Iska Horimaad dhexmaray Ciidamo ka tirsan DKMG oo ka dhacay degmada Xamarweyne

Published on January 28, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Hal ruux oo rayid ah ayaa maanta ku geeriyooday qof kalana waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii ciidamo kawada tirsan kuwa DKMG ay isku rasaseeyeen gudaha degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in iska horimaadka uu dhexmaray ciidamo joogay Xamarweyne iyo askar la socotay gaari nooca tiknikada ah kaasoo marayey wadada lamana oga waxa sababay dagaalkan dhaxmaray ciidamada ka wada tirsan DKMG.

Qofka geeriyooday ayaa ahaa nin rayid ah oo goobta ka agdhawaa kaasoo ay haleeshay rasaasta la isku riday halka qofka labaadna uu goobtaasi ku dwaacmay waxaana la ogayn khasaaraha kala garay labada dhinac ee is dagaalay.

Goobta ayaa dagaalka kadib waxaa soo gaaray ciidamo ciidamo kale oo ka tirsan DKMG kuwaasoo ka yimid dhanka madaxtooyada waxayna la wareegeen goobta dagaalku ka dhacay.

Masuuliyiinta amniga u qaabilsan DKMG kama hadal ilaa hada dhacdadan iyadoo intabadan magaalada Muqdisho ay ku soo noqnoqdaan dagaalada dhexmara ciidamada dawlada ee geysta khasaare soo gaara dadka rayidka ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Iska horimaad ka dhacay Degmada Heliwaa
  2. Dagaal Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo kawada tirsan DKMG.
  3. Iska Horimaad ka Dhacay Faanoole
  4. Iska hor’imaadyo dhex marey Ciidamo ka wada tirsan DKMG ah
  5. Iska horimaad ka dhacay KM4

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Iska horimaad ka dhacay Degmada Heliwaa
  2. Dagaal Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo kawada tirsan DKMG.
  3. Iska Horimaad ka Dhacay Faanoole
  4. Iska hor’imaadyo dhex marey Ciidamo ka wada tirsan DKMG ah
  5. Iska horimaad ka dhacay KM4

Latest Headlines