Waxaa maanta soo gaaray shabakadda warbaahinta Somalimirror baaq nabadeed oo ay magaalada L/caanood ka soo saareen culimada iyo waxgaradka gobolka Sool, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin colaadda taagan, ayna ku baaqeen in xabbad joojin la sameeyo, lana kala fogeeyo ciidamada is hor fadhiya, ka dibna la isugu yimaado shir khilaafka lagu xallinayo. Baaqii culimada iyo waxgaradkuna wuxuu u qornaa sidaan:
Baaq nabadeed
Laascaanood 13/02/2011
Mahadoo dhan Alle ayey u sugnaatay, nabad iyo naxariisna nebiggeenna korkiisa ha ahaato, intaas ka dib:
Sida la ogsoon yahay waxaa beryahan danbe gobollada dalka ka jira dhibaatooyin kala duwan sida colaado iyo abaaro saameeyey degaanno badan, meelaha qaar abaarihii waxaa ugu darsamay colaado, sida aagga Kalshaale iyo nawaaxigiisa oo dhowaan dagaal fool xumi ku dhex maray dad walaala ah oo uu ka dhexeeyo dhaqan iyo dhiigba, kaasoo sababay khasaare baaxad weyn oo isugu jira naf iyo maalba.
Haddaba culimada iyo waxgaradka gobolka Sool markay qiimeeyeen xaaladda colaadeed iyo abaareed ee ay ku sugan yihiin degaannadaasi, waxay soo saareen baaq ay nabadda ugu baaqayaan dhinacyada dirirtu ku dhexmartay Kalshaale iyo nawaaxigeeda, welina is hor fadhiya, waxayna soo jeedinayaan arrimahan soo socda:
1- Waxay culimada & waxgaradku aad uga xun yihiin dhibkaas dhacay ee ku soo aaday xilli dalka abaaro ba’ani ka jiraan,iyo dhibaatooyin kale oo badan waxayna tacsi u diraan dhammaan dadkii dhibku soo gaadhay, iyagoo Alle u weyddiinaya inuu kii dhintay u naxariisto, kii dhaawacan bogsiiyo, dadkii laga dhintay samir iyo iimaan ka siiyo.
2- Waxaan ku baaqaynnaa xabbad joojin deg deg ah oo aan shuruud lahayn.
3- In la kala fogeeyo ciidammada is hor fadhiya.
4- In la isugu yimaaddo wadahadal nabadeed oo lagu soo afjarayo mushkiladdii meesha ka dhacday.
5- Guud ahaan waxaan ku baaqaynnaa tawbad keen Alle xaggiisa loo cararo, la is cafiyo, roob doonna la samaeeyo, si Alle noogu naxariisto.
6- Waxaan ku boorrinaynnaa dadka walaalaha ee Soomaaliyeed inay sameeyeen isu gurmad dhexdooda ah, ayna laban laabaan dedaalka iskaalmaynta ah ee ay u fidinaynayaan dadka iyo xoolaha abaaruhu saameeyeen.
Allaha weyn waxaan weyddiisanaynnaa inuu dhibkan naga qaado, colaadda iyo abaarahana noogu beddelo nabad iyo barwaaqo, aamiin
Magacyada culimada & waxgaradka soo saaray baaqan
1- SH.C/naasir X.Axmed Yuusuf
2- SH.Axmed Maxamed Suleymaan
3- SH. Cali Mucallim Xasan
4- SH.Maxamuud Diiriye Cilmi
5- SH.Maxamuud Maxamed Maxamuud
6- SH.Aadan Cilmi Saciid
7- SH.Aadan C/raxmaan Xuseen
8- SH.Saciid Axmed Cadar
9- SH.C/naasir X.Maxamed
10- SH.Xasan Maxamed Bootaan
11-SH.Aadan Cali Nuur
12- Saciid Cabdi Ducaale
13- SH.Maxamuud Salaad Warsame
14- SH.Yuusuf Haybe Ibraahim
15- SH.Daahir Khaliif Jaamac
16- C/razaaq Maxamed Warsame
17- C/llaahi Ciise Oog
18- C/llaahi SH.Cali Macallim
19- C/naasir Maxamed Barre
20- SH.C/llaahi X.Axmed
21- SH.C/rashiid X.Axmed
22- SH.C/llaahi Maxamuud Cali Maahir
23- SH.Jaamac Maxamed Cusmaan
24- SH.C/rashiid Yuusuf Maahir
25- SH.Maxamed SH.Aadan C/raxmaan
26- SH.Maxamed Maxamuud Faarax
27- SH.Cali Aadan Dalmar
28- SH.Maxamed Xirsi Maxamed
29- SH.Axmed Maxamed Maxamuud
30- Axmed C/raxmaan Cali
31- Maxamed c/raxmaan Cali
32- C/qani Cali Dhuux
33- C/rashiid Jaamac Biixi
34- C/qani Awdaahir X.Xasan
35- Crisaaq Cali Xuseen

No related posts.
No related posts.