Dawlada Masar oo Xanibaad ku soo rogtay Internetka iyo teleefoonada gacanta

Published on January 28, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Iyadoo mudaaharaadyo waawayn ay wali ka dhacayaan magaalooyinka waawayn ee dalka Masar ayaa dawlada waxay xanibaad ku soo rogtay adeegii internetka iyo telefoonada gacanta ee moobilka.

Wararka ayaa sheegaya in dawlada Masar ay talaabada u qaaday si ay uga hortagto inay wax xiriir ah wada yeeshaan dadka dibadbaxyada sameynaya oo ka soo horjeeda dawlada wadankaasi ee uu hogaamiyo Maxamed Xusni Mubaarak.

Dadweynaha ayaa sheegay in maanta oo jimca ah ay qaadi doonaan dibadbaxyo waawayn oo ay kaga horjeedaaan maamulka Xusni Mubaarak iyagoo ku eedeynaya in dawlada ayan waxba ka qaban horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Adeega internetka iyo telefoonada moobilka ayaa la sheegayaa in dadka dibadbaxaya ayiskula xiriiraan ayna isku dhaafsadaan fariimahooda gaar ahaan adeega SMS-ka ee fariimaha qoraalka la isugu diro telefoonka iyo sidoo kale boga Facebook ee internetka oo lagu wada sheekeysto.

Waxayna dawlada Masar sheegtay in ay ku dadaalayso sidii aysan wax dhibaato ah u dhici lahayn balse dadka dibadbaxaya ayaa sheegay inay sii wadayaan mudaaharaadka tan iyo inta uu madaxwayne Mubaarak xilka iska casilaya.

Dibadbaxyadan oo galay usbuuc ayaa la sheegayaa in dadweynah dhigaya ay ka tusale qaateen mudahaaradyada kale ee ka dhacaya wadamada sida Tuunisiya iyo AlJeeriya oo sidoo kale rabshado ka dheceen dhawaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. Shariif oo gaaray Masar
  2. Sh Shariif oo Masar u tegaya Weydiisashada taagero xaga Ciidanka ah
  3. Sh. Shariif oo u kicitimaya Turkiya, Masar iyo Balgam-ka
  4. DFKMG oo Shirkad Ajnabi ah ka iibisey Domainka Internetka ee Soomaaliya (SO)
  5. Dowlada Masar oo is hortaagtay in Niqaabka lagu dhigto Jaamacadaha Masar

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. Shariif oo gaaray Masar
  2. Sh Shariif oo Masar u tegaya Weydiisashada taagero xaga Ciidanka ah
  3. Sh. Shariif oo u kicitimaya Turkiya, Masar iyo Balgam-ka
  4. DFKMG oo Shirkad Ajnabi ah ka iibisey Domainka Internetka ee Soomaaliya (SO)
  5. Dowlada Masar oo is hortaagtay in Niqaabka lagu dhigto Jaamacadaha Masar

Latest Headlines