Raysul Xukumada KMG ah ee Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa maanta hortagay golaha baarlamaanka iyagoo faahfaahin ka bixiyay hishiiysyo la sheegay in dawladdu ay hor ula gashay shirkado ajinabi ah.
Shirkii ay Mudaneyaasha Baarlamanka Soomaliya maanta ku yeesheen xarunta barlamaanka Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominayay gudoomiye k/xigeenka baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey iyadoo ay so xaadireen 335 Xildhibaan, wuxuuna kulanka ku saabsanaa qodobka shirkadaha ajaaniibta ah ee xukuumada laga sugayey inay faahfaahin ka bixiso.
Kulanka waxaa ugu horreyntii ka hadlay R/wasaaraha isagoo tilmaamay in muddo 4-Todobaad ah laga joogo waqtigii uu ka codsaday mudaneyaasha baarlamnka in fursad loo siiyo in baaritaanno lagu sameeyo Heshiisyadii ka horreeyay xukuumadiisa ,waxa uu R/wasaaruhu sheegay inay jiraan shirkado dhowr ah oo ajanaiib ah kuwaas oo qaarkood ay heshiis la gashay dowladda.
Shirkadahaasi oo ay kmaid yihin Saracen international, SKA, Alfa logistic Service ADCo, oo ka shaqeysa dhismaha PPI2 iyo NST, isagoo xusay inuu guddiyo kala duwan oo ka tirsan golaaha wsiirada u saaray inay baaritaanno buuxa ku soo sameeyaan si loo horgeeyo Baarlamnka.
Intasai kadib ayuu R/wasaaruhu u yeeray R/wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka qorsheynta iyo Xiriirka caalamka C/weli Maxamed Cali kaasoo sharaxay Heshiiska la sheegay in lala galay shirkadda Saracen international, waxa uu sheegay R/wasaare K xigeenka in shirkadaasi aysan wax shaqo ah ku laheyn Xukuumadda haatan jirta hase yeeshee ay Xukuumadii hore iska inkirtay inay saxiixday heshiiskaasi, waxa uu tilmaamay in baaritaanno dheer kaddib ay ogaadeen in dadka ka dambeeyay shirkada Saracen ay yihiin dad leh taariikh mugdi ah oo aan la saxiixin heshiiskaasi, sidaas darteedna ay Golaha wasiiradu u joojiyeen howlihii ay dalka ka waday shirkadaasi.
Intaasi kadib waxaa sidoo kale ka hadalay goobta wasiirka Dekadaha gaadiidka badda circa iyo dhulka Axmed C/raxmaan Abaade oo ka hadlay Heshiiska Shirkadda SKA waxa uu sheegay wasiirku in shirkadaasi ay heshiis la saxiixatay Dowladad Soomalaiya sanadki 2010-ka, iyadoo ujedkeedu ahaa inay la wareegto garoonka iyo Dekadda muqdisho hase yeeshee ay Xukuumadii Cumar C/rashiid ku koobtay oo keliya garonka diyaaradaha si ay uga dhigto garoon caalami ah, isagoo farta ku fiiqay inay shirkadad SKA ka diiwaan gashan tahay dalka Isutagga imaaraadka Carabta.
Wasiirka ayaa sheegay inay bixisay shirkadasai lacag dhan 1 milyan oo dollar taasoo loogu talo galay inay ku howl gasho lamana cadeyn halka lagu bixiyay dhaqaalahaasi.
Wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Somalia oo isan xubin ka ahaa wasiiradii la socday R/wasaare Maxamed Cabdulaahi ayaa ka warbixiyay furaha Internetka dalka ee (.So),isagoo sheegay inay raadraac ahaan u heleen shirkad Japanese ah oo magaceeecda loo soo gaabiyo GMO islamarkaasna uu horay wsiirkii hore ee Postada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cusmaan Jurille uu codsaday in dib dowladda loogu soo celiyo furahaan oo ay in muddo ah xafidday Shirkad calami ah oo ka shaqeysa Domain name –ka oo la yiraahdo ICAN, isagoo farta ku fiiqay in la heli waayay halkii lagu xanaaneyn lahaa qalabkii loogu talo galay in lagu shaqeysiiyo oo ay shirkadaha qaarkood ay xuseen inaysan awodin inay ka shaqeeyaan gudaah dalka halka qaar kale ay dhaqaale f ara badan ku xireen.
Intaasi kaddib ayaa mudaneyaal faro badan waxa ay su’aallo weydiiyeen R/wasaaraah iyagoo badankood dalbanayay in qoraal ahaan loo soo gudbiyo Heshiisyada ay Xukuumaddu soo bandhigtay iyo kuwo ay diidday intaba, waxaana ugu dambeynmtii shirka baarlamanka soo xiray Guddoomiye ku xigenka 1aad ee baarlamnka.

Related posts: