Maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay inuu soo saarayo mar hotelada ku yaala gudaha magaalada Muqdisho looga joojinayo in lagu qabto shirarka maamulka uusan ka warheyn.
Xoghayaha maamulka gobalka Banaadir C/kaafi Hilowle ayaa saxaafada u sheegay in amarkaasi dhawaan maamulka uu soo saari doono isla markaana laga doonayo hotelada inay dhaqangaliyaan.
“hoteelada waxaan u sheegaynaa in aan soo saarayno wareegto lagu mamnuucayo in shirar aanan ogeyn lagu qabto ama dowlada looga soo horjeedo, waana u yeeridoonaa mulkiilayaasha hoteelada” ayy yiri xoghayaha gobalka Banaadir oo shir jaraaid saxaafada ugu qabtay Muqdisho.
Xoghayaha gobalka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in la xir doono hoteelkii lagu qabto shir dowlada lagu cambaareynayo ama looga soo horjeedo. Wuxuuna intaa ku daray in milkiilayaasha hotelada ay iska diidaan shirarka lagu qabto ee dowlada lagu mucaaradayo.
Wuxu sidoo kale ugu baaqay dadka ka shaqeeya hoteelada inay diiwaangaliyaan dadka seexanaya hoteelada si loo ogaado waxa ay dadkaasi yihiin iyo halkay ka yimaadeen.
Dhinaca kale C/kaafi Hilowle ayaa saxaafada magaalada Muqdisho wuxuu uga digay inay ku deg degaan wararka ku aadan arimaha maamulka gobalka Banaadir gaar ahaan warar sheegaya in musuqmaasuq uu ka jiro daqaalaha gobalka taasoo uu beeniyey.

Related posts: