Waxaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 27/01/2011 lagu soo gabagabeeyay madarasada Albaxreyn ee magaalada Hargeysa dawro loo qabtay qaar ka mida ducaadda magaalada.
Dawradan oo socotay muddo toban maalmood ah , ayna soo abaabushay Jimciyadda Al-manhal waxaa casharo ka bixinayay qaar ka mida culimada magaalada iyo culimo kale oo booqasho ku joogay magaalada Hargeysa.
Dawradaan oo looga gol lahaa in lagu dardargaliyo dacwada, sarena loogu qaado xirfadaha dacwadeed iyo wacyiga ducaadda casharadii lagu qaatey waxaa ka mid ahaa:
Waxaa intaa dheeraa su’aalaha ducaaddu ay weydiinayeen culimada casharada bixinaysay, culimaduna ay ka jawaabayeen.
Xafladdii lagu soo gabagabaynayey dowrada oo ay ka soo qaybgaleen mashaa’ikh, maamulka dacwada magaalada hargeysa, maamulka jamciyadda Almanhal iyo ducaaddii dawrada qaadaneysey waxaa hadal kooban oo warbixin ah ka soo jeediyay maamulihii dawrada Axmed Siciid Suldaan, isaga oo ka warbixiyay sidii ay dawradu u socotay iyo casharadii ay ducaaddu ku qaateen . Waxaa isna halkaa kalmad kooban ka soo jeediyay Maxamuud Koosaar oo ku hadlayey magaca ducaaddii dawrada qaadatey, waxaanu ka warbixiyay siday ducaaddu uga faa’iidaysteen dawradan, waxaa kale oo uu soo jeediyay in dawraadkan oo kale la soo celceliyo.
Waxaa kale oo halkaas hadalo mahadcelin iyo dhiirrigalin ah ka soo jeediyey maamulaha jamciyadda Almanhal ee S/land Sh. Jaamac Faarax iyo masuulka dacwada Sh. C/laahi Maxamuud, ka dibna waxaa hadal dhaxalgal ah soo jeediyay Sh. Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ahaa culimadii casharada ka bixinaysay dawradan, isaga oo hogatusaaleeyay ducaadda shaqada ay hayaan iyo muhiimadda ay leedahay, taas oo ah shaqo dad gaar ah gudan karaan ee aan cid waliba qaban karayn. Sheekhu ugu dambayntii waxa uu kula dardaarmay ducaadda inay shaqadaas fiican ee ay hayaan sii kordhiyaan, aqoonta ay qaateena u rogaan camal.
Waxaa gabagabadii xafladan hadal kooban ka soo jeediyay Sh. Axmed Cabdisamad oo maalmahan booqasho dacwadeed ku joogay magaalada Hargeysa , waxaanu ducaadda ku dhiirrigaliyay inay ka faa’iidaystaan fursadaha ay haystaan, kuwaas oo aan dad badani la qabin , ayna xoojiyaan xidhiidhka iyaga ka dhexeeya iyo wada shaqayntooda.

Related posts: