Dagaal ka dhacay isgosyka Kalabeyr ee duleedka magaalada Baladweyne

Published on December 30, 2010 by   ·   No Comments   ·   print

Wararka naga soo gaaraya gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhexeeya ciidamada DKMG iyo kuwa xarakada Shabaab uu ka dhacay isgoska kalabayrka oo ilaa 25 km u jira magaalada Baladweyne ee xarunt gobalka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa siday sheegeen dad ku sugan gudaha Baladweyne wuxuu bilawday shalay casarliiqii wuxuuna socday ilaa xalay habeenimadii hore.

Sarkaal ka tirsan ciidanka DKMG ee halkaasi ku sugan oo lagu magacaabo Axmed Inji ayaa warbaahinta u sheegay maanta in dagaalkaasi uu ahaa weerar lagu iyaga lagu soo qaaday ayna iska difaaceen sida uu sheegay.

Dhinaca masuuliyiinta xarakada shabaabul mujaahidiin ma jiraan wax faahfaahin oo ka soo baxay oo ay kaga hadleen dagaalkan.

Wararka deegaanka ka imaanaya ayaa waxay sheegaayan in dhimasho iyo dhaawac uu sababay dagaalkan kaasoo saameyn ku yeeshay wadada laamiga ah ee isku xirta gobalada dhexe iyo kuwa waqooyi oo sii marta Kalabeyr oo xirantay intii uu dagaalku socday.

Xaalada ayaa maanta la soosheegayaa inay degan tahay oo aysan jirin wax dagaal ah oo halkaa laga soo sheegayo.

Waxaana dagaalkan uu ku soo beegmayaa kadib markii malin kahor halkaasi ay ka guureenguutooyin ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ku lahaan jiray Kalabeyrka kuwaasoo aaday dhinaca deeganka Feerfeer.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaal ka dhacay Duleedka Baladweyne.
  2. Dagaal culus oo ka socda Duleedka Baladweyne
  3. Ciidamo Itoobiyaan ah oo yimid Duleedka Baladweyne
  4. Dagaal ka dhacay Waqooyiga Baladweyne
  5. Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Baladweyne

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal ka dhacay Duleedka Baladweyne.
  2. Dagaal culus oo ka socda Duleedka Baladweyne
  3. Ciidamo Itoobiyaan ah oo yimid Duleedka Baladweyne
  4. Dagaal ka dhacay Waqooyiga Baladweyne
  5. Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Baladweyne

Latest Headlines