Xigsiisinkii lasiiyey Faarax
Maalinkii xigay Casarkii markay aheyd ayuu Oday Geeddi ariga kasoo qabtay laba wan oo geesa leh wuxuuna u qalay arooskii Shamso iyo Faarax ee habeenkii ay uun habeen kasoo wareegtay habeenkii faraxa iyo murugada.
Fiidkii ayaa mar kale Faarax waxaa loosoo dheelmay mar kale Gurigii doraad galab loosoo dheelmay, markii ducadii iyo wixii la cunilahaa ee hilbaha iyo caanaha ahaa ay dhamaadeen waxaa gurigii kusoo haray Faarax iyo Shamso oo aysan sheeko badan ka dhex marin in ay kor iska yaqaaneen ma ahee.
Faarax markaan wixii dhacay ayaa qalbigiisa ku wareegaya iyo sidii ay wax noqdeen iyo abaalka marlabaad loo galay sidaa darteen wuxuu sifiican u maareeyey reerkii cusbaa iyo howshii cusbeyd wuxuu maanka ku hayey miro aan bislaan lama cumo.
Sidii caadada ahaan jirtay xiligii caanaha lookeenay oo ay Gabadhii yareyd oo ka baqeysa in ay dhacdo sidii horay u dhacday ayaa soo istaagtay aqalka dhiniciisa unayeertay walaasheed Shamso, Nasiib wanaag waxaa usoo baxay Shamso oo badqabta kana qaaday Caanihii.
Reer Geeddi oo ay dhagta u taagan tahay markii aysoo laabatay gabadhii yareyd ayey weydiiyeen cidda Caanaha ka qaaday waxayna ku jawaabtay waxaa iga qaaday Abaayo Shamso, markaas ayey reer Geedii neef kasoo baxday.
Subaxkasta oo uu waagu baryaba waxaa loosoo dhiibaa Caanaha waxaana lala socdaa sida ay ku baryeen Reer Faarax oo ay nasiib daro mar kudhacday, Todobadiina sidaas ayey ugu dhamaatay.
Markii ay tobadii ka baxeen ayuu Oday Geeddi wuxuu dooran siiyey in uu Faarax la deganaanayo Reer Geeddi iyo in reerkoodii uu ula guurayo xaaskiisa , wuxuuna doortay Faarax in uu xaaskiisa ula guuro reerkoodii sidaas ayaana la isku raacay.
Faarax mudada uu kasoo maqnaa reerihii uu ka yimid wax war ah lagama hayo iyo waxa uu mutay, dad badanina kama war heyn oo waxaa ogaa oo kaliya waalidkiis iyo dhalinyaro ay saaxiibo ahaayeen.
Noqoshadii Reer Faarax
Faarax markii ay u dhamaatay sadex asbuu oo uu reerkiisii la deganaa ayaa subixii danbe Oday Geeddi wuxuu isugu yeeray raggii beesha wuxuuna usoo jeediyey in dhalinyaro galbisa Faarax loo diraariyo . Waxaa lasoo diyaariyey konton Faras iyo kontnkoodii wiil iyo labadii faras ee Faarax iyo Shamso.
Intaas markii la isu keenayey ayaa subaxaas waxaa la amba bixinayaa Faarax iyo Shamso waxaa lagu sagootiyey Allabari iyo duco ay kawada qeyb qaadatay beesha ayaga oo ku faraxsan xididkan cusub iyo sida Oday Geeddi wax u maamulayo.
Waxaa subaxaa ka ambabaxay reerihii Faarax oo loo gelbinayo sidii madaxda maanta iyo kasii fiican, waxaa intaas dheer oo kasii fiican in colaaddii dhextaalay labada Reer lasaamaxay .
Faarax iyo colkii uu hogaamianayey waxay usoo jaheysteen dhankii uu reerihii uu ka dhashay ka jireen, socod dheer oo dhowr habeen dhexda aysoo baryeen ka bacdi ayaa waxay kusoo dhowaadeen Faarax meeshii uu ku ogaa reeraha . Faarax wuxuu joojiyey colkii uu horkacayey wuxuuna ku yiri wax yar meeshan igu suga aan reeraha u wargeeyee .
Dhalinyaradii waxay ka degeen Fardihii waxayna usiidaayeen Fardaha in ay daaqaan ayagiina waxay isu qeybiyeen oo ay farfariisteen geedaha harkooda ayaga oo isku maaweelinayo sheekooyin kala duwan .
Waa goor bariisa ah oo xoolihii xerada ay ka dareereen xoolo jirtiina ay gaareen xoolihii, waxaa guryaha jooga oo aan wali geedihii shirarka iman waa raggii reeraha.
Faarax wuxuu horay ulasoo orday faraskii uu saarnaa, markii uu kusoo baxay degsiimadii reerka ayuu asaga oo meel dheer reeraha ugasoo muuqday ayaa waxaa uu warfiyey go`iisii garbaha u saarnaa .
Markii la arkay Faarax oo faras kujooga maradana warfinaya horayna aan loogu ogayn faraska ayaa waxaa loo qaatay in uu col ka digayo, waxaa markiiba kasoo baxay aqaladii ay ku jireen rag, Dumar iyo Caruurtii reeraha .
Qof waliba wuxuu damcay in warka Faarax sido aan looga sheekeyn oo uu asaga dhegahiisa kusoo dhageysto . Faraax markii uusoo gaaray ayuu mar kusoo dulwareegay reeraha asaga oo doonayo in dhamaan dadka soo wada baxaan.
Dadkii oo yaaban sugayana warka Faarax ayuu banaankii reerka Faraskiisii kaga dagay wuxuu ku yiri reerihii : war wanaagsan ayaan idiin wadaa hadana idiinma dhameyn karo waxaa ila socda ciidan konton nin ah oo reer hebel ah ee gogol hanaloodhigo geedahaas wixii aad ku soori laheyna waa la idinka rabaa.
Markiiba Faarax wuxuu ku booday faraskiisii oo wuxuu kunoqday ragii uu kasoo tagay si uu usoo horkaco colkii uu kasoo tagay, uyuu u soo dhaqaajiyey dhankii reeraha .
Markii ay soo gaareen reerihii ayuu wuxuu kusoo wareejiyey degsiimadii reerka asaga oo muujinaya farxadda iyo wanaaga loosoo galay.
Markiiba waxaa lasii goglay geedihii waxaana lasoo aruuriyey caanihii reeraha yaalay , rag na waxaa laga daba diray xoolihii dareeray oo waxaa lagasoo qabtay xoolihii loogu loogi lahaa maalinkaas.
Faarax oo ka sheekeeyey abaalkii loogalay
Markii ay fariisteen ragii iyo Faarax , raggii beeshana yimaadeen ee caanihii iyo shaahii la cabay hilbihii la cuni lahaana dabka ay saran yihiin ayuu Faarax ka sheekeeyey socdaalkiisii iyo maalin waliba wixii uu la kulmay asaga oo sheekada ka bilaabay maalinkii uu reerkooda ka ambabaxay iyo ilaa maanta oo uu hortooda fadhiyo wixii soomaray iyo sidii loogu abaal guday. Geedka inta fadhida waxaa kabadan inta hareeraha taagan ee dhageysanaysa sheekada iyo warka Faarax .
Waxay ayla yaabeen dadkii sheekada dhageysanayey sida ay wax u dhaceen iyo sida loomaareeyey iyo waliba sida beesha kale uga fiicnaatay ayaga.
Waxaa mar qura mashxarad kuwada dhuftay dumarkii sheekada wax ka dhageysanayey oo ay fajiciso ku noqotay waxa uu soomaray oo uu manta hortooda kaga sheekeeyey.
Rag waa kii Abaal guda
Faarax adeerkiis Waasuge oo farxad iyo rayn arayn ay ka muuqato qarinna waayey waxa qalbigiisa ku jira ahaana odayga beesha ayaa inta uu istaagay wuxuu dhaar ku maray in aysan raggan noqoneynin ilaa konton koodaba konton gabdhood lasiiyo ma ahee.
Waxaa kale oo uu yiri Soomaalida waxay tiraahdaa abaal nin gala waa la arkaa laakiiin nin gudaayi waa yar yahay, hadalkaas waxaan uga danleeyahay reerkii walaalaheen ahaa ee uu dagaalka na dhex maray ayaga ayaa naga fiicnaaday abaalna noogalay nalana xididay anagana waanu la xididaynaa colaadiina halkaas ayaan ku dhameyneynaa “Nabigeeniina wuxuu yiri (N.N.K ) Ninka aan dadka u abaal naqin allaahna uma Abaal naqo”.
Waxaanna ku talinayaa in waxii xagooda aan ku tirsaneynay saacaddaa wixii ka danbeeya aanan dib danbe la isuweydiin doonin, siday udhameeyeena ayey u dhamaatay.
Walibana waxaan leeyahay aniga oo aanan inkireynin wanaagga ay noohorseedeen sidaad nooga fiicnaateen Allaah ha idiin fiicneeyo.
Maalinkii galinkiisii danbe waxaa loo tafaxeydtay sidii wiilashaas gabdho loogu xuli lahaa iyo qaban qaabadii howshaas sidii loo dhamayn lahaa ayada dadkii beeshaas ee fadhigaas joogay qof hadalkaas diiday uusan kujirin. Waxaa lasiiyey nin waliba gabar hal habeen oo kaliyana waxaa loosameeyey alla bari iyo duco .
Maadaama aan kontonkaas wiil aqallo ku filan loo heleyn ayaa waxaa loo sagootiyey dhankii reerahooda ayaga oo ay la socdaan konton Gabdhood. Halkaasna waxaa ku dhamaaday dagaalkii lagu riiqday ee reeraha kala raray .
Halkaasina waxaa ku dhamaaday colaadii iyo uurkutaaladii labada reer dhex martay ee taariikhda xun reebtay. Labadii reerna waxay halkaas ku laabeen baalkii colaada ayaga oo aan ka fariisan kana tashan raggii lakala laayey iyo wixii kala gaaray .
Marka akhristow nabadaas reeraha dhexmartay ma Faarax baa keenay , ma Cawrala ayaa keentay mise Oday Geedi ayaa keenay
Ma ku haboonaan laheyd colaada maanta Soomaaliya jilbaha u dhigtay in dadkaas oo kale u baahnaan lahaayeen, mise wixii shalay la isku qeymeen jiray maanta waa laga talaabsaday.
Mise waxaad dhihi laheyd ragga dagaalka Soomaaliya kiciyey dantii ay lahaayeen iyo dantii laga lahaa ee dagaalka loogaliyey wali lama gaarin oo fari kama qodna faanoole.
Mase isleedahay Soomaalida maanta kuma dhacaan mana awoodaan in ay reer aan reerkooda aheyn lib iyo wanaag u ogolaadaan, ayaga oo mararka qaar u jeeda in laga xaq leeyahay.
Mase isleedahay waxa Soomaaliya ku dagaalamaya ma aha Soomaali ee umado kale oo ayagu dan kaleh oo wali aan gaarin dantoodii ay lahaayeen, illaa Soomaalida colaadeeda meel ayey ku dhamaan jirtay oo jif looraaco ayey laheyde.
Mase iswediisay qabqablayaashaan aan kala go`a laheyn ee maalin waliba uu mid hor leh kusoo biiraya meesha ay kasoo tarmayaan oo ay ka dhiman la`a yihiin?.
Dhammaad
W/Q: Maxamuud Qorane Maxamed

Related posts:
Cajabal Cujaab!!!
Walee Sheeko waa midaa , Tolna waa Tolkaa, Xididna waa Xididkaa!!
Aniga waxaan oran lahaa , wanaagaan waxaa horseeday , CAWRALo ” Balse Oday geedina meesha kama marna !!
Balse aniga in ay Cawralo hawshaan horseeday waxaan u daliishanaa , dumar waa iska beer jilicsanyihiine , hadii markii ay Faarax aragto ay baroor ku dhifan lahayd , sheekado waa dhabqi lahayd oo xitaa Oday Geedi bahsha xamaasada ayaa qaadan lahayd , balse si degan ayay ula hadashay wayna ixtiraamtay !!
Sidaa awgeed iyada ayay ka bilaabatay , wanaaga Inakstoo sedexdooda Cawralo , Geedi , Faarax aysan kala dhicin hadana , waxaan kaalinta koowaad geeyna lahaa 1) Cawralo 2) Oday Geedi 3) Faarax oo aad u indha adkaa ahaana barbaar balan iyo go’aanba leh .
bismilah marka ugu horeeysa qoraaga aad iyo aad baan u salaamayaa una mahad naqayaa sida macaan ee uu noogu soo gudbiyay sheekadan!,runtii anigu waxaan fakirkayga dhihi lahaa somaliya dad kale ame umado kale ayaa ku dagaalamaysa oo danahooda ayaa is diidan ,runtii somali way heshiin karaan oo wax walba way isku ogolyihiin bals balayo kale ayuu nalagu saliday waxaas ayaana colaada iyo murugada na dhextaal abuuraya ,somalida waxan leeyahay dad kale wax dan noo hayaa inaysan jirin mid walba maslaxadiisa ayuu eeganayaaa ee tashada ,iskana saara wixii ajnabi ah ee faraha idinla soo gala
Bismillaah. oogu horreyntii waxaan ooga mahad celinayaa M. Qorane Sheekada xiisaha badan ee tilmaameysa Somalidii hore iyo hab dhaqankoodii iyo ineey ahaayeen Dad waxna gala waxna guda waxeyna i xusuusineysaa maahmaahdii oraneysay Martidaada waa loo qadaa magantaadana waa loo dhintaa. Waxaanan is leeyahay heshiiskaas iyo nabadaas eey gaareen labadaas beelood Qof kaliya ma keenine waxaa kawada qeyb qaatay dhamaan labada Beeloodba balse waxaa bilaabay Faarax oo muujiyay geesinimo yaab leh, markuu usoo bareeray halis la hubo, horaa waxa loo yiri Geesi Allaah ma xiro, Faarax waxaa la meel mariyay Gabadhii caqliga badneyd ee Cawrala oo hadeey ka yeeli laheyd ineey isla dhuuntaan nabad lama gaareen ee waxeey u tilmaantay inuu u bareero khatartii uu soo aaday asna wuu aqbalay illeyn Geesi buu ahaaye, Waxaa qoybtii sharafka iyo gabanimada qaatay Oday Geedi oo aqbalay Faarax asagoo daaqada ka tuuray wixii soo dhacay oo dhan, Reer Geedi ayaa Aabahood sharafka ku raacay ka dib markii eey qaateen taladiisii, oo hadey diidi lahaayeen xajadas halkaasey ku dhicisoobi laheyd, Qabiiladii Oday Geedi qiimaha u daa Ninna ma oran arrinta looma dhameyn iyo dhiigaanagii ayaa la duudsiinayaa waayo Faarax Qabiilada dadbuu ka qabay, Waxa mar labad geesinimo sameeyay Faarax ka dib markuu khaldamay ee ey geeriyootay Cawralo ma uusan cararin ee waxuu go,aansaday inuu khaladkiisa waajaho, Oday Geedina si xikmadi ku dheehantahay ayuu ku maareyay xaajadii kharaareed ee ku timid Gabadhiisa, Waxaa Abaalkaas qaaliga ah ka jawaabay Qabiilkii Faarax ka dib markii ey gacmo furan kusoo dhoweeyeen wafdigii galbinaayay Faarax iyo Xaaskiisa Shamso siiyeenna 50 Gabdhood oo godobtir ah. Waxaasoo dhan ma aaneey dhaceen hadeey dhibaatada kala gaartay labada qabiil uu ku lugleeyahay Mareeykan iyo xulufadiisa oo loo adeegaayo Cadaw Hubkana uu isugusoo dhiibaayo.
Waana midda eey maanta Soomaali ka degi la,adahay. hadii Soomaali kaligeed la,isu deyn lahaa Diinteedana ineey isku dhaqaan loo ogolaan lahaa dhibba ma jireen Soomaalidii horana tan maantaa ka fiicnaan laheyd, Waayo Kitaabkii Allaah ayeey isku xukumi lahaayeen Deerana Deero ma hariseen, ee su,aashu waxeey tahay Gaal iyo Gaal u adeege ma ku qncayaan in ummadan lagu dhaqo Diinteda???????
A/C/W/Wabarakaatuhu. Salaanm kabacdi waxaan aad iyo aad ugu mahad celinaynaa Mohamud Qorane. Sida uu sheekadaan kahadlaysa waaqaca somaliya kajira iyo Xididnimo wanaagii iyo dhaqankii hore ee dadku lahaayeen runtiina waa sheeko aad noo xiisagalisay. Waxaana codsanaynaa aana walaallka ku dhiira galinaynaa inuu sheekooyinkaan oo kale kusoo celiyo si bulshada ay ugu noqdaan dhiiragalin wanaagsan iyo waliba sheeko wanaag xiisaleh,
Mahadsanidiin
Cadi ma ahan shekada wanla yapay lkn oday gedi cml lama arkayo hada
Waa cajiib shekada
waxaan ahayqof danayasa hadalada murtida leh hadii la eego qisada ku dhacda faarax waa wax cajiiba laakiin sida loo maareeyey ayaan aad ula dhacay waxaan hada ubaahnahay ragaa geedi oo kale ah halkaasna waahalka soomalidu maanta ka ciilantahay waxaanan ahay qofdanaysa dhaqanka laga sheekeeyo nolshii horee soomaaliya waxaanan sheekada arkay had
mashallah, waxaan aad ula dhacay qoraaga sida oow xagga diinta ula jaan qaaday, mashallah alle ajar ha kaa siiyo waa wacyigelin loo baahanhay e, Nabad, Diin iyo jaceylba iga dheh taas!
Asc/mash’alah aad iyo aada u mahad san tahay m/qorane waxa dhilaha sheko sidan o kala ah kena si wax logu qato