Wararka nga soo gaaraya degmada Balambal ee gobalka Galgaduud ee dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaa in maalintii shaley degmadaasi ay soo gaareen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah.
Ciidamadaas oo la sheegay inay wateen baabuurta dagaalka iyo kuwa ciidamada qaada ee waawayn ayaa shaley aroornimadii soo degey duleedka magaalada Balambale oo xuduudka ku dhow.
Dadka deegaankaasi ku sugan ayaa cabsi xoogan ka muujiyey ciidankaasi markii ay soo galeen degmad Balalbal gudaheeda waxayna shaley u yeereen saraakiil ka tirsan ururka la baxay Ahlu Suna ee ku sugan deegaankaasi.
Dad deegaanka degan oo ay la xiriirtay shabakadan Somalimirror.com ayaa xaqiijiyey in kulamao ay wada qaateen ciidamada Itoobiyaan iyo saraakiisha kooxda Ahlu Suna waxana kulankaasi uu ka dhacay meel duleedka magaalada Balalbal ku taala.
Lama ogawaxyaaaha sida dhabta ay uga wada hadleen labada dhinac balse waxaa naloo xaqiijiyey in ciidamada Itoobiyaan ka hor inteysan ka bixin degmada ay ku wareejiyeen ragii ay la kulmeen hub qoryaha fudfudud ah oo ay siiyeen maleeshiyaad degmada Balambale ku sugnaa.
Qof naga codsaday inaan la magacdhabin oo halkaasi ku sugan ayaa sheegay in hubkaasi lagu qioyaasay ilaa 100 qori oo kuwa gacanta lagu qaato ah waxaana wehlisa rasaasta qoryahaasi loo isticm,aalo oo ay sidoo kale iyana ku wareejiyeen ragii uu kulanka dhexmray Itoobiyaan.
Ciidanka Itoobiyaan ayaa xaley ka guuray degmad Balambale waxaana dadka deegaanka saakay ay ku waabariisteen iyadoo ciidankii Itoobiyaanka ahaa ee meesha soo degey ay ka bexeen.
Wararka na soo gaaraya ayaa intaa ku daraya in ciidmada Itoobiyaanka beryahan ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen degmooyin dhowr ah oo ku yaala gobalada Hiiraan uiyo Galgaduud halkaasoo marna ay soo galaan marna ay dib uga laabtaan siday noo sheegeen dadka deegaanka.

Related posts: