Aqoon isweydaarisigii ugu balaarnaa ee loo qabto xaafidul Quraanka oo maanta ka furmay Muqdisho

Published on January 29, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Aqoon isweydaarsi balaaran oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo loo qabto xaafidul Quraanka iyo aqoonyahano islaami ah ayaa maanta laga furay magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya.

Aqoon isweydaarsigaan oo looga hadli doono dhowr qodon oo kala ah Akhrinta Quraanka, Xifdinta iyo Barista dadka ayaa lagu wadaa inuu socdo mudo hal usbuuc ah iyadfoo mudadaasi ay spcon doonto niqaashyo iyo doodo ku saabsan qaabka loo horumrinayo Quranka Akhrintiisa iyo barashdiisa.

In ka badan 200 oo ka macalimiinta Quraanka dhigta iyo dad aqoon gaar ah u leh culuumta Quraanka ayaa ka qaybqaadanaya kulankan aqoon isweydaarsiga ah kaasoo noqonaya midkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo dhawaanahan lagu qabto gudaha wadanka Soomaaliya.

Shiikh Abu Bakar Axmad oo ka mid ah macalimiinta ka qaybgalatsa aqoon isweydaarsiga oo Shabakada Somalimirror.com uga waramay ayaa sheegay in kulankan dhanka dhaqaalaha ay ka qeybqaadan doonaan heyado islaami iyo ganacsato Soomaaliyeed iyadoo ujeedaduna tahay sidii barashada Quraanka Kariimka sare loogu qaadi lahaa.

Dadka ka qeybglaya aqoon isweydaarsga ayaa ka kala yimid meelo kala duwan waxaana ku jira macalimiinta dugsiga gudaha Muqdisho iyo deegaanada ku hareeraysan kuwaasoo si isku mid ah uga qaybgalaya aqoon isweydaarsigaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shir ku saabsan dhaqaalaha wadamada Carabta oo ka furmay Masar
  2. Mu’Tamarka Islaamiga 7aad ee Wadanka Norway oo Maanta Furmay
  3. Saraakiil ka tirsan Ciidamadii hore ee Soomaaliya oo Washington kulan uga furmay
  4. DKMG ah & ARS oo Maanta shir uga furmay Jabuuti
  5. Barlamaanka DFKMG oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shir ku saabsan dhaqaalaha wadamada Carabta oo ka furmay Masar
  2. Mu’Tamarka Islaamiga 7aad ee Wadanka Norway oo Maanta Furmay
  3. Saraakiil ka tirsan Ciidamadii hore ee Soomaaliya oo Washington kulan uga furmay
  4. DKMG ah & ARS oo Maanta shir uga furmay Jabuuti
  5. Barlamaanka DFKMG oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho

Latest Headlines