Baaq ku aadan Abaaraha ku dhuftey Gobolada Dalka.

Published on January 9, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Haya’dda Culumada Soomaaliyeed ayaa baaq qeylo dhaana oo ku aadan Abaaraha culus ee ku dhuftey Gobolada kale duwan ee Dalka soo saartey, waxa ayna Hay’adu ku baaqdey in si deg dega dadka Abaaruhu gaareen loogu gurmado.

Baaqa oo ku saxiixan yahey Gudoomiyaha Haya’dda Culumada Soomaaliyeed, Sh Bashir Axmed Salaad ayaa u qornaa sidatan; 

بسم الله الرحمن الرحيم 

Baaqa Haya’dda Culumada Soomaaliyeed ee ku aadan Abaaraha.

الحمد لله، والصلاة والسلام على رسول الله ،وبعد

Wadanka waxaa ka jira abaaro baahsan, oo aad u culus, oo ku soo aaday waqti ay wadanka ka aloosan yihiin culaado noocya badan,haya’ddu waxay xoojinaysaa codadka ku baaqaya taakulayn deg deg ah,waxayna soo jeedinaysaa baaqaan:

1-In la toobad keeno,xuquuqdana la isu cesho,istigfaartana la badiyo,waayo, musiibada, Waxaa keena macaasida,waxaana lagu qaadaa towbadda.

2-In wadanka oo dhan laga oogo salaadda roobdoonta,ayadoo la ilaalinayo waqtiga dadka munaasabka u ah iyo sida sunnada ah.

3-Waxaan ugu yeeraynaa dhinacyada dagaalamaya in ay ku baaqaan xabbad joojin lix bilood ah ugu yaraan,si gargaarka loo fidiyo,ayna kala saxiixdaan cahdi adag oo muslim nimo,aana la siyaasadeen musiibooyinka ummadda haysta. Sidoo kale,waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo culaadaha beelaha u dhexeeya.

4-Waxaan ugu baaqaynaa hayadaha dowliga,kuwa islaamka iyo kuwa carabta in si deg deg ah loogu gurmado shacabka soomaaliyeed,ayadoo lagala tashanayo dhinacya ay khusayso,lana ilaalinayo diinta iyo duruufta dadka. Sidoo kale,waxaan ugu baaqaynaa war baahinta in ay gutaan kaalintooda,ayna muujiyaan xaaladda taagan.

5-Waxaan ugu baaqaynaa ganacsatada iyo cid kasta oo awoodda in ay dadka la gaaraan biyaha iyo quutudaruuriga,ilaahayna wuu kaalmaynayaa qofka ,inta uu kaalmaynayo walaalkiis. Ilaahay waxaan waydiisanaynaa in uu ummadda faraj u furo,dhibkana ka faydo.

 والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Sh. Bashiir axmed salaad

Madaxa Haya’dda Culumada Soomaaliyeed

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo baaq ku aadan Sanadka cusub soo saartey.
  2. Maamulka Kismaayo oo baaq gargaar loogu dalbanayo dadka abaaraha ay hayaan u jeediyey shacabka jubbooyinka
  3. culimada Puntland oo baaq ka soo saaray bixintaanka ciidamada gumeysiga
  4. Isbahaysiga Garabka Asmara oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Abaaraha Dalka ka jira
  5. Baaq ku Aadan Bisha Ramadaan

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo baaq ku aadan Sanadka cusub soo saartey.
  2. Maamulka Kismaayo oo baaq gargaar loogu dalbanayo dadka abaaraha ay hayaan u jeediyey shacabka jubbooyinka
  3. culimada Puntland oo baaq ka soo saaray bixintaanka ciidamada gumeysiga
  4. Isbahaysiga Garabka Asmara oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Abaaraha Dalka ka jira
  5. Baaq ku Aadan Bisha Ramadaan

Latest Headlines