Wararka ka imaanaya deegaanada Ceeldheer, Wisil iyo Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in tiro dad ah maalmihii la soodhaafay haraad dartiis ay ugu gerriyoodeen xili ay aad uga sii dareyso xaalada abaareed ee ka jirta dalka Soomaaliya.
Dad gaaraya ilaa 10 ruux ayaa la sheegayaa in maalmihii tegey ay biyo la’aan ugu naf bexeen deegaano hoos yimaada degmada Hoyo oo ay ka mid tahay Wisil, Gawaan iyo tuulooyin ku dhow halkaasoo xaalada biyo la’aanta ay gaartay meel daran.
Dad ku sugan Hobyo ayaa maanta sheegay in dad ka geeriyooday ay ku jiraan carruur iyo dad waayeelo ah oo u adkeysan waayey biyo la;aanta halkaasi ka jirta, waxayna codsadeen in walaalahaasi la gargaaro.
Dhinaca kale deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduuud ee bartamaha wadanka ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa xaalado aad u adag, waxaana lagu soo waramayaa in xoolaha gaar ahaan lo’da maalin kasta biyo la’aan u le’aneyso.
Suuqyada magaalada Beledweyne ayaa la soo sheegayaa in dadka xoola dhaqata ay keenayaan lo’da si ay u iibiyaan maadaama ayan wax baad ah u heli karin taasina ay sababtay in xooluhu ay liitaan.
Ilaa hada ma jirto meel gurmad insaanimo la geeyey oo la soo sheegay, waxaana maalin kasta la soo sheegaya dad iyo duunyo biyo la’aan u geeriyooday kadib markii ay abaartu ku dheeraatay.
Inta badan gobolada dalka ayaa dadku waxay bilaabeen Alle bari iyo roobdoon si Alle SWT uga dulqaado xaaladan adag ee soo wajahday.

Related posts: