Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabariisatay deganaansho kadib dagaalo xoogan oo ilaa shaley galab ka dhacay degmada Boondheere iyo agagaarka isgosyaka Jubba hlkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada shisheeye ee Amisom.
Dagaalkan ayaa socday ilaa xalay sqdii dhexe oo laga maqlayey magaalada madafiic culus oo loo adeegsanayey dagaalka.
Dagaalkan ayaa ku bilawday weerar culus oo ciidamada xarakada Alshabaab ku qaadeen fariisimaha ciidanka shisheeye iyo kuwa DKMG oo kuwada sugan isgoska Jubba, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhawr saacadood qaatay.
Inta la og yahay khasaaraha dagaaladan ayaa lagu sheegay in 2 ruux ku dhinteen 4 klana ku dhaawacmeen dagaalkan, waxayna dadkaasi yihiin dad rayid ah oo ku sugnaa goobo ku dhow meelaha lagu dagaalamay.
Dhanka kale dagaalka waxaa barbar socday madaafiic culus oo magaalada ay ku tuurayeen ciidamada shisheeye waxaana meelaha madaafiicdaaasi gaaraysay kamid ah degmada kaaraan.
Xaalada ayaa saaka xasilooni ku bilaabatay, waxaana degmooyinka kale ee magaalada furmay goobaha ganacsiga iyo waxbarashad iyadoo baabuurta bl-kana ay caadi u shaqeynayaan.

Related posts: