Guddi qaabilsan abaaraha oo maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho

Published on January 31, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Raysul wasaaraha KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta sheegay inuu hawlgalay gudi qaabilsan abaaraha kaasi oo soo magacawday wasaarada arimaha gudaha ayna ansixiyeen golaha wasiirada.

Gudiga gurmadka abaaraha ee maanta uu ku dhawaqay raysul wasaaraha xukuumada KMG ah ayaa ka koooban 20 xubnood oo ka kala socda Baarlamanaka , culimaa’udiin iyo madaxda bulshada rayidka  waxaana gudoomiye looga dhigay Ibaraahim Xabeeb Nuur.

Culimada ku jirta guddiga waxaa ka mid ah Shiikh Nuur Baaruud Gurax iyo Shiikh Cumar Dhicisow.

Gudiga ayaa maanta sheegay  in muddo 48 saacadood gudahood ay ku soo gudbin doonaan warbixin dhameeystiran oo ku aadan baaxada ay la egatahay  abaarta dad iyo duunyo intaba  saameysay ee dalka ka taagan waqtigan.

Abaaraha  dabadheeraaday ee dalka ka taagan oo   ka dhashay  xili roobaadkii gu’ga oo aan di’in ayaa sababay macluul iyo gaajo iyo in ay u dhintaan dad badan iyo duunyadii ay dhaqanayeen

Gudiga ayaa ka howlgali doona isla markaasina xaruntiisu noqon doontaa magaalada Muqdisho siday sheegeen xubnaha gudigaasi.

Dhanka kale raysul wasaaraha xukuumada KMG ah ayaa eedeyn u soo jeediyey hey’aadka sheegta samafalka isagoo xusay inay san waxba u qabanin dadka wuxuuna ugu baaqay in dadka gaarsiiyaan waxay hayaan ee magacooda ku soo qaateen.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Guddiga gurmadka abaaraha oo looga dhawaaqay Muqdisho
  2. Gudi hor dhac ah oo u Gurmadda Dadka la il-daran Abaaraha & Cudurada oo lagaga Dhawaaqay Muqdisho
  3. Gudiga abaaraha gobalka Gedo oo ka hadlay xaalada abaaraha
  4. Raysul wasaaraha DFKMG oo maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho
  5. Dad ka soo Barakacay abaaraha oo soo gaaray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Guddiga gurmadka abaaraha oo looga dhawaaqay Muqdisho
  2. Gudi hor dhac ah oo u Gurmadda Dadka la il-daran Abaaraha & Cudurada oo lagaga Dhawaaqay Muqdisho
  3. Gudiga abaaraha gobalka Gedo oo ka hadlay xaalada abaaraha
  4. Raysul wasaaraha DFKMG oo maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho
  5. Dad ka soo Barakacay abaaraha oo soo gaaray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Latest Headlines