Xarakada Mujaahidiinta Shabaab ayaa duqeyn ku weerartay talisk ugu weyn ee ciidamda Amisom ku leeyihiin xeradii hore ee Xalane shlay galinkii dambe iyadoo ay madaafiicdku ku dhacday afaafka hore ee xeradaasi.
Madaafiicda ayaa waxay ku dheceen qeybta hore ee xerada Amisom, waxayna qaarkood sababeen khasaarooyin dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa goobtaasi isla markaana ku siijeeday goob caafimaad oo ay leeyihiin Amisom.
Illaa 4 ruuxayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen goobtaasi, walow aan la cadeyn karin in khasaare uu soo gaaray ciidamada Amisom oo halkaasi ay u tahay taliska ugu weyn ee ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho.
Madaafiicda ayaa markii ay halkaasi ku dheceen waxaa goobta xiray ciidamada Amisom ee ku sugnaa xerada Xalane iyagoo diiday in cid ay ka soo baxdo ama ay gasho xerada maadaama dad badan oo Soomaali ah oo xiligaasi dwooyin ka qaadanayey isbitaalka Amisom ay ku jireen gudaha xerada.
Dhanka kale afhayeen u hadlay ciidanka Amisom oo lagu magacaabo Nathan Mugisha isla markaana ah taliyaha guud ee ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay weerarkaasi lagu qaaday taliskooda, wuxuuna si kulul u cambaareeyey weerarkaasi.
Wuxuuna sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid fuleynimo uuna khasaare soo gaarsiiyey dad rayid ah oo dawooyin k qaadanayey xerada.
Weerarkan ayaa ahaa midkii ugu horeeyey oo madaafiic ay sootuureen xarakada Shabaab uu gaaro xerada Amisom ee Xalane oo ku taala duleedka koofureed ee magaalada Muqdisho.

Related posts: