Ganacsatada Boosaaso oo loogu baaqay inay gargaaraan dadka ku dhibaatoobay abaaraha

Published on January 27, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Maamulka gobalka Bari ayaa maanta ugu baaqay ganacsatada magaalada Boosaaso inay gargaarka dadka abaaruhu dhibaateeyaan ay ka qeybqaataan isla markaana hantidooda wax ka bixiyaan si gurmad biyo iyo raashiin loogu fudiyo dadka ku dhibaateysan degmooyinka gobalka Bari.

Kulan balaaran oo maanta ka dhacay xarunta gobalka Bari ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno fara badan oo  ganacsato ah iyo masuuliyiinta maamulka gobalka Bari waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaagargaar dadka dhibaatada abaaraha ay ka soo gaartay loogu fidin lahaa.

Shiikh C/xafiid Cali oo ah gudoomiyaha gobalka Bari oo gabagabadii saxaafada u waramay ayaa sheegay kulanka ganacsatadu ku balanqaaden in wixii awoodooda ah ku deeqaan si loogu gurmado dadka ku dhibaateysan deegaanada miyiga gobalka Bari ee abaarta ay saameysay.

Sidoo kale dhanka ganacsatada ayaa iyaguna ugu baaqay maamulka gobalka iyo hay’adaha inay kaalontooda ay ka qaataan gargaarka dadka rayidka, waxaana guud ahaan la isku raacay in maalinta berito ee jimcaha msaajidada looga hadlo arinta abaaraha iyo in dadku iyagu isu gurmadaan.

Dhanka kale waxaa masuuliyiintii iyo ganacsatada kulsnka maanta ka soo qaybgashay ay soo jeediyeen in dibadbax roobdoon ah laga dhigo magaalada Boosaaso.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Maamulka Kismaayo oo baaq gargaar loogu dalbanayo dadka abaaraha ay hayaan u jeediyey shacabka jubbooyinka
  2. Al-shabaab oo ugu Baaqay Ganacsatada Baydhabo in ay u gargaaraan Dadkii guryahooda gubtay.
  3. Gudiga abaaraha gobalka Gedo oo ka hadlay xaalada abaaraha
  4. Sheekh daahir ow cabdi oo caawa dadweynaha reer boosaaso ugu baaqay inay caawiyaan dadka ka barakacay muqdihso
  5. Maamulka Shabaab ee gobalka Banaadir oo shacabka ugu baaqay inay istaakuleeyaan

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maamulka Kismaayo oo baaq gargaar loogu dalbanayo dadka abaaraha ay hayaan u jeediyey shacabka jubbooyinka
  2. Al-shabaab oo ugu Baaqay Ganacsatada Baydhabo in ay u gargaaraan Dadkii guryahooda gubtay.
  3. Gudiga abaaraha gobalka Gedo oo ka hadlay xaalada abaaraha
  4. Sheekh daahir ow cabdi oo caawa dadweynaha reer boosaaso ugu baaqay inay caawiyaan dadka ka barakacay muqdihso
  5. Maamulka Shabaab ee gobalka Banaadir oo shacabka ugu baaqay inay istaakuleeyaan

Latest Headlines