Boosaaso oo laga iclaamiyey in isniinta berita ah la sameeyo Alla bari roob doon ah

Published on January 30, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Maamulka gobalka Bari iyo midka degmada Boosaaso ayaa iclaamiyey in maalibta berita ah oo isniin ah la sameyn doono dibadbax Alla bari ah kaasoo dadweynaha ay ku  roobdoonayaan.

Gudoomiyaha gobalka Shiikh C/xafiid ayaa dadkaugu baaqay in malinta isniinta ah ay xiraan ganacsiga waxbarashadana la hakiyo si dadka ay fursad ugu helaan dibadbaxa Alla bariga ah ee lagu roobdoonayo maadaama wadanka ay sanadkan ka dhacday abaar kulul ayna waajib tahay in Alle laga baryo barwaaqo iyo roob.

Sidoo kale maamulka gobalka ayaa ugu baaqay bulshoweynta ku nool magaalada Boosaaso inay kasoo wada qaybgalaan isu soo baxa roobdoonta ah ee laga sameynayo berito magaalada iyadoo dadkuna hal meel ku wada tukan doonaan.

Fagaare ku yaala duleedka magaalada ayaa loo calaamadiyey in labada rakcadood ee sunnaha ah lagu tukado waxaana la filayaa in culimada ay halkaasi ka soo jeediyey muxaadarooyin dadka ku boorinya iny Allh SWT dambi dhaaf ka dalbaan ayna u towbad keenaan maadaama abaarta iyo gaajada ay ka timaado dambiyada bata laguna rafciyo dambidhaafka iyo towbada oo kaliya.

Si kastaba dibadbaxan ayaa la rajeynayaa inuu noqdo mid balaaran oo bulshoweynta oo dhami ka wada qeybgalaan wuxuun ku soo beegmay iyadoo degmooyin ka mid ah gobalka Bari oo magaalada Boosaaso xarun u tahay  laga soo sheegayo abaaro dadka iyo duunyada saameeyey.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Roob doon Maanta laga sameeyay Magaalada Boosaasao
  2. Roob doon Maanta laga sameeyay Magaalada Garoowe
  3. Ganacsatada Boosaaso oo loogu baaqay inay gargaaraan dadka ku dhibaatoobay abaaraha
  4. Bannaanbax Alla Bari oo ka dhacay Baydhabo.
  5. Taliyaha Gobolka Bari oo ugu baaqay Bulshada Boosaaso ku dhaqan in ay Amniga kala shaqeeyaan

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Roob doon Maanta laga sameeyay Magaalada Boosaasao
  2. Roob doon Maanta laga sameeyay Magaalada Garoowe
  3. Ganacsatada Boosaaso oo loogu baaqay inay gargaaraan dadka ku dhibaatoobay abaaraha
  4. Bannaanbax Alla Bari oo ka dhacay Baydhabo.
  5. Taliyaha Gobolka Bari oo ugu baaqay Bulshada Boosaaso ku dhaqan in ay Amniga kala shaqeeyaan

Latest Headlines