareen magaalada Laascaanood, kaas oo ay kaga hadlayeen dagaalkii khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay Maygaagle iyo Hagoogane iyada oo lagu jiro xilli abaabro iyo dhibaatooyin badan haystaan dadweynaha. Baaqa culimaduna wuxuu u qornaa sidaan:

Ka dib markii la maqlay warkii dagaalka shalay ka dhacay Maygaagle iyo Hagoogane, kaasoo ahaa mid aad looga xumaado , ayna ka dhasheen dhibaatooyin culculus  oo laga murugoodo, waxay culimada gobolka Sool ka soo  saareen arrinka ku aaddan dagaalkaas baaqan:

1- Waxay culimadu eedda dagaalkii  shalay dhacay dusha u saarayaan  maamulka  Somaliland, oo  isagu ku tuntay dhammaan dedaalladii nabad raadineedd ee socday, ka dib markii ciidammadeedu bilaabeen  dagaalkaas  lagu xasuuqay ummadda faraha  badan, waxayna arrintaasi ku soo aadday iyadoo ay jireen dedaallo fara badan oo dhexdhexaadin ah, ayna wadeen culimada iyo waxgaradka ka soo jeeda degaammada colaaddu saamaysay, waxaannuna maamulka Somaliland u soo jeedinaynnaa inay dib ugala laabtaan ciidammadooda meelihii ay ku soo durkeen dagaalkii shalay, tallaabo danbe oo colaadeedna qaadin . dhinacoodana waa inay  u hoggaansamaan baaqyada nabadda, soona saaraan war cad iyo go’aan lagu qanco, ogaadaanna inaan dagaal xal keenayn balse hurinayo colaad sokeeye oo ku baahda dhammaan degaannada.

Sidoo kale waxaan u jeeedinaynnaa shacabka deegaanka Buuhoodle inay is xakameeyaan, aqbalaanna baaqyada nabadda oo cid walba dani ugu jirto.

2- Waxaaan u soo jeedinaynnaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo inay u dhego nuglaadaan codadka nabad doonka ah,  joojiyaanna colaadda iyo dhiigga daadanaya xilligan ummaddu la il daran tahay abaaraha iyo oonka.

3-  Waxaan ugu baaqaynnaa culimada iyo waxgaradka nabad raadinta wadda inaysan caajisin, siina wadaan dedaalka ay isu taageen ee dhexdhexaadinta dadka walaalaha ah.

 

Afhayeenka culimada

 

SH.Maxamuud Salaad Warsame

 

                                                                   Laascaanood            21/02/011

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Culimada iyo waxgaradka gobolka Sool oo baaq nabadeed ka soo saaray colaadda ka oogan deegaanka Kalshaale
  2. Baaq Nabad-doon oo Culimada Soomaaliyeed ee UK soo saareen.
  3. Nabadoonada Gobolka Bari oo Baaq ka soo saaray Colaado ka jira qeybo ka mid ah Gobolka
  4. Mudaaharaad cambaarayn iyo taageero isugu jira oo maanta ka dhacay Boosaaso
  5. Baaq Nabadeed oo ay Saareen Salaadiin & Culimo oo ku wajahan Shaqaaqaddii Ceel-Barde

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Culimada iyo waxgaradka gobolka Sool oo baaq nabadeed ka soo saaray colaadda ka oogan deegaanka Kalshaale
  2. Baaq Nabad-doon oo Culimada Soomaaliyeed ee UK soo saareen.
  3. Nabadoonada Gobolka Bari oo Baaq ka soo saaray Colaado ka jira qeybo ka mid ah Gobolka
  4. Mudaaharaad cambaarayn iyo taageero isugu jira oo maanta ka dhacay Boosaaso
  5. Baaq Nabadeed oo ay Saareen Salaadiin & Culimo oo ku wajahan Shaqaaqaddii Ceel-Barde

Latest Headlines