Xarakada Shabaab oo shalay xukun dil ah ku fulisay nin lagu soo eedeeyey basaas Maraykan

Published on January 31, 2011 by   ·   26 Comments   ·   print

Xarakada mujaahidiinta al Shabaab ayaa shaley galab waxay magaalada Muqdisho ka fuliyeen xukun dil ah kaasoo lagu fuliyay nin lagu soo eedeyey inuu mudo basaas u ahaa laanta sirta ee wadanka Maraykanka ee la yiraahdo CIA.

Ninkaasi oo da’diisu ahayd 40 sano jira ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cali xuseen waxaana laga soo dhex qabtay magaalada Muqdisho siduu sheegay  waaliga xarakada ee gobalka Banaadir.

Shiikh Cali xuseen ayaa sheegay in ninkaani uu qirtay mudo 16 bilood inuu u shaqeynayey CIA uuna ka qaadanayey mushahar isagoo sheegay in marar kala duwan uu la kulmay rag ka tirsan FBI iyo CIA.

Sidoo kale qaadiga maxkamada gobalka ee al Shabaab Shiikh Cumar ayaa sheegay in ninkani uu sameeyey qiraal lagana duubay isagoo sheegay in filimkii lagaduubay dadka loo soo bandhigi doono mar dhow.

Dad aad u fara badan oo isugu jiray rag, haween iyo caruur ayaa ka soo qaybgalay meesha uu ka dhacayey xukunka dilka ah oo lagu fuliyey ninkaasi waxaana goobta ay ahayd xerada maslax ee deegaanka suuqa xoolaha.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xarakada Shabaab oo ka digtay dhalinyarada tababarada loogu qaado dibada
  2. Maxkamada degmada Dayniile oo xukun gacan goyn ah fulisay
  3. Xaflad lagu maamuusayey midnimada Xarakada Shabaab iyo Xisbul Islaami oo ka dhacday Afgooye [SAWIRO]
  4. Xarakada Shabaab oo Sheegtay inay Qeybinayso Zakawaatkii la soo Ururiyey
  5. Xarakada Shabaab oo ka warbixisay dagaaladii u dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho

Readers Comments (26)

  1. maxamed says:

    salaamu caleykum waraxmatulaahi anigu waxaan oran lahaa hadii cadeyn loohayo maxuma laakiin waxaa daran iyadoo loodilo tuhun ayaa kun

  2. xog ogaal says:

    as wr wb

    waxa wax lala yaabo ah in cid la xumuko dilkiisa ka dibna la yidhaahdo cadeyntii lagu dilay baanu keenaynaa!!!!.
    axmed kayse cali xuseen waxa uu ahaa nin layaqaano, waxa ay saaxiib ahaayeen isku xafiis iyo isku golena ahaayeen ahmed godane iyo ibraahim afqaan oo madaxda shabaab ugu sareysa ah, wuxuu mudo dhowr sanadood ah ugu xidhnaa jeelasha hargeisa iyo berbera eed ah inuu falal argagixiso maleegayey.

    tuhmo kasta ee marxuumkaa xaq darada lagu dilay lagu soo oogaa waxay dul hoganaysaa saaxiibadii.
    axmed wuxuu ahaa ruug cadaayadii dacwada ee somaliya ilaa sideetanaadkii, waxa laga yaabaa kuwa maanta dilka ku xukumayaa inay midhihiisii dacwada yihiin si toos ah ama si dadban.
    isagoo intaas oo fadli hore u marsaday hadayba dhacday in uu khaldamay- ma filayo in ay dhacdaye- miyuu u shafeeco qaadi kari waayey fadligiisaa hore, sidii abii baltacaba badar loogu cafiyey!!, kuwa shabaab madaxda ka ahise miyey garan waayeen ka digtoonida in dadku ku sheekaystaan saaxiibadood bay laayaan!!.
    Alaah ha u naxariisto Axmed Kayse – Xisaabina waa Alaah hortiisa.

    xog ogaal

  3. nin ictisaam kabaxay says:

    nin la u eedeyey basaas maraykan waa axmed keyse oo ka tirsanaa xarakada inxiraaftay ee bashiir salaad waxaa ninkaa arinkiisu caddeyey wax dadbadani saari la’aayeen oo ah sida ay u shaqaynayaan qoladan inxiraaftay

  4. sayid says:

    waar ninku waa axmed kayse illaahay ha u naxiisto, ciidd gale ayuu ahaa, 4 xaas ayuu lahaa oo ay ugu dambaysay naag habar awal ah oo dhalasho maraykan ah sidata oo baar lagu tunto ku leh, ilaahay ha u naxariisto reer hargeisa ayuu ahaa dhalin yartii saxwada ugu hor fahamtay ayuu ahaa. dilkaa la dilay ilaahay ha kaga dhaafo wixi uu falay mudo ayuu u xidhnaa xukuumdii riyaale waxaase la sheegay in CIA ku khasabtay riyaale inuu sii daayo

  5. Muxamed says:

    Gablan tala aduunyooy maxay galaba heer joogtay! Somalimirror oo waxaan ogaa tacliiqu iyo comments-ku ay kor u dhaafaan 80 iyo wixii ka badan, maantana waxaad maraysan inaad weydaan hal qof oo idiin soo gala ama tacliiq qora marka laga reebo cali guure ee mar mar been afuufa wax u jawaabana waaya markaan umada tusay wuxuu yahay, waxay sumcad xumada idinka raacday somalimirror hadaad tihiin taageerada imdha la,aanta ah ee aad u haysaan ictisaam iyo inaad tacliiqeena qarisaan markaan toosh ku ifino! Bal day warka jaajuuska aad ka qorteen maad sheegtaan jaajuuska inuu ka mid ahaa golaha shuurada ee ictisaam! Maad sheegtaan inuu xaadiray shirkii ictisaam ee garawe ee aad kasoo saarteen inay fitna tahay waxa somaliya ka socda jihaadna ahayn! Maad cadaysaan ninkani inuu aaday jabuti gaaladana kula kulmay lana tusay bayaankii garawe intuusan warbixin gudbin ceebay tacaal ictisaam garbaa taal. Hadaad doontaa qariya tacliiqayga somalimemo ayaa ii diyaar ah somalimirror iyo ictisaam iyo cali guure-ba waa fashilmeen. Nasalalaahu salaama.

  6. xayle says:

    al xamdylilaah weeye waxaana mahad iska leh allahii waafajiyay majuhaadiinta iney gacanta ku soo dhigaan cadawga u shaqeeya galada waxaan rajeynaa inta dhimana inuu ilaahey waa fajindoono mujaahidiinta ineey gacanta ku soo dhigaan

  7. wacane says:

    qofka muslimka dhiigiisu waa xaaraan sida waliba aan ka akhriyay webkale oo soomaalidu leeyahay waliba waxay sheegeen inuu ka tirsanaa ururka al-ictisaam kana mid ahaa waliba wadaadada ugu waaweyn webkaas oo sheegay in uu qabiil aaan kasoo jeedo ninkani waqooyi galbeed ama somaliland .

    hadaba waxaan ka codsanayaa maamulka iyo walaalaha somalimirror inay noosoo galiyaan sawirada iyo filmka ay ka duubeen alshabaab .

    sida ay sheegn alshabaab .
    “”" Sidoo kale qaadiga maxkamada gobalka ee al Shabaab Shiikh Cumar ayaa sheegay in ninkani uu sameeyey qiraal lagana duubay isagoo sheegay in filimkii lagaduubay dadka loo soo bandhigi doono mar dhow “”" somalimirror qoraalka xage sare ayaan kasoo qaaday .

    mar labaad bahda somalimirror waxaan idinka codsanaynaa inaad soo galisaan ninkan taariikh nololeedkiisa iyo inuu wadaadada ka mid ahaa gaar ahaan alictisaaam

  8. axmed yare says:

    Ass/c
    Naseexo walaal:
    Walaallayaal, waxaan ka naseexaynayaa inaan la bannaysan beenta aan salka lahayn, Axmed Kayse, markii u danbeysay wuxuu ka tirsanaa kooxda Alshabaab, ama basaas ha ku noqdo ama yuusan noqone,haddii loogu saarayo Ictisaam buu mar ahaan jirey, shabaab buu ku danbeeyey , maxaad ugu xukumi weydeen inuu shabaab jaajuus noqday ahaa, waxaad ku sheegteen Ictisaam waa been abuur,waxaad tiraahdeen shirkii shuurada Garoowuu ku jirey waa been cad,oo ka qay galay waa been cad, siday ii xaqiijiyeen dad xog ogaal ahi, waxaadse mooddaa in cadaawadda iyo rag iska dhicintu jar idinka tuurtay, oo aad caddaaladdii ka fogaateen Alle wuxuu yiri” Yeysan idinku bixinnin nacayb dad aad neceb tihiin dartiis inaad caddaaladda ka tagtaan”, xitaa hadduu Mar ahaa Ictisaam, shabaab immisaa Ictisaam ahaan jirtey, ma loo haystaa waxay sameeyaan Ictisaam?! immisaa shabaab jaajuus ka soo dhex baxay , yaa dilay Aadan Cayrow Alle ha u naxariistee, yaa dilay Saalax NAbhaan, iwm.
    Walaallayaal , yaan la is dulmin, oo beenta la bannaystay ha la daayo, qolo kasta qof xun oo aan ahayn iyaga waa ku dhuuman karaa, wuuna khiyaami karaa, nebi Muxammad (SCWS) AYAA Munaafiqiin iyo jawaasiis u soo dhuuman jireen,hadduu qofkaas khaa’inka ahi wax sameeyo isagoo aan raalli laga hayn, si hoose wax u wado, kooxda uu ka tirsanaa ma lagu eedayn karaa? waa ! yaab, sida dad badan ay wax walba u bannaysteen, waxaanse leeyahay baroortu ceesaanta ka weyn, ujeeddada meesha ka muuqataa waa mid, waa in la gaalaysiiyo culimada, dadkana lagu diro, berri in la yiraahdo ha la laayo, waxba kuma aha, sidii loo laayey kuwo hore, ogaadase qofkii is yiraahda ceebaha dadka muslimka ah daba gal oo ceebee, isaga Alle fadeexaynayaa adduun iyo aakhiraba, war hoy adow jooga, oo beenta iyo ceebaynta culimada joojiya.
    wabillaahi tawfiiq

  9. Deaq cali muuse says:

    su,aalo dhawr ah ayaan doonayaa inaan waydiiyo xarakada al-shabaab gaar ahaa garsoorayaasha
    1-xukumka aad ku rideen axmed cali xuseen maw ogolaateen cid ehelkiisa kamidi inay goobjoog unoqoto hadii aad sicadaalad ah u dhagaysateen
    2-mawaxaad nagu qacnicaysaa isagaa ayaa qirtay in ladilo waayo qofka jaasuusnimo qiranayaa waa qof ogol in ladilo
    3-aayada qur,aanka ah ee aad u cuska teen ii sheega tafsiirka aad soo dheegateen
    4-ugu dambayn wax badan ayaa aakhiro lakeenidoonaa amma xarako cay amma cid gaara saaraada

  10. kaariye says:

    Horey ayaan uri ninka la yiraahdo abuu mansuur al-amriki iyo kuwa la halmaala oo uu Godane ugu horreeyo waxay la shaqeeyaan Ethopian iyo mareykan,hase ahaatee waxaa layiri waa mujaahidin,waa tanaa oo waxay ku tusinaysaa sida nimankaas tif-tifiin u yihiin islamarkaana ulaynayaan dadka somaliyeed ee dhibaataysan

  11. axmed cali jamac says:

    marxuunku maalintisii ayuu dhitay illaahayna waxanu uga barayaya janoyikiisa ka waraabiyo
    lakiin waxan ka xumahay nasiib darada somali ku haybsatay iyo dadka dantii islamic siday rabaan u durjumaynaya cidii ku tidhaa walaalayal sidaa mahana basaas murtit gaal iyo waxla mid ah ku sheegaya waxanse leeyahay alle umada hadinka qabto

  12. qawdhan says:

    ACWW
    AXMED -KEYSE WAA LA YAQAANAA , KUWA DILAYNA SXB AYAY AHAAN JIREEN ,MARKA JAAJUUS BUU NOQDAY MARKAY LEEYIHIIN , MAXAY U OGAAN WAAYEEN MARKAY XAFIISKA WADA HAYSTEEN , EE AY AHAAYEEN CEESHOW MILIX , MIDA KALE JAAJUUS AAN CADAYN LOO HAYN IN LA DILO , NINKA FADWOODAY UMBAY UTAALAA AAKHIRO
    ISAGANA ILAAHAY HA UNAXARIISTO ,REERIHIISIINA SAMIR IYO IIMAAN HAKA SIIYO

  13. Cali Guure says:

    SCW

    Alla ha u naxariisto Axmed Kayse, gacan ka gar daran ayaa dishay. Dilkiisa kama duwana dilkii loo gaystay insha Allah shuhadadii Dhaalibaan, Barre Cali iyo rag badan oo kale oo ku baxay gacanta qarsoon oo shisheeyaha u adeegta ee Axmed Godane.

    Khalifiyaadka arrintan ninkaan la socon ha ogaado in walaalkan dacwada ku barbaaray oo waxbadan dacwada salafiga ka soo qabtay isaga oo ka run sheegay diintan sideeda intii aannu ku niqiin walaa nuzakii cala Allahi Axad.

    Muddo laga joogo laba sano ayuu is biday inuu u tago Axmed Godane isaga oo marna eegaya qaarabada ay isla yihiin marna is leh uga naseexe manhajka takfiiriga ee uu Godane ku dhacay.

    Godane iyo raggii ku wareegsanaa markii uu naseexayey iyaga oo awood is bidaya waa ka abaal dhaceen oo xabsiga ayay u taxaabeen. Muddoo ayuu u xirnaa oo warkiisa iyo wacaalkiisa la la’aa oo ay ku wacdinayeen inuu qaato manhajka takfiiriga ee shabaab. Markii uu diiday oo ay ka caal waayeen ayay xabsiga albakha ahaan ku tuureen oo hayeen.

    Iyada oo xaalku intaa maraya ayaa waxa dhacay isbedello badan:

    - Waxaa is beddelay mowaawif askhaas, muhaajiiriin joogtay Somaaliya iyo Xisbigii oo uu Abdifataax, Buraale, khadhaadh, ina Mire iyo Koomaandoos moodeen haddii ay dhabar jabiyaan Xisbiga in shabaab wax yihiin ama agtooda wax ka noqonayaan. Taasi dhici wayday oo maanta ninka xamar jooga waa og yahay xisbigii sheegtay inuu la midoobay shabaab waxaa kala haysta.

    - Waxaa is beddelay xiriirkii shabaab iyo shacabkan miskiinka ah ah oo maanta keentay ama qarka u saaran in kacdoon shacab dhaco oo looga horjeedo shabaab. Taasi waxay keentay in Fuaad shonglow maanta afka furto oo uu naqdiyo shabaabka ama ku soo celiyo warkii Cali Guure, Ukht Falxado iyo dad badan oo aqyaar ah oo Somalimirror ka sheegi jireen. Fuaad waxaa uu yiri Godane yuu sheegan amiirnimo isaga oo iska qariya mujaahidiinta weligiisana foronta dagaal gelin. Maanta Godane laba dumar ayuu ku daray gabartii shaariqa joogtay. Dagaalkiisana waxa uu eg yahay mid sii gababsi ah oo intaa dhaafi doonin.

    - Waxaa is beddelay in Muhaajiriin badankooda ka tageen dalka kaddib markii ay badankooda ku eedayeen in Godane yahay takfiir kuwa qulaadooda ugu xun lana shaqayn karin. Taasi oo keentay maanta in Godane afka furto oo uu ku soo celiyo intii hore aan u sheegi jirnay oo ah in shacabkan jabay loo turo oo diintan laga run sheego lagun dirin diinta. Laakin waxay u eg tahay walaata xiina mandab

    - Waxaa is beddelay in maanta rag badan oo shabaab sheeganayay kala irdhoobaan oo nin walba isku wareejiyey ilaalo ka timid beeshiisa.

    - Waxaa is beddelay in dagalladii shabaab oo dhan fashilmeen oo dhul qabsi iyo xamar ka saar iska daaya maanta la raaraadiyo meel maxasta lagula cararo.

    - Waxaa is beddelay culimadii cabsan jiray in maanta xarkaha goosteen oo shicaarkooda yahay macdirah ilaa rabbikun. Sh Shible, Sh, Maxamed Idirin. Sh. cabdiraxmaan Cumar, Sh Umal, wim Min makaha ilaa Nayroobi ilaa Muqdisho in maanta si toos loo kashifay manhajka mucwajka ah ee shabaab ku dhuminayaan mirhii afartanka sano ee dacwadii salafka.

    Arrimahaasi iwm waxay keeneen in ninkan la qaarijiyo si loogu aar gudo rag hore oo shabaabka dhexdooda iska qaarijiyeen iyo in lagu cabsiiyo raggii dacwadan aabaha u ahaa.

    Eedda raqiiska ah waxay ku tusinaysaa sida shabaab maanta u yihiin umad ugaar ku ah diinta islaamka. waa tan Godane ka yeersiisay warkaan halakaan ku qori jirnay. Suaashu waxay tahay ilaa goormay la oggolaan karaa in shabaab cunaan rumuuztii dacwadan? Jawaabtu waxay tahay sinnaba. Sida Godane godka u galay ayay rag kale raaci doonaan mar dhow dhuudhuumasho dhabarka muuqdo haddii aysan isbeddel deg deg ah samayn.

    Ilahow u naxariisto Axmed Kayse.

    Muxamed

    Somalimemo waxaa iska leh mooryaan aanan diinta iyo axkaamta garanayn oo weliba cayrtiisa ku hoos cuna dalka ingiriiska. Waxaa nacasnimo ah inuu dhul gaal ka soo hadlo, waxaa yaab leh inuu sida uu doono u hadlo oo aysan gaalo qaban halka nin dugsi iyo dacwa wadana lagu eedeeyo waa jaajus. Boggiisu waa mid raqiis ah oo cilmi iyo camal salaax midna lagu qorin. Waa fadhi ku dirir ay shabaabka dibadda ku nool ku caytamaan keliya. Rag badan oo wax og marka ay soo galeen waa naga xireen albaabka. Waayo Cabdiwaaxid waa fataan aanan hadalkiisa uusan ka qiimo badnayn qadda lagu qoro.

    Marka ha iska dhaanteeyso waye maalmaha yar ee diinta ku gabbashada ka hartay. Waxaan isku day wayn ugu jirnaa sidii loo badbaadin lahaa wixii dacwdan ku baxay insha Allah

  14. Daruuro says:

    Marxuumka la dilay anigu ma aqoonin, laakiin waxan aqaan Al-shabaab, waxana arkayay daliilka ay ku dileen. Waxa ii muuqatay in uu yahay nin laqmaday oo ay balaayo madow qalatay oo aan ku baxsanin tawxiidka uu qirayo iyo dacwada uu waday iyo wadaadnimo toona!!. asaga waxaan u rajeynayaa Jannada Allah, ayaga waxan leeyahay: Allaah ha idin kula dhaqmo cadaaladiisa sida ugu dhaqsaha badan!!!

  15. geediyare says:

    cali guure ayaa dhameeyey wixii war ah nimankaan dhalin yarta ah allaha soo hanuuniyo koley dhib iyo shido kama marnee.

    ninkaas hadii uu siday sheegayaan yahayna waxba ka hadli maayo arintiisa oo way iska cadahay hadii ay tahay tasfiyatu xisaabna waxaan leeyahay allaha unaxariisto ninkii dilay iyo kii xukumay ayaana danbigiisa qaadaya

    mida kale inay iska hayaan ayaa uga fiicnayd dilkaan iyo midida ay la ordayaan.

    somalimirror aad ayaan ugu taxnahay awalna waxba kuma qori jirine waxaan arkay mid leh 800 boqol oo qof oo wax kuqori jirtay aaway adeer kuligood waa akhristaane adigu meeshaad rabto kuqoro afkaartaada anagu intaan akhrisano ayaanaan waxba kuqoraynine.

  16. mahamoud says:

    waxaan urkaa dilka loogaystay ninkaa inuu ahaa dil aan laga fiirsan loo dilay sabobo ugaar ah kuwa dilay.
    waxay leeyihiin nimanka dilka gaystay waxaanu soo bandhigaynaa caddaymo hase yeeshee waa hadal la iska yidhi ee wax caddayn ah mahayaan.
    kooxahaasi waxay caado ka dhigteen inay qofkii ay fikirka ku kala duwanyiinba inay ku eedeeyaan waa basaas sida maraykankuba uu caado uga dhigtay ciddii ka hortimaada inuu ku tilmaamo argagixiso.

  17. wacane says:

    bismilaah

    inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuuun
    ahmed kayse ilaahay how naxariiisto

  18. sheekh says:

    allaah naxariistiisa ha siiyo wadaadkaas dad qalatadu dishay anigase waxaa ii muuqda in dilkani arimo xasaasi ah dabada ku hayo :
    1/ waxaa lagu banaysanayaa dhiigga culimada gaar ahaan kuwa magacyadooda la sheegay gaar ahan sh.bashiir iyo sh,idirs .
    2! waxaa lagu banaysanayaa iyaga gudahooda in kii la doono la dilo sida ay axmed kayse oo saaxiibkooda ahaa u qasheen.
    3/ waxay bilaabaeen waddadii burburka iyo in hoos la isugu noqdo kadib markii suufiyadii iyo afrikaankiiba waxba laga tari waayey illayn waa in dil iyo dagaal socdaaye!!

    4/ diktaatooriyaddu waa isku farsamo , sidii islaamiyiinta masar iyo meelo kaleba loogu daldali jiray loona oran jiray way qirteen , ayay manta isu isticmaalayaan , laakiin kuwani allaah bayba ugu dhawaanayaan .

    5/ wadaadkan la qashay qareen malahaa illayn haddii kan ku xukumaya iyo kan ku dilaya iyo kan kugudoodayaa ay dhamaan cadw kuu yihiin caddaaladi majirtee , shabaaboow waxaa la idinka sugayaa caddaymo cadcad iyo maxkamad nasiih ah , haddii kale arinkaan waa taariiihki aan la isaga hadhi doonin, ninkaas la dilayna ehel buu leeyahay ee ogaada .

    ugu danbayn waxaan u sheegaynaa in ummaaduu culimada iyo ducaadaba isha ku hayso haddii wax loo gaystana aydaan ka danbayn doonin.

    waxaanse aad uga xumahay meshaas wadaadka lagu qalanayay in la yiri sh.jaamac cabdisalaan baa joogay !!!!! aaaahin aaaaah .

  19. Muxamed says:

    Ku: somalimirror. waxaa idinka muuqda dulqaad iyo adkaysin aan la idinku aqoon waad ku mahadsantihiin inaad naga tirtirin fikirkanaga aanu xaqa ku cadaynayno baadilkana ku burburinayno. Intaas ka dib cali guure waxaan ku leeyahay beenlow warkiisu meel ma gaaro waagii aan doodi jirnay waxaad sheegan jirtay xisbul islaam inaad ka mid tahay waxaa la yiri xaqa hadii afka laga daboolo feeraha ayuu ka dilaacaa falilaahil xamdu xisbigaad ku dhuuman jirtay baa allah.sw. Wuxuu qadaray inuu ku biiro xarakada amaba si toosa ula midoobo madaxdiisii iyo minjahiisiba taa waxay dhashay inuu cali guure soo muuqdo sidii tabeelihii oo meel fog laga akhristo cali guure waxa uu yahay, waxay hada maraysaa cali guure inuu jaajuus u doodo hadii xisbigaad ku dhuuman jirtay haduu meesha ka baxay 2-da saf ee is haysana ee isu soo harayna ay yihiin alshabaab iyo al shariif sh.axmad inaad safka shariif tahay sow wax cad ma ahan anigu shaki iigama jirin jaajuus inaad tahay dadka ku dhexjiray umadii doodanada dhagaysan jirtay sow umay cadaan jaajuus inaad tahay xisbiga magaciisa ku qaraaban jiray! Anigu doodaada way iga xiran tahay oo dib danbe ma doonayo inaan kuula hadlo waxaanan go,aankaa gaaray markuu sh.xasan daahir aweys uu jeediyey khudbadii midnimada ee aan arkay maal aad sii daysay ayaan go,aansaday ninka maashaan dhiiqay inuusan dawo lahayn cid daweyn kartaana aysan jirin hadii somalimirror is badal ayaa ka muuqdo kolay ayagaa kaa xiran doono aflagaadada aad manhajka ka dhigatay eed u geysato madaxweynaha islaamka ee somaliya amiir abu-zuber ama sidii kayse oo kalaad abaalkaaga heli doontaa insha allah maadaama aad haysid shaqaduu hayey mid ka culus. I arki maysid maanta ka dib aniguu daaqa qurunkaaga ka jawaabayo bartan waa lagaa bartay oo lagaa yaqaana marka laga reebo bilcaantan hada kuu alalaasaysa ee xaalkeedu yahay hadaa ha kooyee unana roogi jarnee

  20. wadaad yare says:

    Walaalayaal argagixisada caalamigaa oo Alqacida waxey muslimiinta geliyeen imtixaan qofka caqliga usaaxiibkaa xataa ku wareeri karo. Bal is weydiiya yaa siiyey iyaga sifada iney islaamka matalaan oo qofkii jaasuusa iyaga ka dhigeysa mid islaamka jaasuusey? Iyagu waxey la mid yihiin burcad badeeda,daroogiistayaasha iyo dadka dadka tahriibiya oo kale oo ay ugaarsanayaan hay,ado sirdoon caalami ah oo colaad ka dhaxeyso. Burcad badeeduba qofkii ka war geeya way dilayaan haddey karaan, iyaguna waa sidaasoo kale. Waaba haddey run tahey,laakiin ma heystaan sifo dowladnimo ama islaam oo xukun sharci ah oo dil sharciyan loogu muteysan karo ka dhalanayo.

    Bal u fiirso aqristow haddii cajalada run tahey Sheekh Keyse Allaha u naxariistee waxaa ku qasbey inuu la shaqeeyo CIA in lagu handadey in Guantanamo la geynayo,taasoo la mid ah in adigoo nool lagu duugo. Yaa muslimiinta dhibkaas usoo jiidey is weydiiya. Bal u fiirso dhibkii iyagaa soo jiidey, sifo dowladnimo miyey leeyihiin oo muslimkey dowlad u yihiin? Ma waxey heystaan sifo guud oo ay muslimka u qaadaan dagaal iyo heshiis? Ilaahey aqliga nagama qaado. War munkarkaas iyo aqli xumadaas haddaan garan weyno sida Sh. Keyse ayaa qofba markiisa la qalanayaa? Hadda isla cajaladaas waxaa loogu hanjabayaa oo lagu xiriirinayaa Sh. Keyse waa wadaadadii Ictisaamka ugu waaweynaa!

    Ikhwaanii wuxu asalbey leeyihiin asalka qaldan axkaam qaldan baa ka dhalaneysa.

    Arrintaan iyadaa ceebo badan ayaa ku qarsoon, wadaadkaasna waa nin caan ah dadna wuu leeyahey oo wax badan waa laga daba tegi doonaa. Laakiin mu,aamarad qabyaaladeed xataa meesha waa ku jiri kartaa. Anigu afka arrimaha qaar kuma dhufanayo laakiin wax badan oo uraya ayaa meeshaas ka muuqda kuna qarsoone indhaha fura.

  21. Cali Guure says:

    Muxamed

    Doqonnimada waan kugu ogaa iyo takfiirinta laakiin waxaan ku darsatay been qayaxan iyo marin habaabinta naf la caari ah.

    Hadda ka horna kama aadan jawaabin haddana sidii geel jirihii ayaad u hadashay oo kama jawaabi kartid qodobadaan taxay/

    Maxaad tiri? Madaxwaynaha islaamka Somaaliya? hahahaha. Bal ku celi? Doqonnimadaasi waa la idinku ogaa ilaa kacaankii. hahahaha/

    Calaa kulli xaal arday noqo oo wax baro haddaadan daliil la soo shir tagei karin. Waan ku daalay sidaan dhulka beentaada ugu jiidayey.

    Labada web ee aad sheegtay waxaa iska leh laba mooryaan oo beenta xalaal u tahay. Akhri kan Somalimidnimo leh isaga oo ONLF dhaantada la tumanayo..

    Xisbigii la liqay

    Haddii midnimo dhacday ogow aniga waxaa nagu dhacay is dhiibid iyo maja xaabin xisibiga dhexdiisa ka dhacday.

    Maantay halkeey ku dambeeyeen

    Macallin Xaashi

    Caydaruus

    Maxamed Macallin

    Cabdulaahi Cali Xaashi

    Khadhaad

    Cabdifataax

    Cumar shukri

    Maxamed Shukri

    Karatee

    Cali Guure

    Kumandoos

    iyo rag badan oo aan tixi karin.

    Xasan Daahir khadkuu qaatay waan kan maanta ka dhigtay kun nin oo Xisbiga ka mid ah inay taagan yihiin Bakaaraha oo diideen inay dagaal la galaan shabaabka.

    Wa tan keentay in maanta rag badan oo shabaabka ka mid uu madaxweyanahaad beenta ah Ina Godane ka dhigay buul iyo kuwa hawl gab ah.

    Godane inuu sidii dumarka isu qariyo oo uu ka dhuunta ciidankiisa adiga iyo kuwa beenta iyo dhiigga ummada ka beec mushtara waydiin maayo.

    Waxaan kale oo aan ku waydiinayn in shabaab galabaysanayaan maali walbo oo gabbalkoodii sii dhacayo.

    Ogow in lagu jiro sidii loo badbaadin wixii badbaadsamayo.

    Dilka ninkan miskiinka waxaa loo dilay waxaan ku sheegay qayb ka mid. Qaybta kalena markeeda yaan sheegi doonaa laakiin ogow in dhiiggiisa uusan hadur noqon doonin. Ninka u qoolanna yahay kan qaadhiga isku sheegay iyo madaxwaynahaada beenta.

    ugu dambaynta waxaa ogaata in saaxada jooogaan dad badan oo ka madax bannaan keligii taliye Godane iyo shariifka.

    Marka ay soo muqaadaan ayaa si rasmi u arki doontaa wejiyadooda iyo mabdadooda.

  22. xasansomali says:

    waxaan doonayaa inaan wax yar kasaxo,ninka la baxay muxamed,eeyiri axmad keysewuxuu ka qayb galay shirkii ictisaam ee garowe,warkaa waxba kama jiraan waayo markii shirkani dhacay wuxuu uxidhnaa alshabaab,golaha shuurada ee alictisaam buu ahaana waa been,kolay markii hore raga jamaacada taabacsan wuu ahaa laakin wax xil ahoo uu hayay majirto,warka lasoo duubay ee layiri isagaa laga duubay,wuxuu sheegayaa shirkii lagu doortay sh.maxamed idiris ,inuu xamar joogay jalasdii xubnaha ictisaam loogu sheegay maamulka cusub eee jamaacadana uuka qayb galay, intaasaan ka dhegaystay anigu,iyo warqadii bayaanka ama goaanadii shirkaasna uu dubay ugu tegay cia
    runtii ninkaas anigu ma aqoon xaqiiqadana allaah baa garanaya,kolay alshabaab waxay ku eedeeyeen inuu qirtay basasnimo,waa suuro gal in xarako islaami ah basaas ku dhexjiro
    nebigii oo nool s.cw. ayaa basaas iyo munaafiqba jirey waana jiri doonaa,xataa alshabaab inay maanta kudhex jiraan waa suuro gal,marka runti ninkaas waxay ila tahy aakhira
    war jiraa allaaha caadilka ah eee aan waxba ka
    qarsoonayn,hortiisa ayaa lagu kala bixi doona
    laakiin talo ahaan war qofwalbow aakhiradaada,iyo qabrigaaga aan xisbi iyo xarako,iyosaaxiib iyo qaraabo toona kula gelayn ,ilaasho,oorabi halga cabsado.

  23. sheekh says:

    haddaanba kasoo qaadno in wadaadkaas la dilay uu saaxiibadii basaasayey ma islaamki buu basaasay , shabaabku ma iyagaa islaamkii ah oo kii wax ka sheega kii ku xadgudba kii khilaafa islaamkii buu wax u dhimay miyaa ????

    wallee waa yaab !!! war yaa xaq u siiyey oofinta xukunkan ?? iyaga laftooda ayaaba sharciyadoodu la isku haystaaye??

    kuwa iyaga basaasiinta u ah xukunkoodu waa maxay haddii daraf kale oo muslim ahi qabto ?? ma ladilayaa illayn waa jaasuus eee

    axmed kayse wuxuu ahaa baa ibrahin afqaan iuo godanena yihiiin .

  24. abuu faadil says:

    ILAAHAY ayaa naga og waxay ku dileen ninkan laakiin waxay ilatahay in ay la midtahay waxay kuwii hore ku dileen ee macnadarada ahaa haday kan jaajuus ku dileen maxay ku dileen ama ay ku bara kiciyeen ragii mujaahidiinta ahaa.

  25. Basjiir says:

    Assalaamu calykum dhammaan:

    Walaalaha islaamka waxaan ku baraarujinayaa inay iska dhaafaan, qalbigooda ka saaraan, niyadda ka karhaan fitnada/fidnada diineed ee ka socota waddankeennii. Laguma degdegi karo gaalaysiinta iyo bannaysashada dhiigga qofka muslinka ah. Waa laga quruxbadan yahay lagana fiicanyahay in qof muslin ahi uu qof kale oo muslin ah dhiiggiisa daadiyo. Waa in uu ka war-wareegaa oo xataa khaladaadka kaaga yimaadda qofka muslinka ah aad u qiil-samaysaa – u cudur-daar-samaysaa. Dilka Axmed Keyse Allah ayaa qaddarey inuu ku baxo gacmaha dad islaam ah. Allaah ayaana maalinta qiyaame xukminaya. Anigu Axmed Keyse iyo kuwa dilay toona midna ma aqaan, mana arag lamana kulmin laakiin runtii markii aan daawaday video-ga aad ayaan u naxay ugana xumaaday sida dadka islaamka isugu fitnoobey. Walaa xowla walaa quwata illaa billaah. Lkn waxaan xasuustaa mar aakhriyay kitaab taariikh ah oo uu qoray Jalaaluddiin Sayuudi ayaad waxaan ka aqriyay in dadka islaamka ahi weligiba is laynayay oo amiir kasta ama boqor kasta mid af-gemibiyayey oo dilayay, xataa qaar ayaa waxaa dilay walaakii- subxaannallaah. Culimo badan ama afraad badan oo maanta loogu yeedho sheekh hebel ayaa laga yaabaa in ay ku bixi doonaan gacmaha walaalohooda maanta ay wada joogaan. Waayo maanaba waxaan haynaa in waxa cajaladdan lagu duubay.
    Diintu feker iyo sidaas ayay ila tahay maaha laakiin waa aqoon ku salaysan daliil ka timi qur’aanka kariim ka ah , xadiiska rasuulka (scw) ee shariifka ah , ijmaaca islaamka iyo curfiga dadka. lkn maaddi ahaan marka aan ka fiirshey cajaladdan waxaa iska cad in lagu qasbay inuu sidaa u hadlo Axmed Keyse. Waxaa dhici karta in lagu khiyaaneeyey/siray in la sii daynayo haddii uu sidaa u hadlo, iyadoo loo tusay in laga aar-goostanayo/lagu xumaynayo koox kale oo ay Alshabaab kala af-kaar duwanaadeen. Markii uu qirtayna ladilay, inkasta oo aanay waxa meesha laga fahmayaa marna ku filnayn wax qof islaam ah oo ashaadanaya , soomaya , salaadaya lagu bannaysto dhiiggiisa. Waxa kale oo ka muuqata ninka in la jir-diley oo la rafaadhshey. Waxa uu u egyahay nin aan maskax ahaan fayoobeyn.
    Waa yaab waxa dadka muslimiinta ah jeclaysiiyey daadinta dhiigga, wallahay waa yaab. Xasbunallaahu wa nicmal-wakiil.

  26. abdirahman says:

    A. S C. DHIMASHADU WAA XAQ IN DADKA LAXAKUMO OO LOO XAKUMO SI CADALADA AH OOO DIINTA WAA FUQSAN OO SHARCIGA ISLAAMKA UU QABO WAA WAX FIICAN LKN WAXAA DHIB WEEYN AH OO ILAAHA XAGIISANA KA AH DANBI AAN CAFIS LAHEEYN IN DADKA LEEYS KAGA DILO WARAR AAN LAHIBIN IYO TUHUN AMA SHAGI AMA LAYIRAAH SAAAH AA LOOGA SHAKIYAY MARKA ANIGA WAXAAN KUSOO KOOBI LAHA HADAL KEEYGA ILAAHEEY QURAAAN KIISA WAXUUU KUYIRI……. BACDA ACUUDU BILAAH YAA AYUHAL LADIINU AAMANUU INJAA AKUM FAASIKHUN BINABAIN FATA BAYINUU ANTUSIIBUU QOOMAN BIJA HAALATIN FATUSBIXUU CALAA MAA FACALTUM NAADIMIIN SADAQAL LAAHUL CADIIM MARKA ILAAHAY HADEEY QALAD AHEEYD DILKII LAGUFULIYAY NINKAAS ILAAHEEY YOOMAL QIYAAMA WAXUUU WEEYDIIIN DOONAAA QAADIGII XAKUMAY WASALAAMU CALEEYKUM




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xarakada Shabaab oo ka digtay dhalinyarada tababarada loogu qaado dibada
  2. Maxkamada degmada Dayniile oo xukun gacan goyn ah fulisay
  3. Xaflad lagu maamuusayey midnimada Xarakada Shabaab iyo Xisbul Islaami oo ka dhacday Afgooye [SAWIRO]
  4. Xarakada Shabaab oo Sheegtay inay Qeybinayso Zakawaatkii la soo Ururiyey
  5. Xarakada Shabaab oo ka warbixisay dagaaladii u dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho

Latest Headlines