Ciidamada sirdoonka wadanka Denmark ayaa xiray 5 ruux oo la sheegay inay doonayeen inay weerar ku qaadan xarunta wargeys ka soo baxa wadankaasi kaa oo horey u aflagaadeeyey Nabigeena Muxammad SWC.
Warbixin laga soo saaray xafiiska sirdoonka Denmark ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonka ay ka hortageen weeraro lagu qaadi rabay xarunta wargeyskaasi oo dhowr jeer aflagaadooyin u geystey diinta Islaamka iyo Nabigeena [SCW].
Wararka kasoo baxaya sirdoonka wadanka Denmark ayaa sheegaya in nimanka 5ta ah ee laxirxiray ay u diyaarsanaayeen in ay gudaha u galaan labo jaraaid oo magacyadoodu ay ku sheegeen Yuland posten iyo Politiken xafiisyada ay ku leeyihiin Copenhagen ka dibna ay halkaas ku laayaan shaqaalaha gudaha ugu jira xafiisyadaas.
Baaritaan ay ku sameeyeen ciidamada sirdoonka wadankaasi guryaha nimanka ay xirxireen ayeey ku sheegeen in ay ka dhex heleen bistoolada aan dhawaqa lahayn iyo rasaas fara badan iyo xargaha dadka gacmaha looga xiro waxayna doonayeen in hubkaasi ay u isticmaalaan xarunta wargeyskaasi oo ku caanbaxay inuu aflagaadeeyo Islaamka iyo Anbiyada Alle.
Raggan la xiray ayaa waxay u kala dhasheen, Tunisia, Lubnaan, Sweden iyo Denmark, waxayna kala yihiin sidan: 44 sano jir haysta dhalashada wadanka Sweden asal ahaana kasoo jeeda Tuniisiya, 29 sano jir haysta dhalashada wadanka Sweden asal ahaana ka soo jeeda wadanka Lubnaan. 30 sano jir u dhashay wadanka Sweden, 26 sano jir Ciraaqi qaxooti ku ahaa wadanka Denmark.
Hayada sirdoonka wadanka Denmark ayaa qiratay in xaalad qater ah ay haysato dadka u dhashay wadankaas mar walbana la filan karo weeraro lagu soo qaado maadaama uu yahay wadanka Denmark wadankii caayay nabi muxamad (SCW) Muslimiin badan oo caalamka ku noolna ay ka fekerayaan sidii ay uga aargoosan lahaayeen laciinkii caayay nabigeena NNKH.
Sidoo kale Sirdoonka dalka Denmark ee loo yaqaan PET ayaa xiray 4 qofood oo looga shakiyay in ay isku diyaarinayeen weeraro ay ka fuliyaan caasimada wadankaas ee Copenhagen.

Related posts: