Waxaa sii xoogaystay rabshadihii kacdoonka ahaa ee ay dhigayeen dadweynaha wadanka Masaarida waxaana illaa haatan wadooyinka magaalada Qaahira ee caasimada u ah wadankaasi ka jira dibadbaxyo culus oo ay dhigayaan dad ka careysan maamulka madaxwaynaha talada haya ee Maxamad Xusni Mubaarak. [Daawo sawirada]
Mudaaharadka ayaa hada wuxuu galay hal usbuuc waxaana adag sida ilaa hada wax looga qaban karo kacdoonka oo u muuqda mid dadweynaha ay ku go’aansdeen inay meesha kaga tuuraan xukunka Xusni Mubaarak oo wadankaasi soo xukumay mudo 30 sana ah. halka rajadii dawlada ee aayd in dadku iska kala tegi doonan ay dhamaatay.
Guud ahaan wararka ka imaanaya wadanka Masatr ayaa sheegaya in mudaaharaadyada ay ku faafeen magaalooyin hor leh oo badan sida magaalaada qadiimiga ah ee Al-iskandariya halkaasoo dadweynaha ay isugu banaanbexeen iyagoo xiray wadooyinka iyo iskuulada waxbarashada.
Warbaahint ayaa soo gudbisay in boob iyo bililiqo aad u baahsan ay ka socoto goobaha dawlada sida madxafka qaranka ee magaalada Qaahira ee caasimada ah iy xafiisyada dawlada oo qalabkii yiilay dadweynaha ay daldasheen. Telefishanada ayaa sheegay in dad ku dhow boqol qof ay dhinteen ilaa hada.
Wadooyinka ayaa waxaa taagan dad u badan dalinyaro oo ku dhawaqaya [madaxweynaha ha iska tago] iyo ereyo kale oo a dhan ah xukunka Mubaarak. Waxaana wax tari la ciidamada qalabka sida kuwaaso iyaga iyo taangiydooda ay dhooban yihiin banaanada. Waxaa sidoo kale la arkayey dadweynaha mudaaharaadaya oo dulfuushan taangiyada iyo beebayaasha ciidamda halka qaar ka mid ah askrtiina ay ku biireen mudaaharaadyada looga horjeedo xukunk gaboobay ee Mubaarak.
Iyadoo waxan oo dhan ay dhacayaan ayaa madaxwaynaha laga horjeedo Xusni Mubaarak wuxuu kusii adkeydanayaa inuu xukunka sii joogo, wuxuuna kala diray golihii xukuumada wuxuuna soo magacaabay madaxweyne ku xigeen kaasoo loo dhaariyey jagada.
Sidoo kale madaxwaynaha Mubaarak aya ugu baaqay raysul wasaaraha cusub ee dhawaan uu magacaabay inuu deg deg ku soo dhiso xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatada wadanka ka taagan taasoo uu doonayo inay dadka carooday ay qanciso.

Related posts:
waar nin yow nasri ilaahay ayaa bilaabmay ilaahay ha ka hor dhaqaajiyo nimanka boqolaalka sano kala hor taagan shacabka iyo diintooda