Amiirka ururka Shabaab Shiikh Mukhtar Abu zubeyr oo fariin maqal ah soo diray ayaa wuxuu kaga hadlay dhowr waxyaabood oo ay ka mid yihiin isku biiristii Alshabaab iyo Xisbul Islaami, abaaraha iyo shirqoolo uu sheegay in ka socdaan wadanka gudahiisa iyo dibada.
Shiikh abu Zubeyr ayaa ugu horeyn wuxuu ka warbixiyey qorshihii midowgii Shabaab iyo Xisbul islaami dhexmaray kaasoo uu sheegay inuu ahaa mid wax weyn ka taraya hawlaha jihaadka uuna xoojinayo walaaltinimada dadka muslimiinta.
Wuxuuna ku baaqay in la adkeeyo midnimada isagoo dhanka kale sheegay in laga waantoobo in dad dano gaar ah u adeegsadaan midnimadasida uu yiri.
Cajaladan oo socotay qadar 20 daqiiqo ah ayaa wuxuu abu Zubeyr kaga warbixiyey duulaanada caskariga iyo kuwa siyaasiga ee lagu hayo dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay jiraan shirqoolo fara badan oo wadanka dibadiisa lagu soo maleegayo kuwaasoo loo soo wado in lagu dago dadka Soomaaliyeed.
Wuxuuna si gaar ah u soo hadalqaaday shirar hoose oo ka socda wadanka Jabuuti kasoo la rabo in lagu carqaldeeyo nabada ka jirta wilaayaadka ay maamulaan Shabaab, sida uu hadalla u dhigay.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan abaabulo hoose oo dib loogu soo xoogeynayo hogaamiye kooxeedyadi qabiika ee umada dhiigooda gatay, wuxuuna dadka ugu baaqay inay ka digtoonaadaan shirqooladaasi.
Amiirka xarakada Shabaab Shiikh abu Zubeyr wuxuu sidoo kale ka hadlay xaaladaha abaarta ee ka jirta wadanka iyadoo badi wadanka dadka iyo duunyada ay haraad u baaba’ayaan. Wuxuuna Amiirka baaq u jeediyey ganacsatada iyo dadka wax haysta inay caawiyaan masaakiinta, agoonta iyo dadka dhibaateysan ee abaaruhu ku dhufteen.
Wilaayaadka ay maamulaan xarakada Shabaab ayaa wuxuu ugu baaqay inay hawlohooda u weeciyaan dhinaca gargaarka si loo gacan qabto dadka tabaaleysan ee abaaruhuu dihaashadeen.
Cajaladan ayaa ku soo beeganay maalmo kadib markii xaflad balaaran oo lagu maamuusayey midowga xarakada Shabaab iyo Xisbul islaami ay ka dhacday magaalda Afgooye.

Related posts: