Dagaalo culus ayaa saajka waabarigii ka dhacay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho kuwaasoo u dhaxeeyey ciidamada DKMG ah iyo ciidamada xarakada Shabaab.
Dagaalkan oo bilowday xiligii waaberigii ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacada uu u dhexeeyey iyadoo madaafiic xoogan ay ka dambeysay.
Wararka ayaa sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteenkuwo kalana ku dhaawacmeen dagaalkan o ka dhacay wadada warshadaha kadib markii rasaas iyo madaafiic ku dhacday goobo la degan yahay.
Dhanka kale ciidamada Amisom ayaa rasaas ku furay gaari BL ah oo marayey wadada warshadaha kaasoo ay saarnaayeen dad rayid ah.
Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay saddex kalana way ku dhaawacmeen rasaasta Amisom ku fureen gaarigaasi ay saarnaayeen dadka rayidka ah.

Related posts: