Madaxwaynaha DKMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmad ayaa shalay gaaray wadanka Yugandha wuxuuna habeenkii xalay kulan iradaha u xiraayeen uu la yeeshay madaxwaynaha Yugandha Yuweri Musefeni.
Kulankaan oo ka dhacay aqlka madaxtooyada ee wadanka Yugandha. Warar ku dhow dhow waxay xaqiijiyeen in kulankan xalay dhacay lagu soo hadal qaaday arimaha wadanka gaar ahaan wqtiga madaxwayne Shariif oo la sheegayo inuu gabaabsii marayo.
Kulanka ayaa sidoo kale warbaahinta wadankaasi Yugandha sheegeen in madaxwayne Shariif uu kaga hadlay waxyaabaha uu horgeyn doono shir la filayo in maalinta axadda ah ee soo socota uu ka dhaco wadanka Utoobiya kaasoo looga hadki doono xaalada Soomaaliya iyo cida xilka loo dhiibayo marka waqtiga dawladan uu dhamaado.
Waxaana xilgan la hadalhayaa waqtiga madaxwaynaha DKMG oo ku eg dhamaadka bishan Janaayo halka waqtiga Dawlada oo idilna uu ku eg yahay bishan Sideedaan ama Agoosto.
Kulanka xalay dhaxmaray madaxwayne Shariif iyo Yuwri Misafani ayaa sidio kakle waxa goob joog ka aaa wasiirka gaashaandhiga ee wadanka Yugandha iyo taliyaha ciidamada Yugandha kuwaasoo iyaguna ay ka wada hadleen dhanka amaanka.
Safiirka DKMG u jooga Yugandha Sayid Axmad oo saxaafad qaarkeed u waramay ayaa hadal uu bixiyey ku soo koobay in waxyaabihii uu Shiikh Shariif kala hadlay Yuweri Musafani la isku afgartay.

Related posts: