Jimciyat Sanaabil Al-kheyr ooka mid ah hey’aadka mislimiinta ee ka shaqeeya qeybo ka mid ah wadanka Masar iyo bariga dhexe ayaa maalintii shalay xaflad guur jameeco ah waxay u sameysay ilaa 10 dhalinyaro ah oo ay isu guurisay jimciyada.
Dhalinyarada oo u dhashay dalka Masar ayaa Jimciyadu isu guurisay iyagoo laga taageeray dhanka tasiilaadka iyo kharajka ku baxaya zawaajka.
Xaflad balaaran oo lagu maamuusayey guurkaasi jameecad ah ayaa ka dhacday xafad ku taala qeybta bari ee magaalada AlQaahira ee xarunta dalka Masar iyadoo ay kasoo qeybgaleen culimo, masuuliyiinta Jomciyat Sanaabil Al-kheyr iyo aqoonyahano reer Masar ah.
Maamulka Jimciyad ayaa sheegay inay go’aansadeen inay saacidaan dhalinyarada aan awoodin inay guursadaan si loo yareeyo fitnooyinka ka dhasha guur la’aanta taasoo jimciyadu si weyn isugu xilsaartay.
Dhalinyarada la isu guuriyey ayaa waxaa ka mid ah gabdho iyo wiilal agoon ahaa isla markaana dhameystey waxbarashada dugsiga sare kuwaasoo jimciyada ay isu guurisay.
Xafladaasi ayaa waxaa si weyn u amaanay culimada reer Masr iyo ducaada Muslimiinta oo sheegay in mu’asasaadka islaamiga ay tahay inay xilweyn iska saaraan sidii loo dhiirigelin lahaa guurka loogana fogaan lahaa xumaanta iyo wadooyinka ay ku timaado intaba.
Warbixin sanadeedka jimciyat Sanaabil Al-kheyr ayaa lagu sheegay in hay’adu sanadkii dhamaaday ay isu guurisay in ka badan 22 dhalinyaro rag iyo dumar muslimiin ah o guurdoon ahaa kuwaasoo dhanka dhaqaalaha ay ka kafaalo qaaday.
Jimciyada ayaa sidoo kale sanadkan xooga saartay waxbarashada agoonta, kaalmooyinka dadka tabaaleysan ee ku dhaqan wadamada islaamka iyadoo bilawday mashaariic la xiriirta dhanka xifdinta Quraanka Kariimka, biyaha iyo korontada.
Waa markii ugu horeysay oo hey’ad islaami ah ay si wadar ah isugu guuriso dhalinyaro muslimiin guurdoon ahaa oo aan awoodin dhaqaalaha ku baxa arooska iyo dhismaha reerka.
Faahfaahino dheeri ah waxaad booqan kartaa bogga hey’ada:
http://sanabelalkher.com/
_
Fadlan wixii talo iyo tusaale noogu soo dira: somalimirror@hotmail.com ama somalimirror@gmail.com

No related posts.
No related posts.
Allaha ka abaal mariyo walalaha wanaaga ay sameeyeen.