Roobaab xoogan oo ka da’aya magaalooyin ka mid ah Sacuudiga

Published on December 31, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Roobab xoogan oo saacado dheer qaatay ayaa ka da’aya magaalooyin badan oo ka mid ah wadanka Sucuudiga, iyadoo la rajeynayo in roobabka ay sii socdaan oo ay gaaraan xeebaha galbeedka ee Sucuudiga.

Illaa hadeer  waxaa la sheegayaa 4 ruux inay ku dhinteen meel u dhow magaalada Barakasan ee Makka Almukarama kadib markii ay daadad qaadeen.

Roobabka ayaa shaley gelinkii hore axay ka da’een magaalada Jedda iyadoo ay hakadgaliyeen socodka baabuurta, waxaana la fasaxay dugsiyada waxbarashada kadib markii ardadu aadi kari weysay waxbarashada.

Wakaalada wararka sacuudiga ayaa soo warisay in 4 ruux ay ku dhinteen meel u dhow Makka almukarama kadib markii daadadku ay qaadeen. Waxaa sidoo kale gurmad loo fidiyey 200 ruux oo daadad guryahooda ugu galeen iyo qaar baabuurta ku xanibmey.

Magaalooyin badan oo ku yaala dhinaca xeebaha galbeedka oo ka midah wadank ayaa dowladu sheegtay inay sidoo kale droobabku ka da’ayaan weli, waxaana roobabkan ay soo rogeen daadad xoog ku socda taasoo sababtay in gaadiidkii ay dhaqaaqi kari wayaan.

Sidoo kae masuuliyiinta saadaasha hawada ayaa sheegay in dabeylo xoogan ay la socdaan roobabkan kuwaa oo keeni kara khasaarooyin.

Guud ahaan dadka ayaa u riyaaqay roobabkan oo jawi qabow galiyey dadka oo si weyn ugu baahnaa.

Garoonka diyaaradaha ee Jeda iyo garoomo kale ayaa iyaguna qadar hakad galay diyaaradihii ka duulijiray, waxaana dowladu ay sheegtay in heegan la geliyey booliiska iyo shaqaalaha adeega guud si ay dadweynaha u caawiyaan mudaa roobabka daadadka wataan ay socdaan.

Sidoo kake waxaa dadweynaha lagu amray inay socodka babuurta yareeyaan ayna ku sugnaadaan guryahooda waqtiyada ay roobabku socdaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Roobab Xoogan oo ka Da’ay Qeybo kamid ah G/Sh.Dhexe
  2. $20 Milyan oo Maalin qura Sacuudiga looga deeqay Shacabka Bakistan oo daadad ku dhufteen.
  3. Roobab socdaalka Xujeyda saameeyay oo Sacuudiga ka da’ay
  4. Roobab Xalay ka Da’ay inta badan Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.
  5. Roobab ka da’ay qeybo kamida Jubbada Hoose.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Roobab Xoogan oo ka Da’ay Qeybo kamid ah G/Sh.Dhexe
  2. $20 Milyan oo Maalin qura Sacuudiga looga deeqay Shacabka Bakistan oo daadad ku dhufteen.
  3. Roobab socdaalka Xujeyda saameeyay oo Sacuudiga ka da’ay
  4. Roobab Xalay ka Da’ay inta badan Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.
  5. Roobab ka da’ay qeybo kamida Jubbada Hoose.

Latest Headlines