Madaxwaynaha maaulka Puntland oo maanta wareegto ka soo saaraymagaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ee mgaalada Garoowe ayaa xilka qaadis ku sameeyey afar wasiir oo ka mid ahaa golaha xukuumada Puntland.
Wareegtada madaxwaynaha oo isla maanta 28-01-2011 loo qaybiyey saxaafadda ayaa lagu sheegay in madaxwaynuhu uu shaqada ka saaray afar wasiir oo ka mid ahaa golaha xukuumada ee Puntland.
Waxaana wasiirada xilka laga qaaday ka mid ah;
1- C/xakiim Axmed Guuleed- Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
2- Maxamed Nuur Cagaweyn- Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada.
3- Xassan Cabdi Maxamed- Wasiirka Wasaarada Beeraha.
4- Axmed Cilmi Cismaan Karaash- Wasiirka Duulista Hawada.
Afarta wasaaradood ayaa sidoo kale loo kala magacaabay wasiiro cusub kuwaasi oo kala ah:
1- Wasaarada warfaafinta – Axmed Cali Askar.
2- Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha iyo Dhalinyarada- C/weli Xirsi Cabdulle.
3- Wasaarada beeraha – Maxamuud Xaaji Saalax.
4- Wasaarada duulista hawada- Cali Axmed Gamuute.
Sidoo kale wareegtada maanta kasoo baxday madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay illaa 6 wasiir ku xigeen oo loo magacaabay wasaaradaha qaarkood.
1- Wasiirka Ku xigeenka Waxbarashada- Maxamuud Maxamed Idris.Wasiir Ku xigeenka degaanka- Burhaan Cilmi Xirsi.
2- Wasiir ku xigeenka duulista Hawada- Faarax Seed Cilmi.
3- Wasiir kuxigeenka Shaqada,Shaqaalaha iyo dhalinyarada- Cismaan Cawad Cali.
4-
5- Wasiir ku xigeenka Beeraha- Axmed Cigaal Cawaale.
6- Wasiir kuxigeenka Howlaha guud iyo gaadiidka- Faarax Cali Cabdi.

Related posts: