Xildhibaanada barlamaanka DFKMG Soomaaliya ayaa maanta kulan ay su’aalo ku weydiinayaan raysul wasaaraha xukuumada federaalka waxay ku yeesheen magaalada Muqdisho iyagoo inta badan su’aalo kaweydiiyey dhinaca heshiisyada la sheegay in lala galay shirkadaha ajnabiga.
Kulanka oo furmay subxnimadii ayaa waxa ka soo qaybgalay 290 xildhibaan kuwaasoo diyaar u ahaa iny su;aalo weydiiyaan raysul wasaaraha gaar ahaan arinta heshiiyada oo maalmo ka hor laga keenay mooshin.
Xildhibaanada barlamanka ayaa ugu horeyntii soo saaray mooshinka ka horjeeda heshiisyada, waxaana goobta ka akhriyey xildhibaan Cumar Islow oo sheegay in Farmaajo laga doonayo inuu cadeeyo hishiisyadan la sheegyo in lala galay shirkadaha kala ah Sarecen, Black Water, SKA, Dynacom, iyoshirkad Japan laga leeyahay oolaga iibiywy magaca furaha internetka Soomaaliya ee SO.
Markii uu rintaasi soo jeediyey xildhibaan Cumar Islow kadib ayaa raysul wasaare Maxamed Farmaajo wuxuu sheegay inuu hayo hal warqad oo ku saabsan hishiiska shirkada Sarecen oo kaliya taasoo uu galay hishiiskeeda raysl wasaarihii isaga ka horeeyey ee Cumar Cabdirashiid uuna saxiixay 15-05-2010.
Wuxuuna Farmaajo intaasi ku siidary inuusan waxba kala socon hishiisyada kale ee shirkadaha la sheegayo, wuxuu sheegay inuu saxaafada ka maqlay oo kaliya.
Dood dheer oo ka dhacday hoolka barlamaanka kadib ayaa waxaa la go’aamiyey in mudo afar Asbuuc ah uu raysul wasaaruhu dib ugu soolaabto barlamaanka si uu faahfaahin buuxda u siiyo barlamaanka, waxaana mudada intaa ka horeysa loogu baaqay in dhamaan la hakiyo hawsha shirkadahaasi ay ka hayaan wadanka mar hadii aysan sharci ku sugneyn.
Gudoomite ku xigeenka barlamaanka C/weli Muudeey ayaa sheegay in kulanka la xiray, isagoo ugu baaqay xukuumadana inay fuliso go’aanka barlamaanka.

Related posts: