Duuliyaasha diyaaradii lagu qabtay Hargaysa oo maanta la xukumay

Published on December 30, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Maxkamad ku taala magaalada Hargaysa ayaa maanta xukun ku riday lix nin oo u dhashay Ruushka iyo dityaaradii ay wateen kuwaasoo bishan horaanteedii lagu qabtay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargaysa xili diyaaradaasi saanad militari u siday Puntland.

Maxkamada ayaa mudooyinkaba waxay dhegeysaneysay dacwada lixda nin iyo diyaarada ay saarnaayeen oo lagu qabtay xili ay soo galeen hawada magaalada Hargaysa, taasoolagu eedeeyey in si khalad ah hawada ku soo gashay.

Lixda nin oo u dhashy Ruushka ayaa midkiiba lagu xukumay min hal sano oo xarig ah iyo ganaax dhan 500 doolar midkiiba inuu iska bixiyo.

Waxaana sidoo kale la sheegay in xarigaasu ay iibsan karaan oo lacag ahaan u bixin karaan.

Diyaaradii ay saarnaayeen ayaa maxkamadu ku xukuntay 4,000 doolar oo ganaax ah, waxaana maxkamada ay sheegtay in maamuljka Soomaaliland ay la wareegeen dhamaan qalabkii saarnaa diyaarada oo ka mid ahaa dharka ciidamada, buraashadaha biyaha, booshashaka rasaasta iyo qalabka lagu baaero miinooyinka kuwaasoo loo waday dhinaca Puntland.

Maxkamada ayaa horay u siidaysay labo nin oo kale oo diyaaradaasi saarnaakuwaa oo u dhashay wadanka koofur Afrika balse la sheegay in ahaayeen wariyaal.

Diyaaradan ayaa u kireysneyd shirkada Saracen oo dhankka amaanka qaabilsan taasoo la sheegay inay tababareysay ciidamada badda ee maamul gobaleedka Puntland.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Diyaarad qalab militari u siday Puntland oo lagu qabtay Hargaysa
  2. Ergeyga QM ee Soomaaliya oo Booqasho ku Tagay Garowe iyo Hargaysa
  3. Kulan looga hadlayay Amniga Boosaaso oo maanta lagu qabtay xarunta Dowlada Hoose ee M. Boosaaso
  4. Xabsi daa’im lagu Xukumay Ninkii Dilay Gabadhii “Shahiidatul Xijaab”
  5. Nin Soomaaliyeed oo lagu xukumay 30 sano

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Diyaarad qalab militari u siday Puntland oo lagu qabtay Hargaysa
  2. Ergeyga QM ee Soomaaliya oo Booqasho ku Tagay Garowe iyo Hargaysa
  3. Kulan looga hadlayay Amniga Boosaaso oo maanta lagu qabtay xarunta Dowlada Hoose ee M. Boosaaso
  4. Xabsi daa’im lagu Xukumay Ninkii Dilay Gabadhii “Shahiidatul Xijaab”
  5. Nin Soomaaliyeed oo lagu xukumay 30 sano

Latest Headlines