Golihii wasiirada dalka Masar oo la kala diray xili rabshadihii ka socday wadankaasi ay sii xoogaysteen

Published on January 29, 2011 by   ·   2 Comments   ·   print

Golihii wasiirada ee wadanka Masar ayaa la kala diray kadib markii ay soo xoogaysteen mudaahatraadyo waawayn oo ka dhacaya wadanka qaybihiisa kala duwan.

Madaxwaynaha masaarida Xusni Mubaarak ayaa ku dhawaaqay inuu kala diray wasiirada xukuumadiisa wuxuuna shegay in uu soo dhisayo dawlad kale oo wax ka qaban karta waxyaabaha dadwaynuhu ay ka cabanayan sida adeega bulshada, shaqada iyo dhaqaalaha.

Ciidamada booliska ayaa lasoo dhoobay wadooyinka waawayn ee magaalada Qaahira kadib markii dadka dibadbaxyada dhigaya ay uudhaafiyeen wadooyinka ayna galeen dhowr dhismayaal ay dawladu leedahay.

Dadka dibadbaxyada wada ayaa weli ku adkeysanaya inay sii wadayaan mudaaharaadka iyadoo maalintii shalay ee jimcaha ay ahayd maalintii ugu wayneyd ee dibadbaxayaasha isu yimaadaan, waxayna dadku ku dhawaaqayaan ereyo dawlada ka dhan iyagoo codsaday in madaxwayne Mubaarak uu iscasilo.

Xaalada wadanka Masar ayaan xasilooneyn waxaana si aad ah looga baqayaa in mudahaaraadyada ay rabshado noqdaan isla markaasina ay ka dhashaan khasaare dadka rayidka soo gaara.

Dhanka ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa taageeray mudaaharaadyada ay dadku dhigayaan waxayna xukuumada Mubaarak ugu baaqeen inay dadka dhageysato oo talada iska wareejiso.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dawlada Masar oo Xanibaad ku soo rogtay Internetka iyo teleefoonada gacanta
  2. Sheekh Shariif oo ka laabtay Xukuumadii uu kala diray
  3. Majliska Culimada Muslimiinta Itoobiya oo la kala diray
  4. Cumar C/rashiid oo qaadacey go’aankii Xukuumadiisa lagu kala diray.
  5. Sh. Shariif oo gaaray Masar

Readers Comments (2)

  1. Abuu salamah says:

    Asc madaxwaynayasha daba dhilifyada ha dhacaano taladana hala waregano wadaada diinta insha allah sharif wan so sibayna bi.idni lah asago waliba dulaysan al jeriya wan idin sugayna maroco sido sido kale sudana wan idin sugayna insha alah asc

  2. Cabdinassir xasan says:

    A s c waa inay shacabka muslimiinto iyagu dortan cida xukumaysa




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dawlada Masar oo Xanibaad ku soo rogtay Internetka iyo teleefoonada gacanta
  2. Sheekh Shariif oo ka laabtay Xukuumadii uu kala diray
  3. Majliska Culimada Muslimiinta Itoobiya oo la kala diray
  4. Cumar C/rashiid oo qaadacey go’aankii Xukuumadiisa lagu kala diray.
  5. Sh. Shariif oo gaaray Masar

Latest Headlines