Darsi Diini ah: Arkaanta Iimaanka

Published on December 29, 2010 by   ·   4 Comments   ·   print

Waxaa Mahad Leh allahii naga abuuray Biyo mani ah nagana yeelay dad muslimiin ah oo allahood yaqaan tan kale waxaa ka hadlaynaa hadduu allaha awooda leh noo ogalaado duruus xiriir ah oo ku saabsan Arkaanul Iimaan ama Arkaanta Iimaanka.

 

Waxaa inteena badan la soconaa in uuna qofka muslim noqonayn illaa la ga helo iimaan hadaba iimaan maxaa la yiraahdaa iimaanka culumadii hore waxay ku qeexeen wixii qalbiga ku dhaca camalka uu ka runsheego, waxaa kale oo ay ku qeexeen carabka oo looga dhawaaqo- qalbigana laga rumeeyo- xibnahana looga camal falo.

Quraanka kariimka ah in badan ayuu ka hadlay sida suuratul nisaa[kuwa allah rumeeyeenoow rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa (Muxamed)] Nebiga Scw mar uu weydiiyey Saxaabiga c/llaahi bin Mascuud Acmaasha yaa ugu fadli badan wuxuu ku jawaabay[iimaan allah la rumeeyo] waxaa weriyey bukhaari iyo Muslim marka waxaa nala gudboon walaalaha aan jeclahayoow in aan kulligeen barano iimaanka oo ah kan sabatiisa Janada Allah lagu galo Naartana looga badbaado waxa uu Saxaabiga Cali bin abii Daalib ka weriyey Nebiga SCW : [Janada ma galayso illaa naf mu'minad ah mooyee] waxa weriyey muslim.

Sidoo kale iimaanka waa shardiga lagu aqbalo acmaasha adoomada alle camal kasta oo iimaan uu ka horeynin allaah ma aqbalo sida quraanka ku cad suurada al kahf [kuwa Allah rumeeyeen camalkoodana hagaajiyeen Janatul firdows ayay Martiqaad ka helayaan wayna ku waaraan mana doonaan inay ka guurran].

Waxaa maalin maalmaha ka mid ah u yimid Nebiga SCW nin timahiisu madow yihiin dharkiisuna cad cad yihiin safarna aanu ka muuqan qof yaqaana uusan jirin illaa ka fariistay Nebigga agtiisa jilbahana uu saaray jilbaha Nebiga gacmahiisana uu dul saaray bowdaha Nebiga SCW wuxuuna weydiiyey Iimaanka.

Wuxuuna ku jawaabay Nebiga SCW [waa in aad Rumayso Allaah ,Malaa'iktiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, Malinta Qiyaame iyo Qadarta allah Sharteeda iyo khayrkeedaba kolka waxaan u soo qaadan doonaa duruusteena kale mid mid arkaanta iimaanka ee 6-da ah oo waajib ku ah qof walba oo muslim ah inuu barto sharax koobna waan ka bixin doonaa hadduu allaah idmo.

Waxaan ugu danbeyntii isu dar daarmaynaa cabsida allah oo ah tii ay umadahii hore rusushoooda u dardaarmeen anagana uu rabigen noo dar daarmay sida allah uu ku sheegay suurada al nisaa[ waxaan u dar daaranay kuwii kitaabka hortiin la siiyey ( yahuud iyo nasaara) iyo adinkaba in aad allah ka cabsataan: amarkiisa qaadataan wuxuu idinka reebayna aad ka tagtaan:]

Intaas ayaan ku soo koobaynaa darsigeena 1aad illaa kulanti danbe Waxaan idiinka tegey allaah kaasoo dayicin wadaacadiisa.

Asalaamu calaykum Waraxmatulalah

Sheekh C/raxmaan Caddow
addow35@hotmail.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Nadwo Diini ah oo Habeenkii 3-aad ka socota M/Burco
  2. Sh. Nuur Baaruud“Mas’alo Diini ah in Xabad lagu xaliyo iyo Wareegto Sax ma aha”
  3. Nadwadii labaad ee Diini ah oo Caawa lagu qabtey Masjidka Aba-hureyra ee M/disho
  4. 2,000 oo Qoys oo Kismaayo Raashin loogu qeybiyey & Dowro Diini ah oo Haween loo furay.
  5. Dowro Diini ah oo M/Muqdisho ka Bilaabatey(Q.3 aad)

Readers Comments (4)

  1. ??? ????????? ???? ???? says:

    Masha allaah ajar iyo xasanaat aan la soo koobi karin allaah ha idinka siiyo anagana allaah hanagu anfaco oo ha sugo iimaan keena

  2. Maryanruun says:

    Masha allah masha allah

  3. sadiiq says:

    maasha alaah ilaah qer iyo xasanaad hakaa siiyo amiin amiin amiin

  4. caliqadar says:

    waxan rabaa sheekhoow allaha ku dhowree in aad ii faahfaahiso

    in la rumeyo qadarta qeyr iyo shar




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Nadwo Diini ah oo Habeenkii 3-aad ka socota M/Burco
  2. Sh. Nuur Baaruud“Mas’alo Diini ah in Xabad lagu xaliyo iyo Wareegto Sax ma aha”
  3. Nadwadii labaad ee Diini ah oo Caawa lagu qabtey Masjidka Aba-hureyra ee M/disho
  4. 2,000 oo Qoys oo Kismaayo Raashin loogu qeybiyey & Dowro Diini ah oo Haween loo furay.
  5. Dowro Diini ah oo M/Muqdisho ka Bilaabatey(Q.3 aad)

Latest Headlines