Inta la og yahay 15 ruux ayaa ku geeriyootay ku dhowaad 60 kale oo rayid ahna way ku dhaawacmeen kadib markii maanta duhurnimadii ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah ay rasaas oodakaga qaadeen goob suuq ah oo ku taala isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Dadkii goobjooga ahaa dhacdadan markay dheceysay oo noo waramay ayaa shabakada Somalimirror.com waxay u sheegeen in dhacdadu ay ka bilaabatay kadib markii uu murn ka dhex dhshay ciidamo isgoyska Banaadir joogay iyo kuwa goobta u yimid nin halkaasi saaka loo ga dilay iyadoo rasaas ay ka dhalatay askarta dhexdooda.
Wararka ayaa intaa ku daraya in k hpor intaysan rasaastu bilaaban ay wada hadleen ciidankii meesha joogay iyo kuwii u yimid ka bacdina ay isfahmi waayeen taasina waxay keentay in gaari tiknikoah oo qoriga ZUU saaran yahay uu rasaas ku harqiyo dadkii dhulka joogay oo dhan iyadoo meeshuna ay ahayd suuq iyo astaan baabuurta laga raaco.
Dhimashada oo maanta gaareysay 15 ruux ayaa hadda warar kala duwani sheegayaaninay sii korortay halka dhaawacyada qaarkoodna laga deyrinayo.
Dhaawacyada iyo meydadka oo ah rayid ah isugu jiray dad meesha ku ganacsanayey iyo dad goobta marayey ayaa loo daad gureeyey isbitaalada oo lagu daweynayo.
Ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan DKMG ah oo arintan ka hadashay waxaana gebi ahaan joogsaday dhaqdhaqaaqii wadada isku xirta Banaadir iyo KM-4 ee magaalada Muqdisho dhacdadan darteed.

Related posts: