DKMG ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay shirkadda Saracen International oo ay dawladu horay hishiis ula gashay kaasoo ku saabsan arimaha amaanka iyo tababarida ciidanka DKMG ah.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac ayaa maanta sheegay in ka dib fadhi ay yeesheen golaha wasiirada DKMG la go’aansaday in dawlada ay burburiso hishiiski ay la gashay Saracen taasi oo wasiirku si caddaan ah u sheegay maanta.
Wasiirka ayaa sheegay in go’aanka golaha wasiirada ay ka qaateen shirkada Saracen ee ka dambeysay ka dib markii guddi gaar ah oo loo saaray hishiiska shirkadaasi ay ku tala bixiyeen in hishiiskaasi uusan wax dan ah u keeni karin DKMG sidaasi darteed dawlada ay isaga baxday.
Sidoo kale wasiirka ayaa intaasi ku daray in hishiiska Saracen uulugaha la ga;lay shirkado Ameerikaan ah oo sirdoon ah kuwaasoo ku soo hoosgabanaya shirkadan arintaasi ay kicin karto dareenka dadka Soomaaliyeed.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa xili Baarlamaanka KMG ah dhawaan ka soo horjeestay hishiiskaan dhex maray Saracen iyo dawlada TFG iyadoo golaha barlamaanka ay si aad ah u dhaliileen mugdiga ku jiray hishiiska.
Waxaana hishiiskan ilaa hada aan la cadeyn cida u saxiixday dawlada TFG ka dib markii ay isku riixeen masuuliyiinta DKMG mid walibana uu iska diiday inuu isaga galay.
Sidoo kale aqoonyahano kala duwan oo ka hadashay arimaha hishiisyada DKMG xilgan la galayso shirkadaha shisheeye ayaa ku micneeyey kuwio dhibaato u keeni kara wadanka maadaama xukuumadani tahay KMG isla markaasina aan la damaanad qaadi karin hawsha shirkadahani dalka ka qabanayaan oo ummada waxyeelo u keeni kara.

Related posts: