Maamulka Galmudug ayaa maanta wuxuu irdaha u laabay dhowr shirkdood oo kuwa ganacasiga kuwaasoo ka hawlgala deegaanada maamulkaasi, kadib markii shirkadahaasi lagu eedeeyey inay bixin waayeen lacago maamulkaasi uu ka doonayey.
Taliyaha ciidanka booliska ee koofurta Gaalkacyo Maxamed Aadan ayaa saxaafada u sheegay in shirkadahaasi ay u xireen kadib markii ay ka dhagaadeygeen siduu sheegay inay bixiyaan lacago loogu talagalay in maamulku uu ku bixiyo arimaha maamulka oo shirkadahaasi horay loogu soo rogay.
Waxaana maanta markaliya ciidamada maamulkaasi irdaa u xireen shirkadahaasi oo ay ka mid yihiin shirkadaha xawaaladaha iyo kuwa isgaarsiint.
Shirkadahaasi la xiray waxaa ka mid ah Qaran Express, Iftin, Hodon Global, Hormuud iyo Telecom oo dhamaantood ka hawlgala koofurta magaalada Gaalkacyo.
Shirkadahan ayaa dhawaan lmid kasta waxaa lagu soo dalacay lacag dhan 10,000 oo doolar taasi oo uu Maamulka Galmudug ku amray inay bixiyaan bishii dhamaatay ee Disembar.
Taliyaha ciidamada Maxamed Aadan ayaa sheegay in shirkadah ay xirnaan doonaan ilaa intay k bixinyaan lacagahaasi, hadii ay bixiyaana la fasixi doono.
Xirnaanshaha shirkadahan ayaa maanta si weyn looga dareemay gudaha magaalada Gaalkacyo iyadoo dad badan oo xiligan oo kale biilka loogu sooditi jiray shirkadaa xawaaladaha ay waayeen meel ay lacagahooda ka qaataan.
Ma jiraan war ka soo baxay masuuliyiinta shirkadaha la xiray oo ay kaga hadalayaan arintan ilaa hada.

Related posts: