Burcad badeedii ay dhawaan qabteen ciidamada Kuuriya oo la geeyey wadanka Koofurta Kuuriya

Published on January 30, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Dawlada Kuuriyada koofureed ayaa sheegtay in ay wadankeeda geysay ilaa 5 nin oo dhawaan ciidamada wadankaasi ku soo qabteen markab ay afduubteen kaasoo marayey biyaha u dhexeeya Wadanka Cumaan iyo Soomaaliya.

Shanta nin ayaa saaka oo axad ah la gaarsiiyey magaalada lagu magacaabo Seoul ee caasimada wadankaasi Koofurta Kuuriya iyagoo lagu qaaday diyaarad ay iska leeyihiin ciidamada wadankaasi.

Shanta nin ayaa loo haystaa burcad badeednimo waxaana ciidamada Kuuriy ku soo qabteen kadib markii ay hoelgal ay ku soo furanayaan markabka iyo shaqaalihii ay afduubeen ayu ka fuliyeen meel biyaha u dhexeeya Cumaan iyo Soomaaliya. Waxaana howlgalkaasi lagu dilay ilaa 8 nin oo kale oo Soomaali ah kuwaasoo ay dileen ciidamada Kuuriya.

Ragani la eeyey wadanka Kuuriya ayaa la sheegayaa in mxkamad lagu soo taagi doono wadankaasi siday sheegtay warbaahinta dalkaasi iyadoo sideeda nin ee meydadka ahaana weli ay heysteen ciidamadii dilay ee kuuriyada ka tirsanaa.

Markabkii ay afduubeen kooxdani burcad badeeda ah iyo shaqaalihii saarnaa ayaa dib loogala wareegay markii howlgalka ay ku soo weerareen ciidamada kuuriyada koofureed oo ka mid ah ciidamada ajaaniibta ee kusugan xeebaha wadanka Soomaaliya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Burcad badeed Soomaali ah oo lagu hayo wadanka Holland
  2. Markab Shidaal oo K/Kuuriya laga leeyahey oo la afduubey.
  3. Burcad badeeda oo markab u afduubnaa xoog looga furtay
  4. Markab Laga Leeyahay K/Kuuriya oo la Afduubay
  5. Markab laga lahaa Dalka K/Kuuriya oo la sii daayey

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Burcad badeed Soomaali ah oo lagu hayo wadanka Holland
  2. Markab Shidaal oo K/Kuuriya laga leeyahey oo la afduubey.
  3. Burcad badeeda oo markab u afduubnaa xoog looga furtay
  4. Markab Laga Leeyahay K/Kuuriya oo la Afduubay
  5. Markab laga lahaa Dalka K/Kuuriya oo la sii daayey

Latest Headlines