DKMG ah oo ka tacsiyadeysay mashaqadii maanta ka dhacday isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

Published on January 31, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

DKMG Soomaaliya ayaa ka hadashay shilkii dadka rayidka ah lagu laayey ee maanta duhurnimadii ka dhacay iridka hore ee isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku dhinteen ilaa 20 ruux 60 kalana ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka arimaha gudaha ee Xukuumada KMG ah C/shakuur Shiikh Xasan ayaa tacsi u diray dhamaan ehelada dadkii maanta ku geeriyooday dhacdadii ka dhacday isgoyska Banaadir iyo iyo kuwii ku dhaawacmay isagoo sheegay in Dawlada ay si aad ah uga xun tahay falkaasi oo ay sameeyeen askar ka tirsan kuwa DKMG ah oo is maandhaaf uu dhexmaray.

Wasiirka ayaa booqday goobta mashaqadu ay ka dhacday iyadoo weli dhiiga iyo hibihii rsyidkii ku geeriyooday goobta ay daadsan yihiin wadada isgoyska Banaadir.

Waxaa uu sheegay in la soo qaban doono askartii falkaasi geysatey sharcigana la waafajin doono sida uu sheegay wasiirka, waxaana uu digniin u diray askari kasta oo dil bareer ah geysta in la toogan doono.

Arinta maanta ka dhacday isgoyskaBanaadir ayaa si weyn looga xumaaday iyadoo dhimashaduna ay haatan gaareyso 20 ruux dhaawacyaduna ay gaaryaan 60 kale kuwaasoo la dhigay isbitaalada waawayn ee Madiina iyo Banaadir.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacm,ay ayaa ahaa rayid ku sugnaa isgoyska Banaadir oo ah wado aad mashquul u ah uuna ku yaalo suuq iyo bosteejo baabuurta dadweynaha laga raaco, waxaana dhibaatadan ay timid ka dib markii ciidamo ka tirsan DKMG ah oo isku khilaafay nin ay iska dileen ay rasaas aan loo meel dayin ku fureen goobta suuqa ahayd taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca baaxada leh.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dad rayid ah oo maanta lagu laayey iridka hore ee isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho
  2. Galey dhacday oo ay dalka soo galiyeen hay’adaha ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho
  3. Qasaare ka dhashay Madaafiic ku dhacday Deg. Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.
  4. Maamulka Al shabaab ee Magaalada Balad weyne oo maanta gubay Dawo dhacday
  5. Isgoyska Aadan Cadde oo Maanta howl dib u dhis ah laga bilaabey

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dad rayid ah oo maanta lagu laayey iridka hore ee isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho
  2. Galey dhacday oo ay dalka soo galiyeen hay’adaha ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho
  3. Qasaare ka dhashay Madaafiic ku dhacday Deg. Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.
  4. Maamulka Al shabaab ee Magaalada Balad weyne oo maanta gubay Dawo dhacday
  5. Isgoyska Aadan Cadde oo Maanta howl dib u dhis ah laga bilaabey

Latest Headlines