Shiikh Shariif oo maanta u dhoofay Adisababa xili waqtiga jiritaanka DKMG la hadalhayo

Published on January 29, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Madaxwaynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shiih Shariif Shiikh Axmad ayaa maanta u dhoofay wadanka Itoobiya halkaasi oo uu ka socdo shirka midowga Afrika.

Madaxwayne Shiikh Shariif iyo xubno ka mid ah wasiirada DKMG ah ayaa saaka ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho waxaana uu ku sii jeeda wadanka Itoobiya.

Afhayeenka madaxwaynaha ayaa sheegay in wafdigan madawaxynaha ay dalka Itoobiya u tagayaan ka qaybgalka shir madaxeedka ururka midowga Afrika oo maalinta axada ka dhacaya caasimada wadanka Itoobiya.

Shirkaasi ka dhacaya wadanka Itoobiya ayaa sida wararka ay sheegayaan waxaa looga hadli doonaa xaalada wadanka Soomaaliya iyadoo xiligan si aad ah loo hadalhayo jiritaanka DKMG ah oo ku eg marka la gaaro bisha 7aad ee sanadkan 2011.

Wararka ayaa sheegaya in shirka ka dhacaya wadanka Itoobiya uu qayb ka yahay sidii looga arinsan lahaa dhamaadka waqtiga DKMG waxaana shirkaasi soo qabanqaabiyey midowga Afrika iyo Qaramada midiibey.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Wafdi uu hogaaminayo Shiikh Shariif oo maanta u ambabaxay wadanka Jibuuti
  2. Shiikh Shariif oo safarkii Masar kadib maanta Muqdisho ku soo laabtay [SAWIRO]
  3. Shiikh Shariif oo kulan irdaha u xirnaayeen la qaatay madaxwaynaha Yugaandha
  4. Sh Shariif & wafdi la socday oo Muqdisho ka dhoofay.
  5. Raysul wasaaraha DFKMG oo maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wafdi uu hogaaminayo Shiikh Shariif oo maanta u ambabaxay wadanka Jibuuti
  2. Shiikh Shariif oo safarkii Masar kadib maanta Muqdisho ku soo laabtay [SAWIRO]
  3. Shiikh Shariif oo kulan irdaha u xirnaayeen la qaatay madaxwaynaha Yugaandha
  4. Sh Shariif & wafdi la socday oo Muqdisho ka dhoofay.
  5. Raysul wasaaraha DFKMG oo maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho

Latest Headlines